Home Blog Page 1537

Hogaamiyaha Jarmalka oo markii afaraad guuleysatay

0

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ay xilkeeda ku soo laabatay markii afaraad ka dib markii ay ku guuleysatay cod bixinta doorashadii ka dhacday Dalkaasi maanta.

Waxaa xisbigeeda Christian Democrats uu dib ugu soo laabtay aqlabiyadda baarlamaanka Jarmalka kadib markii ay heleen 32.5% boqolkiiba codadkii doorashooyinka federaalka ee dalkaasi ka dhacay .

Xisbiga SPD ayaa ah xisbiga ugu weyn ee ay is hayeen kaasi oo heley 20% codadkii la tiriyay doorashadii ka dhacday dalkaasi,halkasi

Xisbiga midig fog ee AfD uu markii ugu horraysay soo galay baarlamaanka, waxaana  uu heley 13% cod.

Sida uu ku dhawaaqey guddiga doorashooyinka dalkaasi oo si rasmi ah goor dhow u shaaciyaya natiijada doorashada.

Doorashadan ayaa loo arkaa inay tahay mid muhiim ah sababtoo ah markii ugu horraysay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa waxaa  lix xisbi ay kuraas ku yeesheen baarlamaanka Jarmalka ee Bundestag.

Banaan baxyo ballaaran oo lagu taageerayay doorashadaasi oo ay ku guuleystaay Angalo Markle ayaa waxaa ay ka dheceen magaalada Berlin ee caasimadda Dalka Jarmalka iyo magaalooyin kale.

Wabiga oo Shabeelle laga cabsi qabo in uu ku fataho tuulooyinka hoostaga Jowhar

0

Jowhar (SONNA) Shacbka ku dhaqan deegaanada uu maro Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la soo deristay cabsi laga qabo in uu fatahaado uu sameeyo webigaasi, iyadoo dadki ay bilaabeen in ay ka taxadiraan saameynta ka dhalan karta hadii uu fataho Wabiga Shabeelle.

Heerka biyaha Wabiga ayaa lagu soo waramaya in uu dhaafay xaaladii caadiga ahayd, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fataho Tuulooyin hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexee.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in maamulka gobolku uu wado dadaal la doonayo in lagu adkeeyo karkaarada Wabiga, si looga hortago khasaaraha ka dhalankara fatahaadahaasi.

Dadka degan goobaha sida aadka ah ugu dhow hareeraha Webiga ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan,waxaana soconaya olole iyo diyaar garow looga gashaamanayo arrintaasi.

Shacabka Kurdiyiinta Ciraaq oo maanta u dareeraya goobaha aftida ay kaga go’ayaan Ciraaq

0

Ciraaq(SONNA) Waxaa maanta loo dareerayaa codbixinta aftida laga qaadayo shacabka Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq,taasi oo ku aadan in ay noqdaan Dal madax banaan, oo ka go’ay Ciraaq inteeda kale.

Dadka ayaa u dareeraya goobaha codbixinta,iyagoo go’aan ka gaaraya masiirkooda, balse taasi ayaa waxaa ka soo horjeeda Dowladaha Ciraaq iyo Turkiga iyo wadamo kale ee caalamka kamid ah.

Dhanka kale Madaxwaynaha dowladda goboleedka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq Masoud Barzani ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono aftida lagu wado maanta in ay dhacdo kadib shir jaraaid uu qabtay.

Mr Barzani ayaa sheegay in iyada oo ay jirto in ay sii kordhayaan baaqyada ah in la joojiyo aftida barito in hadana qorshaha aftida uu sii socon doono.

Waxa uu sidoo kale balanqaaday in wadahadalo uu la yeelan doono dowlada Ciraaq si natiijada aftida loo dhaqangaliyo.

Waxaa sii kordhayay cadaadis iyo baaqyada ku aadan in aftida Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq dib loo dhigo.

Dowlada Iran oo si wayn uga soo horjeeda aftidan Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ayaa joojisay duulimaadyadii ka imaan jiray iyo kuwii gali jiray gobolka Kurdiyiinta.

