Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow u ambabaxay Dalka Suudaan “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo u dhoofay dalka Suudaan halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadaneyso.

Safarkan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  ku wehliya Marwada koowaad ee dalka iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Suudaan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dalka iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro katirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Soomaalida kunool Sudan.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...