Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Khartuum

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay Madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

“Dallad dhaqaale oo wadamada Geeska Afrika ay yeeshaan waxa ay kor u qaadaysa heerka uu joogo dhaqaalaheenno, waxa ay meesha ka saaraysaa xasilooni darrada haraysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Zaynab Cabdi Macalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasna, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...