Home Blog Page 1536

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay safiir ku-xigeenka Germany ee Soomaaliya

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr oo ay wehlinayeen La-taliyaha Arrimaha Warfaafinta, Xiriirka, iyo Wacyi Gelinta Dadweynaha, iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda ayaa la kulmay Safiir Ku-Xigeenka dalka Germany ee Soomaaliya Markus Bollmohr.

Ugu horeeyn, Agaasimaha Guud ayaa warbixin ka siiyay danjire Ku-Xigeenka hawlaha ay Wasaaradda qabatay mudooyinkii dambe ee u diyaar garowga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Mudane Zubeyr ayaa sheegay in Wasaaraddu ay kulamo wadatashi ah sameeysay oo ay shacabiga talooyinkooda ku darsanayeen qorshaha guud ee geedi-socodka iyo kulan kale oo ay Wasaaradda u qabatay Dawlad Goboleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka oo lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga.

Danjire Ku-Xigeen Markus ayaa aad u soo dhaweeyay waxqabadka Wasaaradda ee bilihii la soo dhaafay, waxa uuna sheegay in ay door taageera ah ka qaadan doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Wasaaradda wado.

Ugu dambayn, Masuuliyiintii ka socotay Wasaaradda iyo Safiir Ku-Xigeenka Germany ee Soomaaliya ayaa isku afgaraty sidii wadashaqayn ay u yeelan lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa magaalada Qaahira ee dalkaas  ku siyaartay hoyga Qaahira uu ka degan yahay Madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan.

Madaxweynaha dalka ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qorey in uu la kulmay C/qaasim Salaad Xasan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka.

Dr. C/qaasim Salaad Xasan madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay alle u towbadkeenaan isla markaana iscafiyaan si dhibaatada daba dheeraatay looga gudbo.

Shirka goliyaasha deegaanada Jubaland oo Kismaayo ka furmay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta DFS Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa goordhow daah furay shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Jubbaland.

Munaasabadan oo hada ka socota magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socda Maamulka Jubbaland, Wakiilo ka socda Midowga Yurub iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha Munaasabada lagu furayo shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ayaa jeediyay aragtiyo kala duwan oo guul looga gaari karo shirkan.

Goordhow waxaa la filayaa in madasha ay khudbado ka jeediyaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa, iyagoo ka hadli doona ahmiyada uu leeyahay shirkaan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa furay imtixaan laga qaadayo qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ka soo baxday,kuwaasi oo ay qaadaneyso Jaamacadda Umadda.

Imtixaankaasi oo ay u fariisteen radaydaasi oo haatan ku soo biiraya Jaamacadda Umadda ayaa ujeedkiisu yahay sidii  loo qiimeyn lahaa tayada waxbarasho ee ardaydaasi ka so baxday dugsiyada sare, si ay ugu gudbaan waxbarashada sare ee heerka jaamacadeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno katirsan wasiirada iyo maamulka Jaamacadda Umadda ayaa kormeerey imtixaanaadkaasi,iyagoo u kuurgalaya qaabka loo soo agaasimay habka imtixaanaadkaasi.

Mudane Xasan Cali Khayre’ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhiro geliyay ardaydaasi in ay sare u qaadaan aqoontooda, islamarkaana ay qeyb ka qaataan horumarka dalokooda.

Labo markab oo shil ku galay Dekedda Berbera

0

Mas’uuliyiinta Soomaaliland ayaa sheegay in ay isku dhaceen laba Markab oo ku xirnaa Dekedda magaalada Berbera ee Maamulkaasi.

Shilkani oo dhacay habeenimadii xalay,ayaa warku intaa ku daray in mid kamid ah labadaasi markab uu waxyeelo aan badneyn uu soo gaaray,kadib markii uu dhinac ka duusmay.

Magaalada Berbera ayaa waxaa ku xirnaa sedex Maxjar oo loogu talagalay in lagu ogaado caafimaadka xoolaha, ayadoo mas’uuiyiinta Soomaaliland ay sheegeen in  xoolaha halkaasi laga dhoofiyo  caafimaadkooda si aad ah loo hubiyay.

Axmed Xaaji C/llaahi oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in sanadkan 1 milyen oo neef oo ari ah dibadda loo dhoofinayo.

“Dekedda Berbera waxaa ka soconaya dhoofinta xoolaha ee sanadkan, 1milyen oo neef oo ari lab ah ayaa loo iibgeynayaa dibadda, midka dediga ah kuma jiro,wadamada Sucuudiga,Cumaan, Yeman iyo wadamo kale ayaa loo iibgeynayaa, hadda in kabadan 700 oo kun ayaa la dhoofiyay”, Sidaasina waxaa yiri Axmed Xaaji C/llaahi.

Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa la filayaa in 1 milyen oo neef oo ari ah loo dhoofiyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka maadaama la joogo waqtigii

SONNA

“Faallo” Isbedel Aad loogu Baahnaa In La Arko!!!

0

Tan iyo intii ay Dhalatay Dowladda Shacabka ee ay Hogaaminayaan Mudane Max’ed C/llaahi Famaajo Madaxweynaha JFS,  Iyo  Ra’iisul wasaare  Xasan Cali Khayre, waxaa guud ahaan wada Iftiimay wajiyada Dad fara badan.

Wajiyo niyad jabay, kana quustay in mar kale aysan arki doonin Qaran wada shaqayn ka dhaxayso isaga iyo  shucuubtiisa, wajiyo in badan la dulminaayey oo shib isaga ahaa dhibaha ay u gaysanayaan Dad asaagooda ah , wajiyo la dhihi karo isbedelka wanaagsan ee maanta ka jira Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa u sabab ah, marka laga reebo doonista ilaah.

Haddii arintaas daliil loo raadiyo  waxaa daliil nooga filan , horumarada dhinacayada  Ammaanka,sida dib uga xoraynta goobaha ay dulaysteen ee dalka ka mid ah Argagixida, kororsiimada Dhaqaalaha, La dagaalanka Musuqa, isdabamarinta iyo  dib u hagaajinta kaabayaasha dhaqaalle ee dalka, wax u qabashada inta taagta daran sida Barakacayaasha iyo kor u qaadidadda Niyadaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed Rag iyo Haweenba.

Waxaa jira qorshe xukuumadda ugu talgashay  2017- 2021 oo qeexaya  hadafkii Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi  Farmaajo ee Nabad iyo Nolol,  kaas oo lagu soo koobi karo saddex qodob A- ka-guul-gaarista dalka sida la dagaalanka argagixisada B) Dhisidda hay’adaha garsoorka. c) Kobcinta dhaqaalha iyo abuurka shaqada iyo shaqaalaha., , kuwaas oo lagama maarmaan u ah xasilloonida..

Dhinaca Amaanka  waa udub dhexaadka nolosha, la’aantiisna lama gaari karo wax horumar ah. Sidaas awgeed, sugidda Amnigu waa waajibka ugu sareeya ee saaran Dowladda, shacabkuna kula xisaabtami doono.

In amniga wax laga qabto waxay u baahan tahay fikir cusub iyo hannaan ka duwan kuwii hore, kuna saleysan geesinimo, dhiiranaan iyo go’aan adeyg, si loo badbaadiyo Qaranka, Xukuumadda oo taas ka duuleysa, waxay abbaartay dhabbihii lagu heli lahaa hay’ado Amni iyo Ciidan wax-ku-ool ah, kuwaas oo kasban kara taageerada shacabka.

Howlaha Dhinaca Amniga ee u qabsoomey  Xukuumadda waxaa ka mid ah:

  • Joogteynta mushaaraadka iyo gunnooyinka hay’adaha amniga, taasoo intii mudda aheyd aan suurtogeli jirin.
  • Ka guul-gaaridda xakameynta hubka sharci-darrada ah, taasoo kordhineysa Nabadda iyo deganaanshaha Dalka;
  • Howl-gelinta Ciidammo u gaar ah Nabadeynta Caasimadda, kuwaas oo kormeerro iyo howlgallo joogta ah ka sameeya magaalo madaxda;
  • Qaadidda jid-gooyooyin sharcidarro ah oo lagu waxyeeleyn jiray shacabka, loogana qaadi jiray lacago sharci-darro ah;

Garsoorka Iyo cadaaladda:Dal aan laheyn hannaan hufan oo caddaaladeed ma gaari karo xasillooni, horumar iyo nabad waarta. Caddaalad darradu waa sababta keentay burburka iyo kala dambayn la’ aanta.

Haddaba, Dowladi ma kasban karto shacabkeeda, haddii aysan lahayn Nidaam-caddaaladeed oo suga xuquuqda muwaadinka,isla markaan ilaalinaysa naftiisa, hantidiisa iyo xorriyaddiisa. Iyadoo taas ka duuleysa, Xukuumaddu waxay ahmiyad ballaaran siineysaa hirgelinta nidaam-caddaaladeed oo loo siman yahay waafaqsanna Shareecada  Islaamka, sida uu qeexayo Dastuurka, kana dhaqan galaysa  dalka oo idil, si loo joojiyo gabood-falada iyo caddaalad darrada hareysay ummadda Soomaaliyeed.

