Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qalabka Sida

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga timaada inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...