Home Blog Page 1536

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Furtay Shir looga Hadlaayo Xasilinta Dalka.

0

Shirka Bilaha ee Xasilinta dalka oo uu shir Gudoominayay Wasiirka Arrimaa Gudaha , federaalka iyo dib u heshisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay sida kor loogu qadi lahaa wada shaqeynta iyo xoojinta dowlad goboleedyada waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiradda Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilo ka socda caalamka uu ka mid ahaa ku xigeenka argayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Sooamaliya Peter Dicluk iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska David Concer

Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamuud Azhari oo ka hadlay Shirka ayaa tilmaamay in shirkan lagu lafo gurayo sidii loo heli lahaa qorshe midaysan oo la xiriira Xisilinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Saciid ( Juxa) oo shir Gudoominayay shirkan ayaa sheegay in xasilintu ay muhiim u tahay Baahinta Awoodo dowlada.

Wasiir Juxa waxa inta ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso Xoojinta Dowlad Goboleedyada Dowladnimadana ay ku hergalayso Wadajir.

Mashruuca Xasilinta dalka oo intiisa badan laga hergaliyay Degmooyinka Laga Xureeyay Maleeshiyada Alshabaab ayaa Muhiimadiisu tahay soo celinta adeegyada Bulshada iyo in dagmo walbo dadkeeda ay helaan maamul ay soo doorteen.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan talo wadaag ah la yeeshay qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan talo-wadaag ah la qaatay qaar kamid ah Ururrada Bulshada Rayidka ah ee dalka.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada iyo dowladda ayaa xubnaha ka socday Bulshada Rayidka ah waxa ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha talooyinkooda ku aaddan dib-u-habaynta garsoorka, dib-u-eegista dastuurka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay siinayso Bulshada Rayidka ah fursado ay kaga qayb qaataan talada dalka maadama dowladda haatan jirta ay tahay mid ka tarjumaysa rabitaanka Shacabka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kaalin muhiim ah ayaad ku leedihiin in aad nala wadaagtaan dhaliisha iyo bogaadinta arrimaha noo qabsooma iyo in aad u soo bandhigtaan bulshada caqabad kasta oo ka hor imaanaysa dowladnimada.”

Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa madasha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan wada shaqaynta xukuumadda iyo Ururrada Rayidka ah, gaar ahaan gurmadkii abaaraha iyo dib-u-hanashadii saxiixa deeqaha caalamiga ah.

Kulankan waxa uu qayb ka yahay kulamo joogta ah oo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada si uu u dhagaysto talooyinkooda.

Hay’adda Cilmi Baarista badaha Soomaaliya oo soo kordhisay Kulliyado la xiriira barashada sharciyada Badda iyo Farsamada Maraakiibta.

0

Kulliyadaha ay soo kordhisay Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin sharciga badda iyo farsamada maraakiibta ayuu sheegay Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo ah guddoomiyaha hay’addaasi in xiligan dalku baahi weyn uu u qabo, hadii la xoojiyana ay sahleyso in laga baxo caqabado badan oo ka taagan dhinaca badda.

Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa tilmaamay in ardayda baraneysa kulliyadahaasi ay heystaan fursado wanaagsan oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Drs Maryan Aweys Jaamac ayaa muujisay in wasaaraddu ay ku howlantahay diyaarinta qorshayaal horumarineed oo dhinaca badda la xiriira.

In la helo dad bartay cilmiga iyo sharciyada badda ayaa sahlaya in la yareeyo xadgudubyo iyo kaluumeysi sharci daro ah oo la tilmaamo in lagu hayo qeyraadka baddeena.

Ku-simaha Ra’iisul-wasaaraha oo booqday Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuna kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.

“Isbitaallada oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka, hase ahaatee
isbitaalka Digfeer ayaa daboolay baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Isbitaal Degfeer oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casriyaysan Qaaradda Afrika ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu indha indheynta kadibna kulan la qaatay, isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeenna ka hayaan.

