Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo deeq dhar ah gaarsiisay Maxaabiis Soomaaliyeed “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Toddoba dhalinyaro Soomaali ah oo dhameystay xukunno 8 sano ah oo xabsi ah  ayaa deeq dhar ah oo dhiirri gelin ah, waxaa gaarsiiyay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, ahna Qunsulka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

Dhalinyarada ayaa marka hore warbixin ka siiyay Cali Bagadi muddada ay Xabsiga Kamtiti ee duleedka magaalada Nairobi ku jireen iyo waxyaabaha ay kala kulmeen, iyagoo ka mahadceliyay booqashada uu ugu tagay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna Qunsulka guud ee safaaradda.

Qaar ka mid ah Dhalinyaradan oo lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney xoriyaddooda dib u helaan,  iyagoo aad uga mahadceliyay booqashada Cali Bagadi iyo deeqda uu gaarsiyayba.

Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka guud ee safaaradda  ayaa sheegay in tani aysan aheyn markii u horreysay oo uu maxaabiis Soomaaliyeed ku booqday xabsigan.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...