Xukuumadda Tehran ayaa sidoo kale bilawday dhoolatus militari oo ay ka samaynayso xudduuda Waqooyiga Ciraaq,iyadoo sidoo kale Dowladda Turkiga ay dhankeeda wada dhoolatus militari .

Labada dal ba waxa ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan aftida barito lagu wado in ay ka dhacdo Waqooyiga Ciraaq.

Turkiga iyo Iran ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in aftidani ay dhaliso kacdoon ay sameeyaan Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool dalalkooda.

Maamulka K/Galbeed oo bilaabay dhismaha Dowladaha Hoose

0

Xudur(SONNA) Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo dhisilahaa xildhibanaada Golaha Deegaanka ee degmooyinka iyo deegaanadaasi.

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool waxaa Tababar  looaga furay Ergooyinkii soo xulaya Xildhibaanada Golaha Degaanka Dowladaha Hoose ee Degmada Xuddur,kaasi oo lagu baranayo cashiro la xiriira qaabkii arrimahaasi loo wajihi lahaa.

Waxa ka soo qeyb galey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Balak) iyo mas’uuliyiinta Hay’adda CRD oo maalgelinaysa barnaamijkan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo furay Tabbarka ayaa sharaxay muhiimada Tababarkani uu u leeyahay Ergooyinka.

“Tababarkaan oo socondoono mudo sedex maalmood ah waxaa lagu bixin doonaan Casharo oo run ahaantii Aqoontooda kor loogu qaadayo Ergooyinka loogu talagalay in ay ka qeybqaataan soo xulista xildhibaanada Golaha deegaanka, waxaana ay ka kala yimaadeen bulshooyinka wada dega magaalada Xudur”, Ayuu yiri Wasiir Madoobe Nuunow.

Ergooyinkan oo tiradooda ay ka kooban tahay ilaa 150 xubnood ayaa looga fadhiyaa in ay si deg deg ah ay u soo xulaan xildhibaanada Golaha Deegaanka magaaladaasi Xudur,taasi oo qeyb ka ah horumarinta nidaamka dhismaha Dowladaha Hoose oo ka soconaya guud ahaan Dalka.

Webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo in uu ku fataho tuulooyinka hoostaga Jowhar

0

Shacbka ku dhaqan deegaanada uu maro Wabiga Shabeelle ayaa la soo derista  cabasi laga qabo in uu fatahaado uu sameeyo webigaasi, iyadoo dadki ay bilaabeen in ay ka taxduraan saameynta ka dhalankarta hadii uu fatoho Webiga SHabeelle.

Heerka biyaha Webiga ayaa lagu soo waramaya in uu dhaafay xaaladii caadiga ahayd, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fataho Tuulooyin hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexee.

Wariyayah Warbaahinta Qaranka ee magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in maamulka gobolku wado dadaal la doonayo in lagu adkeeyo karkaarada Webiga, si loga hortago khasaaraha ka dhalankara fatahaadahaasi.

Dadka degan goobaha sida aadka ah ugu degan hareeraha Webiga ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan,waxaana soconaya olole iyo diyaar garow looga gashaamanayo arrintaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Tacsi u diray ehelada marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan.

0

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir   Mudane Taabit  ayaa Tacsi u diray Qoyskii iyo eheladii Marxuum Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan ooo maanta gacan ka xaqdaran ay ku dishay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeyso Isgooska Faloorance iyo kan Geed Jaceyl.

Marxuumka ayaa waxaa dilay Askari ka tirsan ciidamada Amaanka Wadooyinka (Taraafikadda) waxaana Askari dilka geystay la hor keeni doonaa sharciga si loo marsiiyo cadaalada uu mudan yahay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aan ciidamada Amaanka qeybahooda kala duwan aan laga aqbali doonin in ay shacabka dhibaateeyaan isagoo sheegay in ay arintaasi dhaawac iyo dumin ku tahay Qarannimadda , “Askarta waxa ay ku mahadsanyihiin dadaalkooda lakiin malaga yeelayo in ay dhibaato u geystaan Shacabka Muqdishaawiyiinta ah” Sidaas Waxaa Yiri Mudane Taabit

Hogaamiyaha Jarmalka oo markii afaraad guuleysatay

0

Muqdisho(SONNA) Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ay xilkeeda ku soo laabatay markii afaraad ka dib markii ay ku guuleysatay cod bixinta doorashadii ka dhacday Dalkaasi maanta.

