Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Khartuum

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay Madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

“Dallad dhaqaale oo wadamada Geeska Afrika ay yeeshaan waxa ay kor u qaadaysa heerka uu joogo dhaqaalaheenno, waxa ay meesha ka saaraysaa xasilooni darrada haraysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Zaynab Cabdi Macalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasna, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim...

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...