Kobcinta Dhaqaalaha:- Xukuumadda FS  waxaa ka go’an in ay xoojiso dhaqaalaha dalka, iyo sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho la taaban karo.

Saboolnimada ka jirta Soomaaliya ma’ahan mid dabiici ah  waxaa abuuray colaadaha, iyo xasillooni-darrada ragaaday oo rajo-beel iyo darxumo ku noqotay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada iyo danyarta, Dhaqaalaha dalku ma kobci karo haddii aan lala dagaallamin musuq-maasuqa, caddaalad-darrada iyo amni-xumada.

Howlaha u qabsoomey Xukuumadda FS ee dhanka kobcinta dhaqaalaha waxaa ka mid ah:

  • Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada khuseeya dhaqaalaha sida Sharciga Maareynta Maaliyadda, Sharciga Biyaha, Sharciga Beeraha, Sharciga Shirkadaha, Sharciga Istaatiistikada, Sharciga Kalluumeysiga, Sharciga Batroolka, Sharciga Badda iyo sharciyo kale oo khuseeya kobcinta dhaqaalaha.
  • Ka guul gaaridda soo celinta Astaanta Internetka ee Qaranka (.SO), taasoo noo fududeyneysa in aan la jaanqaadno isbedelka adduunka ee isticmaalka teknoolajiyada iyo internetka.
  • Dib u habeynta qaabka loo maareeyo bixinta kharashaadka dowladda, si loo mariyo habraaca iyo nidaamka Maareynta Maaliyadda.
  • Bilaabidda hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee ah kii ugu horreeyay muddo gaareysa 35 sano

Gurmadka Abaaraha:Waxaa dalka soo maray abaaro ba’an oo soo jiitamaysay dhowr sano, taas oo dhibaatooyin baaxad leh u geysatay kumannaan qoysas Soomaaliyeed.

Abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku noqdeen jiritaanka deegaanno, duunyo iyo nolosha dad badan oo shacab ka mid ah.  Xukuumadda oo kaashaneysa shacabka, waxay dusha u ridatay waajibka ah in si deg-deg ah wax looga qabto musiibooyinka abaaraha.

Howlaha qabsoomay dhanka Gurmadka Abaaraha waxaa ka mid ah, Dardar-gelinta howlaha Guddiga Abaaraha dhanka qaylo-dhaanta, abaabulka, uruurinta deeqaha iyo gaarsiinta deeqahaas dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan,wax badana waa laga qabtay, inkastoo ay abaaruhu galaafteen dad iyo duunyo fara badan .

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daahfuray waaxda tayo dhowrka badeecooyinka

0

Daahfurka waaxda taya dhowrka badeeyooyinka Puntland waxaa ka soo qayb galay Madaxwayen ku xigeenak Puntland Eng.C/xakiin C/llaahi  Cumar Camey,Guddoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada Puntland Madaxda ugu saraysa wasaradda ganacsiga iyo warshadaha Puntland hay’adaha ka shaqeeya arrimaha tayada badeecooyinka ,Ganacsato iyo dhakhaatiir.

C/wali xir Cabdulle Indha guran wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadaani waxa uu si adag u balan qaaday hirgalka waaxdan taya dhowrka Puntland.

“Anagoo kaashanayna xubnaha halkaan idin horfadhiya waxaan balan qaadaynaa in badna waxaa lagu celceliyay in badan armay soconwaydaa,shaybaarkaan Hay’ad noo gadin anagaa gadanay oo waa mulkiyadayadii ,Shaqaale hay’adi nooma shaqaalaysiin oo waa shaqaalihii wasaaradaha Puntland, sidaa daraadeed hadday idin khayaamaan Puntland oo dhan bay khayaameen waana dad aan aqoontooda ku kasoonahay in badan .”Ayuu yiri wasiirka ganacsiga Puntland.

Aqoonyahanadii ka soo qayb galay furitaanka taya dhowrka Puntland waxay adkeeyeen wada sahqayn dhab ah si loogu guulaysto howshan tayo dhowrka badeecooyinka puntland.

Gabagabadiina Madaxwayne ku xigeenka Puntland waxa uu fariin adag u diray ganacsatada Puntland ee wax soo dajiya iyo kuwa dhoofiya intaba, kuna dhawaaqay maalinta hirgalka waaxdaani.

“Waxaan ogaysiinayaa ummada reer puntland gaar ahaan ganacsatada si loo helo cunto,daawo ,sharaab runtii nocuu doonaba ha ahaadee tayaysan oo hakii la doonayay ahaa waxaanu jecelnahay inaan maalin u astayno in qof kasta oo ganacsada ahi u diyaar garoobo wixii ka danbeeya maalinta bisha 9/15/2017 qof ganacsada ah oo wax aanu u haysanin shahaadadii tayo dhowrka Puntland waxna ma dhoofin karo waxna ma soo dajin karo .”sidaasi waxaa yiri Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng.C/xakiin C/llahi Cumar Camey.

