Maxkamad ku taala Turkiga oo xukun ku ridday dad isku dayay iney dilaan madaxweyne Erdugan

Date:

Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa xukun ku riday 40-Qof oo lagu helay danbi ah iney qorsheynayeen shirqool lagu dili rabay madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyib Erdodan intii lagu guda jiray Afganbigii dhicisoobay ee dhacay sanadkii la soo dhaafay.

31-Eedeysanayaal oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ayaa midkiiba maxkamada ay ku xukuntay xabsi daa’in ,waxaana xukunka uu ka dhacay maxkamad ku taalo magaalada Magula ee dhacda Koonfur Galbeed dalkaasi Turkiga,sida ay qortay Wakaalada Wararka ee sida gaar ah loo leeyahay ee Dogan.

Magaalada Magula ayaa ah magaalo loo tamashleyn tago halkaasi madaxweyne Erdogan iyo qaar ka mid ah qoyskiisa ay si dirqi ah kaga baxsadeen kooxo isa soo abaabulay oo ku weeraray Hotel uu ka deganaa magaaladaasi habeenkii uu socday howlgal lagu doonayay in lagu majaxaabiyo Dowladda uu hogaamiyo bishii July 15, 2016.

Dadka xukunka lagu riday waxaa ka mid ah Gokhan Sahin Sonmezates oo ahaa sarkaal sare hore uga tirsanaa Ciidamada Turkiga kaasoo lagu eedeeyay inuu hogaaminayay Qorshaha shirqool, iyo Taliye hore oo lagu magacaabo Zekeriya Kuzu oo ahaa sarkaal caan ah oo mudo afar maalmood ah ay raadinayeen Ciidamada Turkiga Afganbigii dhicisoobay ka dib.

Badi dadka xukunka lagu riday waxay u badan yihiin saraakiil hore,islamarkaana doonayay iney qaarijiyaan madaxweyne Erdogan inta uu howlgalka Afganbi uu socday ,balse markii danbe laga guuleystay.

Inta uu socday Afganbiga fashilmay ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo isugu jira Shacab difaacayay Dowladdooda,Ciidan iyo walba qaar ka mid ah dadkii soo abaabulay Qorshaha Afganbi.

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku martay iney cadaalada horkeeneyso shaqsiyaadkii ka danbeeyay qorshaha lagu doonayay in lagu Afganbiyo Dowladda Dimuqraadiga ee dalkaasi Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...