Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo kormeeray suuqa Xoolaha “SAWIRRO”

Date:

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Benaadir Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, halkaasi oo uu kula kulmay qaar ka mid ah dadka xaafadda iyo ganacsatada halkaasi ku ganacsata.

Guddoomiye Cabdixakiin ayaa ujeedka kormeerka uu ku tega Xaafada Suuqa xoolaha ay taha sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda Nololeed, tan ami iyo midda Ganacsi ee kajirta Suuqa, isagoo arrimahaasi ka xogwareystay qaar kamid ah ganacsatadii uu suuqa kula kulma.

“Waxaa maanta Kormeer Shaqo ku tegay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa si aan ugu kuurgalo xaaladda nololeed iyo mida ganacsi ee halkaasi ka jirto, waxaan aad ugu faraxsanahay in deegaankaasi uu ka jiro horumar ganacsi oo isasoo tarayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Heliwaa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid dadka deegaanka oo ku shaahiyaynayay Waddada hareeradeeda kuwaasi oo uu ka xogwareystay xaaladda ay ku suganyihiin.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in ka maamul ahaan uu xoogga saarayo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta kala dhexeysa shacabka degmada, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay sida dadka deegaanka ay maraksta xogta ula wadaagaan Hey’adaha ammaanka, taasi oo suurta gelisay in si wada jir ah looga qeyb qaato xoojinta nabadgelyada.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntii markale ka codsaday shacabka inay ka shaqeeyaan Nabadda, maamulkuna uu ka shaqeyn doono sidii degmada ay u noqon lahayd kuwa ugu horumarsan caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...