Madaxweynaha Puntland oo Abaalmariyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka

Date:

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa abaalmarino Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku guddoonsiiyey Qeybo kamid ah Saraakiisha Ciidamada gaar ahaan ciidamada ilaalada Xeebahaย ย  iyo booliiska maamulkaasi.

Abaalmarintaย  uu Madaxweynaha Maamulka Puntland gudoonsiiyey qeybo kamid ah Saraakiisha ciidamada waxa ay ka dambeeysay ย kadib markii ciidamada amaanka Puntland ay fashiliyeen weeraro iyo qaraxyo la doonayey in lagu dhibaateeyo Ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Dowlad goboledka Puntland Janaraal Saciid dheere, ย ayaa sheegay in abaalmarinadan ciidamada ay ku mutaysteen shaqooyinka dhibka badan ee har iyo habeen ay hayaan, waxaana uu xusay in cutubyada la dagaalamayo Maleeshiyada Argagixisada ah ee Alshabaab ee jooga jiida hore ee Difaaca ย markooda la abaalmarin doono.

Madaxweynaha Dowlad goboleedkaย  Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in ciidamada u baahanyihiin daryeel iyo dhiiri gelin, si ay cadowga uga guuleystaan, waxaana uu ugu mahadceliyey difaaca ay kaga jiraan goobaha cadowga goor walba lagula dagaalamo.

Waa markii ugu horreysey oo munaasabad noocan ah loo Qabto cutubyo katirsan Ciidamada amaanka Puntland oo tan iyo bartamihii bishii aan kasoo gudubney heegan lageliyey,ย  kuwasi oo howlgalo lagu guuleystay ka sameeyey Magaaladdaย  Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...