Waxaa xisbigeeda Christian Democrats uu dib ugu soo laabtay aqlabiyadda baarlamaanka Jarmalka kadib markii ay heleen 32.5% boqolkiiba codadkii doorashooyinka federaalka ee dalkaasi ka dhacay .

Xisbiga SPD ayaa ah xisbiga ugu weyn ee ay is hayeen kaasi oo heley 20% codadkii la tiriyay doorashadii ka dhacday dalkaasi,halkasi

Xisbiga midig fog ee AfD uu markii ugu horraysay soo galay baarlamaanka, waxaana  uu heley 13% cod.

Sida uu ku dhawaaqey guddiga doorashooyinka dalkaasi oo si rasmi ah goor dhow u shaaciyaya natiijada doorashada.

Doorashadan ayaa loo arkaa inay tahay mid muhiim ah sababtoo ah markii ugu horraysay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa waxaa  lix xisbi ay kuraas ku yeesheen baarlamaanka Jarmalka ee Bundestag.

Banaan baxyo ballaaran oo lagu taageerayay doorashadaasi oo ay ku guuleystaay Angalo Markle ayaa waxaa ay ka dheceen magaalada Berlin ee caasimadda Dalka Jarmalka iyo magaalooyin kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddigii loo xil saaray go’aankii Golaha Wasiiradda

0

Muqdisho(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddi uu dhawaan u magacaabay in ay soo daraaseeyaan  Go’aan Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Guddiga kula dardaarmay in ay howsha loo idmaday  u gutaan si hufnaan iyo daacadnimo asagoo ku dhiira geliyey in ay dardar geliyaan Howshooda.

Dhanka kale Guddiga dhawaan la magacaabay ayaa gudoomiye u Doortay   Xil Cali Xoosho guddoomiye ku xigeenC/risaaq Cumar Maxamed Halka  Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn, waxaana ay balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Gudigii loo xil saaray Go’aankii Golaha Wasiiradda

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka  ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay gudi uu dhawaan u magacaabay in ay soo daraaseeyaan  Go’aan ay qaateen Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Osman Jawaari ayaa Gudiga kula dardaarmay in ay howsha loo idmaday  u gutaan si hufnaan iyo daacadnimo asagoo ku dhiira geliyey in ay dardar geliyaan Howshooda.

Dhanka kale Gudiga dhawaan la magacaabay ayaa Doortay gudoomiye , gudoomiye ku xigeen iyo xogheyn waxaana ay balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Dalxa oo bogaadiyay dib u shaqeeynta Garonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka soo Degatay Xilli habeen ah diyarada sidday dad Rakaab ah Mudda 27 sano kadib, arrintaasi ayaa waxaa ka hadlay mid ka mid ah Xildhibanada Dowalada Federaalka Soomaaliya.

Xilidhibaan Maxamad Cumar Dalxa oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Horumar lagu farxo ay tahay dib u Howlgalinta Garaonka Diyaaradaha xilliyada Habeenka, islamarakana arrintaa ay ku ammaanan tahay Wasaradda Gadiidka iyo Dulista Hawada ee dowlada Soomaliya.

’waa arin nafarxad galisay mudanna in la Bogaadiyo Cid walbo oo gacan ka geeysatay ,waxaa Muuqato in Soomaliya ay ku talaabsaneyso Horumar”, sidaasi Waxaa yiri Xidhibaan Dalxa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dhawaan shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xilliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade, kaasi oo ay Dadweynaha Soomaaliyeed aad ugu guxeen.