Home Blog Page 1535

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo sheegay in ay ku dhawaaqayaan Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha Hirshabeelle.

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in uu dhawaan ku dhawaaqi doono Gudiga doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle si ay u gutaan waajibkooda ku aadan Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in aysan wax culeys iyo dhibaato ah ka jirin Maamulka Hirshabeelle isagoo sheegay in Madaxweynihii Hore ee Hirshabeelle ay doorteen Baarlamaanka Hirshabeelle ayna isla ayagii kalsoonida kala Noqdeen.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ay si wanaagsan u diyaarin doonaan doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayada oo goob joogeyaal badan imaan doonaan isala markaana si nidaam wanaagsan ay u dooran doonaan Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Wasaaradda Warfaafinta Iyo Safaaradda China Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow iyo ms’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin jian.

Kulanka oo ahaa qado sharaf uu safiirku u sameeyay mas’uulyiinta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Warfaafinta iyo Dhaqanka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian, sheegay in Soomaaliya Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, ayna sii ballaarinayaan xiriirkaas.

Waxa uu intaas ku daray dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinacyo kala duwan oo Warbaahintuna ka mid tahay, isagoo sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii uu Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi  u dhex mari lahaa warbaahinta Shiinaha iyo tan Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay mashaariicda kala duwan ee ay Soomaaliya ka fulinayaan iyo kuwii ay horay u fuliyeen burburkii ka hor, sida dhismaha Jidad kala duwan, Garoonka Muqdisho Stadium, Tiyaatarka Qaranka, Isbitaallo iyo Mashaariic kale oo wax tar weyn u leh Soomaaliya,waxa uuna rajeeyay wasiirku in dowladda Shiinuhu dhowaan dib u bilaabi doono mashaariic kuwaas la mid ah.

 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa   xalay ka dhacday xarunta Jaamacadda Al-Azhar ee magaalaada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasabadaasi oo ay soo qaban qaabisay safaaradda Soomaaliya ee Masar Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan, Wasiiro ku wehliyay safarka Madaxweynaha, Safiirka Soomaaliya ee Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqey ardayda iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee kusugan dalka Masar in ay ka qeyb qaataan sidii dalkooda uu horumar u gaari lahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhda soo jireenka ah ee xiriirka Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo loona baahan yahay in la sii xoojiyo.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadceliyay Dowladda Masar sida wanaagsan oo ay u soo dhaweysay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed in kaalin ay ka qaataan horumarka dowladnimo ee ka socoda dalkooda hooyo, isagoona bogaadiyay dadaalkoodi horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali KHayre oo Imtixaan Deeq-waxbarasho u Furay Laba Kun iyo Afar Boqol oo Arday

0

Muqdisho, 20 August 2017 –Ra’iisul​ ​Wasaaraha​ ​Xukuumadda​ ​Federaalka​ ​Soomaaliya​ ​Mudane​ ​Xasan Cali​ ​Khayre​ ​ayaa​ ​maanta​ ​imtixaan deeq-waxbarasho ah u furay 2,400 oo arday kuwaas dhamaysatay waxbarashada heerka dugsiga sare, isla markaana ka soo baxay iskuullo ku yaala dalka ​ ​oo​ ​ay​ ​qaadaneyso Jaamacadda​ ​Umadda​ ​Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey dhammaan qeybaha lagu qaadayo Imtixaanaadka, wuxuna bogaadiyey sida hufan ee loo agaasimay hawsha imtixaanka, isagoo dardaaran u jeediyey hawl-wadeenada qaadaya imtixaanka iyo ardayda u fariistay imtixaankan. Waxa uu ardayda u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadan muhiimka ah ee hortaala.

“Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan dhanka Waxbrashada, ayaan hadana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu macquulsan wax uga qabano. Shacabkeena waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta”ayuu yiri R/W oo ka hadlayay muhiimadda ay waxbarashada iyo Imtixaanaadkan u leeyihiin horumarka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday qoys Soomaaliyeed oo qasaare ka soo gaaray weerar ay koox hubaysan ku qaaday gaari ay saarnaayeen oo marayey gudaha magaalada Muqdisho, waxana uu ilaah uga baryey in intii ka dhimatay uu Janadii geeyo, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo.

DHAMMAAD

Madaxweynaha iyo Sheekha Al-Azhar oo ka wada hadlay kordhinta deeqaha waxbarashada, dabargooynta xagjirnimada

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, halkaas oo sii diirran uu ugu soo dhaweeyey Imaamka Mu’assasada Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib.