Hay’adda Cilmi Baarista badaha Soomaaliya oo soo kordhisay Kulliyado Cusub

0

Muqdisho (SONNA) Kulliyadaha ay soo kordhisay Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliya oo ay kamid yihiin sharciga badda iyo farsamada maraakiibta ayuu sheegay Admiral Faarax Axmed Cumar Faarax Qare oo ah guddoomiyaha hay’addaasi in xiligan dalku baahi weyn uu u qabo, hadii la xoojiyana ay sahleyso in laga baxo caqabado badan oo ka taagan dhinaca badda.

Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cismaan Maxamed Cabdi Daalo ayaa tilmaamay in ardayda baraneysa kulliyadahaasi ay heystaan fursado wanaagsan oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Drs Maryan Aweys Jaamac ayaa muujisay in wasaaraddu ay ku howlantahay diyaarinta qorshayaal horumarineed oo dhinaca badda la xiriira.

In la helo dad bartay cilmiga iyo sharciyada badda ayaa sahlaya in la yareeyo xadgudubyo iyo kaluumeysi sharci daro ah oo la tilmaamo in lagu hayo qeyraadka baddeena.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka oo booqday Isbitaalka Digfeer.(SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA)–Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuna kormeer ku sameeyey qeybaha gargaarka deg degga, qololka iyo sariiraha bukaan jiifka iyo qeyba kale oo muhiim ah kuna jireen dad Soomaaliyeed oo hayaan xanuuno kala duwan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u rajeeyey dadkii Soomaaliyeed ee ku jirey Isbitaalka in ALLAH uu siiyo Caafimaad deg-deg ah.

“Isbitaallada oo muhiimad gaar ah u leh ummad waliba ayaa ka mid ah goobaha uu dalkeenu ka liitay mudooyinkii bur burka, hase ahaatee
isbitaalka Digfeer ayaa daboolay baahi badan oo dadka Soomaliyeed ay u aadi jireen dalka dibadiisa” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Isbitaal Degfeer oo ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu casriyaysan Qaaradda Afrika ayaa waxaa ku sugan dhaqaatiir iyo howl wadeeno caafimaad oo u dhashay wadanka Turkiga, kuwaasi oo uu Ra’iisul Wasaaruhu indha indheynta kadibna kulan la qaatay, isagoo ku amaanay howsha caawimaada ah ee ay dalkeenna ka hayaan.

Kaalmaddii ugu horaysay ee Caalami ah ee Caruurta Rohingya oo gaartay Bangaladesh

0

Dhaka-(SONNA)-Hayadda u qaabilsan Q/M daryeelka Caruurta ayaa sheegtay in ay gaareen dalka Bangaladhesh Shixnadihii ugu horeeyay ee gargaar ee loogu talagalay caruurta Qaxootiga ee Rohingya ee u cararay dalka Bangaladhesh.

Shixnadahan gargaarka ee deg-degga  ayaa gaaraya 100 tan, oo sida qorshuhu yahay loo qaybin doono carruurta Rohingya iyo Qoysaskooda sida hayadda unicef ku faafisay barteeda Internetka.

Warku wuxuu intaasi raacinayaa in Shixnaddaan gargaarka lagu gaarsiiyay caasimadda Bangaladhesh ee Dhaka duulimaadyo dhanka hawada ah, waxaana loo sii daabuli doonaa goobaha ay ku sugan yihiin Caruurta Qaxootiga Rohingya ee ku yaal xuduudda labada dal.

Kaalmadaan ayaa ka kooban daawo lagu nadiifiyo biyaha, waxyaabo kale oo lagama maarmaan u ah nadaafadda Qoyska,maadooyin loo adeegsado daryeelka Caafimaadka iyo Qalab ay caruurtu ku cayaaraan.

Dhanka kale wakiilka hayadda unicef ee Bangaladhesh ayaa sheegay in Caruurta qaxootiga ah ee Rohinhya haddii ay helaan biyo nadiifa ay taasi ka hortag u noqon doonto cudurada faafa gaar ahaan Shubanka.