2/8/2017 ayay ahayd markii madaxwayne Gaas Boosaaso ka furay dhismaha iyo qalabka tayao dhowrka Puntland kaasi oo Muddo badan qorshihiisu ahaa mid laga soo shaqaynayay.

Wefdi ka socda Galmudug oo gaarey Degmada Hobyo

0

Wefdigaan uu hogaaminayay Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedka Galmudug Xasan maxamed warsame oo isugu jiray mas’uuliyiin ganacsato iyo quburo ajaanib ah, kuwaasi oo ku xeel dheer arrimaha kalluumeysiga ayaa gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ujeedada socdaalkooda ayaa la xiriira qiimeynta qiimeynta fursadaha  Kalluumeysi iyo sida loo hagaajin karo Marsada Hobyo, halkaasi oo kulamo kula yeesheen mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.
Sidoo kale wefdigan ayaa u kuurgalaya howlaha iyo dhaq
dhaqaaqyada ganacsi ee ka jira Degmada Hobyo, taas oo tusaale fiican u noqaneysa xaaladda ammaan ee Degmadaasi, islamarkaana la dhiiro geliyo maalgashida.

Waxaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedada
socdaalkooda Wasiirka  Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee
ee Galmudug Xasan Maxamed Warsame.

“Socdaalkeena Hobyo wuxu la xiriiraaqiimeynta xaaladaha guud ee Degmada, horumarada ganacsi ee ka socda, iyo dhiiro gelinta ka faa’idaysiga Khayreedka Kalluumeysiga, waana runtii wax lagu farxo horumarka halkan kajira”, Ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Masar

0

Qaahira, Ogosto 20, 2017- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.

Labada Madaxweyne oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo socdaalka.

Ajandayaasha kale ee Madaxweyne Farmaajo iyo Al Sisi ay ka wada hadleen waxaa kamid ahaa in Egypt Air ay duullimaadyo toos ah ka bilowdo Muqdisho iyo Qaahira, in dal ku-galka Masar loo fududeeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku safraya baasaaboorka shaqaalaha iyo diblomaasiga, in dowladda Masar ay ka hirgaliso Soomaaliya xarun lagu tababaro diblomaasiyiinta iyo in la kordhiyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay kawada hadleen.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la leh wasiirrada dhiggooda ah ee Masar iyaga oo ka wada hadlaaya sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isdhaafsi uga yeelan lahaayeen dhinacyada beeraha, waraabka, tamarta iyo kalluumeysiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa barri kulamo la qaadan doona Sheekha Al-Azhar Dr.Axmed Al-Dayib iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirrada Arrimah Dibadda, Beeraha, Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Khayre “Culumadu door weyn bey ku leedahay hoggaaminta Bulshada”

0

Muqdisho, 20 August 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Culumada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa doorka culumada ee dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii ku ammaanay culumada Soomaaliyeed doorkoodii u gurmadka abaaraha oo suurtogeliyey in Soomaalidu isku tashato oo suurtogeliyey in Soomaalidu ay soo ururiyaan lacago fara badan oo suurtogeliyey in dadka ay abaarahu heshay loogu gurmaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in culumada looga baahanyahay inay xoojiyaan doorkooda dib u dhiska dalka, waxuuna yiri “Culumada door weyn bey ku leedahay hoggaminta Bulshada dhan walba, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad xoojisaan oo bulshada aad ka wacyigelisaan sidii dib u dhiska dalka looga wada qeybqaadan lahaa, sida soo celinta amniga, nabadeynta, dib u heshiisiinta, iyo in bulshada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo xoojiya midnimadooda, wax-wadaqabsigooda iyo illaalinta sharafta iyo karaamada qofka Soomaaliga ah.”

Culumada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha uga mahadceliyey dhiirigelinta doorka culumada oo Guddiyada sida kan Abaaraha iyo kan Taakuleynta Ciidankaba ugu dareen.

Culumada ayaa u xaqiijisay Ra’iisul Wasaaraha inay diyaar u yihiin sidii ay door hoggaamineed uga qaadan lahaayeen Bulshada isla markaasna ay diyaar u yihiin in Dowlada ay ku toosiyaan dariiqa saxa ah, isla markaasna garab istaagaan marwalba si dalka loo gaarsiiyo horumar ballaaran oo dhan walba ah.

DHAMMAAD