Sheekh Axmed Al-Dayib ayaa sheegay in Mu’assasada Azhar ay ku garab taagantahay Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo fikirka xagjirnimada ah.

Sheekha Al-azhar ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxaan Alle kaaga rajeynaynaa in uu ku waafajiyo waddada aad ku gaarsiin lahayd dadkaaga iyo dalkaaga xasillooni iyo horumar. Waxaan kuugu bishaaraynayaa in Azhar ay idinla garab taagantahy waxbarasho iyo wacyi gelin ku aaddan arrimaha diinta si loo dabar gooyo fikirka xagjirnimada.”

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekha Al-azhar ayaa isla qaatay:
1.In deeqaha waxbarasho ee Azhar ay siiso Ardayda Soomaaliyeed la kordhiyo 50% sannadkan.
2.In Culumada Soomaaliyeed iyo kuwa dhiggooda ah ee Al-Azhar ay yeeshaan kulumo joogta ah oo ku aaddan iftiiminta fikirka xagjirnimada iyo sida uu hareer marsanyahay diinta iyo dhaqanka Islaamka.
3.In dalka laga hir galiyo xarun casri ah oo lagu barto Afka Carabiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay kaalinta ay Culumada Azhar ku leeyihiin Soomaaliya iyo guud ahaan hawlwadeennada Mu’asasaadaasi maadama ay tahay hooy waxbarasho oo ay ardayda Soomaaliyeed kusoo hirtaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri “waxaan ku kalsoonahay kaalinta aad ka qaadan kartaan wacyi gelinta dhallinyarada la marin habaabiyey iyo sidii loola dagaallami lahaa fikirrada xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dalalkeenna.”

Sheekha Azhar Dr.Axmed Al-Dayib ayaa ballan qaaday in dhawaan ay kooxo culimo ah u soo diri doonaan Soomaaliya, sidoo kalena ay Masar ku casuumayaan Culumada Soomaaliyeed si la isaga kaashado baabi’inta fikirrada xagjirnimada.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray arday u fadhiisatay imtixaanka ogolaanshiyaha ee Jaamacadda Ummadda

0

2,400 ardey oo dhamaysatay dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta  u fadhiistey Imxitaanka ogolaanshiyaha ee Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed si ay uga mid noqdaan 1,000 arday oo ay Jaamacaddu qaadanaayso sanadkaan,  si ay ugu biraan arday badan oo Jamacadda  ku dhigta  lacag la’an oo ay dowladdu bixiso  qarashaadka ku baxaya waxbarashadooda.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan  Golaha Wasiirada ayaa kormeer Indha indheyn ah  waxa ay ugu tageen Ardayda ku jirtay Imtixaanka ay ugu gudbayaan Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa mid mid Ardayda ugu dhiiri geliyey   isagoo u rajeeyeynayey in  ku guleystaan imtixaanka, halka uu hubinayey in Imtixanka ay ardeydu galaysay in uu yahay mid isku mid iyo in uu yahay mid ka turjumaya maadooyinkii  ay ku soo barteen dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxamaan Daahir Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in  2,400 ay maanta u fadhsiteen imtixaanka  Jamacadda  ay ugu soo birayaan.

Qaar ka mid ah ardayda  maanta u fadhiisatay imtixaanka sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay galayaan imtixaanka lagu ogaanayo heerkooda aqoonta si ay qeyb uga noqdaan ardayda Jaamacadda wax ka barata.

Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed  aya ah  Jaamacadda kaliya oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, isla markaana si lacag la’aan ah ay wax ugu bartaan Ardayda Soomaaliyeed .

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Feeraysane”

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Dowlad Goboleedyada Xubnaha ah, Bulshada ra’yidka ah iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qayb galay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanankan cusub uu yahay mid Soomaaliya wax badan kusoo kordhinaya, gaar ahaan in uu meesha ka saarayo awoodii halka meel kaliyah taalay oo kobac dhaqaale iyo mid maamulba uu abuurayo.

Dhinaca kale Axmed Maxamed Islaam wuxuu ka digay in hanankan aan loo arkin mid hab beeleed awooda loo qaybsanayo, isla markana dadka looga baahan yahay in ay soo doortaan dad wanaagsan oo wax u qaban kara.

