Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo Muqdisho ka furtay shir wadatashi ah

Date:

Shirkani wadatashiga ah  oo ka furmay magaalada Muqdisho kuna saabsan hindise sharciyeedka shirkadaha Waxaa ka qeybgalay Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubno ka socday Bangiga Adduunka quburo, agaasimaha guud ee Wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Xoghayaha Joogtada ah.

Marwo Khadro Axmed Ducaale, Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah u furtay shirkan wadatashiga ah oo uu taageerayo Banggiga Adduunka ayaa sheegay in ujjeedka uu yahay sidii looga tashi gelin lahaa dhammaan dadka uu quseeyo ka hor inta aan la horgeynin hay’adaha Dastuuriga ah.

“Waxaan maanta halkani isugu imaanay in aan ka wadatashano sharcigan shrikadaha oo la soo diyaariyay, ka hor inta aan loo gudbinin Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka, run ahaantii dalkan anagaa iska leh anaga ayuu naga dhexeyaa in aan wax wada qabsano oo siwada jir ah u shaqeyno,d adka qurba joogta ah iyo kuwa gudaha intuba, taasi ayaan horumar ku gaari karnaa”, ayey tiri Wasiirka Ganacsiga

Mxamed Diiriye Khaliif wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ahna mudane katirsan Baarlamaanka ayaa ujeediyay wakiiladda Dowlada Goboledyada iyo Ganacsatada in ay taageeraan sharcigan maadaama uu muhim u yahay Dalka.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya Dr Cusmaan Cilmi Guuleed oo shirkaasi hadal ka jeediyay ayaa faah faahiyey ahmiyadda ay leedahay sameynta sharciyada muhiimka u ah dalka, wuxuuna sheeegay in loo baahan yahay in dhammaan sharciyadii Dalka uu lahaa dib loo soo celiyo.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah shirkan oo labo maalin soconaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...