Saddex ka mid ah Ciidamada Nabad ilaalinta Mali oo la dilay

0

Muqdisho-(SONNA)- Wararka ka imanaya  Waqooyiga dalka Mali ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Ciidamada nabad ilaalinta Qaraamada midoobay oo ku sugan dalkaasi lagu dilay qarax, halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Bayaan ka soo baxay Ergada Qaraamada Midoobay ee dalkaasi Mali ku sugan ayaa lagu sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay Bam la dhigay jid ku yaal magaalada Gaw ee waqooyiga dalkaasi xilli Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi ay  halkaa marayeen, waxaana la sheegay inay dhibaatada intaa ka sii badnaan karto.

Warku wuxuu intaa ku daray in ay baarista dhacdaasi weli socoto.

Turkiga oo ka soo Horjeestay Aftida laga qaadayo Kurdiyiinta Ciraaq

0

Muqdisho (SONNA)- Maanta oo Isniin ah Dowlada Turkey ayaa ku dhawaaqday inay waxba kama jiraan tahay Natiijo kasta oo ka soo baxda Aftida laga qaadayo shacabka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq, taasi oo ku aadan in ay noqdaan Dal madax banaan, oo ka go’ay Ciraaq inteeda kale.

Wasaaradda arimaha dibada Turkiga ayaa sheegtay in Golaha amniga qaranka loo jeediyay in cuna qabateyn ay ku soo rogaan Gobolka Kurdish, hadii ay dhacdo aftidaasi, waxaana arintaasi ansixiyay Golaha wasiiradda.

Bayaanka ay soo saartay Wasaaradda arimaha dibada waxaa lagu yiri:“Ma aqoonsanin talaabadan aanan laheyn Sharciyad aas aasi ah, mid caalami ah iyo dastuurka Ciraaq”.

Dowlada Turkiga ayaa ku baaqday in laga fogaado cawaaqib xumo ay sheegtay inay ka dhalan karto arintan.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale bilawday dhoolatus militari oo ay ka samaynayso xudduuda Waqooyiga Ciraaq,iyadoo sidoo kale Dowladda Turkiga ay dhankeeda wada dhoolatus militari .

Labada dal ba waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan aftida lagu wado in ay ka dhacdo Waqooyiga Ciraaq.

Turkiga iyo Iran ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in aftidani ay dhaliso kacdoon ay sameeyaan Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalalkooda.

Maamulka cayaaraha degmada Howlwadaag oo koob dhex dhiggay warbaahinta Muqdisho

0

Muqdisho (SONNA):- Sannadkii labbaad ayuu qabbanayaa maamulka cayaaraha ee degmada Howlwadaag tartan kubadda cagta ah oo ay ku tartamayaan warbaahinta Muqdisho.

Munaasabad ka dhacday degmada Howlwadaag, ayaa lagu sameeyay qori-tuurka tartanka ay ka qeyb qaaddanayaan siddeed idaacaddood iyo siddeed TV.

Maamulka cayaaraha degmada Howlwadaag, ayaa aad ugu celceliyay in xarun walba ay tartanka ku matali karaan dadka u shaqeeyo oo kaliya.

Qaabka wareegyadda tartanka loo sameeyay:

Group A.

1-Radio Risaala. 
2-Goobjog Tv.
3-Somaali cable Tv.
4-Saab Tv.

Group B.

1-Universal TV.
2-Radio Simba.
3-Codka Gobolka.
4-Som News TV.

Group C.

1-Radio Shabeele.
2-Horn Cable Tv.
3-SNTV.
4- Radio Mustaqbal.

Group D.

1-Ciyaraha FM.
2- Radio Danan.
3-Radio Kulmiye.
4-RTN TV.

Cayaaraha ayaa lagu dheelli doonnaa xarunta degmada Howlwadaag, waxanna ay bilaaban doonnaan 1-da bisha soo socota.