“Qofka aan talada u dhiibayno in aan ku qiimayno shaqadiisa iyo shaqsiyan wuxuu soo kordhin karo ayaa ka haboon in aan qabiil iyo qosykiisa  ku miisaano” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Dadweynaha ayuu sheegay in ay ka faa’iidaystaan hawshan, isla markana ay ka fogaadan wax walba oo bulshada wadajirkeeda wax u dhimaya.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Tageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya, wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hananka Dowliga ah ee Dalka ka jira.

Beesha Caalamka ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay Soomaaliya ka wadaan, balse wuxuu xusay in taas aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka hadlay dadka ay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ka shaqalaysiiyaan gudaha Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in dadka gudaha dalka wax ku bartay ay xoogga saaran maadama ay ogyihiin duruufaha dalka ka jira.

Koox cusub oo kamid ah ciidanka qaranka Burundi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

0

Koox cusub oo kamid ah ciidanka qaranka Burundi (BNDF) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo hal sano oo shaqo ah uga bilaabanayso Soomaaliya ayagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya AMISOM.

Guutadii 45 aad oo ciidanka Burundi kamid ah isla markaana uu hoggaaminayo Lt. Col. Philbert Hatungimana, ayaa ka soo degay garoonka Muqdisho, waxayna bedeli doonaan guutada 39 aad oo shaqadooda dhameystay.

Lt. Col. Hatungimana ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo xasilinta Soomaaliya.

“Rajadayda howlgalkan waxaan ka qeyb qaadan doonaa soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed mar kale u hantaan nabadda wadankooda,” ayuu sheegay.

Sidoo kale Lt. Col. Hatungimana  ayaa xusey in guutadan cusub loo daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Burundi  ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM marka laga soo tago dalka Uganda, waxaana wadamada kale ee ciidanka ku deeqay kamid ah; Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo kuwo kale.

Aqalka Sare oo ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

0

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya 9-kii bishan Agoosto.

Sharcigan ayaa waxaa oggolaaday 39 ka mid ah 40kii mudane ee fadhiga soo xaadirtay ka dib markii ay ka doodayeen tan iyo Sabtigii la soo dhaafay. Sharcigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ansixiyo Aqalka Sare tan iyo markii la aasaasay dhammaadkii sanadkii hore.

Sharcigan waxaa loo gudbinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo ka hor intuusan dhaqan-gal noqon.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka. “Waa sharci ay in mudda ahba sugayeen dhammaan inta daneysa arrimaha isgaarsiinta,” ayuu yiri.

“Maanta waa maalin kale oo taariikhi ah, waana tallaabo loo qaaday in sharci iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka, sababtoo ah sharcigan waa kii ugu da’da weynaa ee hor yaallay baarlamaannadii dalka soo maray muddo ka badan 10 sano,” ayuu raaciyay.

Hoggaanka cusub ee Wasaaradda ayaa ansixinta sharcigan ka dhigtay mid ka mid ah waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh, iyagoo dajiyay qorshe cusub oo lagu guuleystay, kaasoo ay ka qeybgaleen dhammaan dhinacyada uu sharcigan khuseeyo.

Sharcigan ayaa ka caawinaya dawladda sidii ay u hagi lahayd isgaarsiinta dalka, u kordhin lahayd dakhliga ay dawladdu ka hesho isgaarsiinta, loogana qeyb qaadan lahaa amniga. Wuxuu sidoo kale sare u qaadayaa xuquuqda macaamiishu ay ku leeyihiin shirkadaha iyo dhanka kale maal-gashiga ay heli karaan shirkadaha ka shaqeeya isgaarsiinta iyo internet-ka.

DHAMMAAD

Upper House approves the National Communications Act

0

The Upper House of Somalia’s parliament has today passed the National Communications Act, which was earlier passed by the National Assembly on August 9, 2017.

The Act was approved with 39 of the 40 sitting members voting in favour after serious discussions in the last couple of days. This makes the first act that is approved by this new House to Somalia’s legislative system.

The president is expected to sign this bill into law very soon before it becomes effective.

H.E. Eng. Abdi Ashur, the minister for Posts, Telecom and Technology, said while discussing the bill in Upper House, “It is an important act for Somalia. This was the bill that all stakeholders were eagerly looking forward to.”

“It is another historic day for Somalia and a giant step towards establishing a regulatory framework for our vibrant telecom industry, because this was the oldest bill that remained idle before the parliament for more than 10 years,” he added.

The current leadership of the Ministry has made passing of this act as one of the priorities of the Ministry by drawing a new, successful strategy that involved all stakeholders.

The law will help the government increase revenues and contribute to security. It will also improve rights of the consumers and attract more investment for the sector, among other benefits.

END