Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Muqdisho ka furtay shir wadatashi ah

Date:

Muqdisho(SONNA) Shirkani wadatashiga ah  oo ka furmay magaalada Muqdisho kuna saabsan hindise sharciyeedka shirkadaha Waxaa ka qeybgalay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubno ka socday Bangiga Adduunka quburo, agaasimaha guud ee Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Xoghayaha Joogtada ah.

Marwo Khadro Axmed Ducaale, Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u furtay shirkan wadatashiga ah oo uu taageerayo Banggiga Adduunka ayaa sheegay in ujjeedka uu yahay sidii looga tashi gelin lahaa dhammaan dadka uu quseeyo ka hor inta aan la horgeynin hay’adaha Dastuuriga ah.

“Waxaan maanta halkani isugu imaanay in aan ka wadatashano sharcigan shrikadaha oo la soo diyaariyay, ka hor inta aan loo gudbinin Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka, run ahaantii dalkan anagaa iska leh anaga ayuu naga dhexeyaa in aan wax wada qabsano oo siwada jir ah u shaqeyno,d adka qurba joogta ah iyo kuwa gudaha intuba, taasi ayaan horumar ku gaari karnaa”, ayey tiri Wasiirka Ganacsiga

Mxamed Diiriye Khaliif wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ahna mudane katirsan Baarlamaanka ayaa ujeediyay wakiiladda Dowlada Goboledyada iyo Ganacsatada in ay taageeraan sharcigan maadaama uu muhim u yahay Dalka.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya Dr Cusmaan Cilmi Guuleed oo shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa faah faahiyey ahmiyadda ay leedahay sameynta sharciyada muhiimka u ah dalka, wuxuuna sheeegay in loo baahan yahay in dhammaan sharciyadii Dalka uu lahaa dib loo soo celiyo.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah shirkan oo labo maalin soconaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...