Home Blog Page 1534

Guddoomiye Najax “Waxaan qorsheyneynaa inaan adeega dowliga ah gaarsiino goobaha lagala wareegay Al-Shabaab”

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka iyo mas’uuliyin kale ayaa kormeer ku sameeyay wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa in mas’uuliyinta gobolka ay ugu kuurgalaan xaaladda amni ee waddada, iyadoo wadada xiriirisa nambar 50 iyo Degmada Afgooye ay muhiim u tahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha,

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa kulan looga hadlayay xaaladda amni ee waddadas waxa uu la qaatay saraakiisha AMSIOM ee ku sugan  deegaanka Nambar 50 iyo maamulka deeganka

Guddoomiyaha Deegaanka Nambar 50 Cabullahi  Cali Axmed Waafow  ayaa  guddomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose uga mahadceliyay booqasahda uu ku yimid deegaanka,  isago sheegay  in xaaladda amni ee waddada tahay mid la isku haleyn karo.

Guddoomiyaha  Gobolka Shaabellaha Hoose Mudane Ibraahinm Aadan Cali Najax ayaa bulshada ku dhaqan deegaanka Nambar 50 ugu baaqay in ay ka qeybqaatan dagaalka lagula jiro argagixisada, isagoo shegay in howlgalka lagu baacsanayo Al-Shabaab ee ku dhuumalesanayo qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose  uu sii socon doono.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay la waregen deeganka Bariire iyo Tulooyin hoos yimada, iyado maamulka Gobolka Shabellaha Hoose uu shegay in deganada lagala waregay Shabaab ay gaarsiin doonaan nidaamka dowliga ah.

Maxamed Cali Cumar Jubba

Xildhibaan ku geeriyooday Jowhar oo aas loo sameey

0

Waxaa saaka Aas loogu sameeyay Magaalada Jowhar Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Macalin Cali oo ka mid ahaa Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Marxuumka xalay fiidkii ayuu wadnaha istaagay waxaana ka qeybgalay Aaska Xildhibaanka Madaxweynaha KMG ahna Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Md Cali Xuseen Guudlaawe, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.

Dhamaan dadkii goobta isugu yimid waxay Alle uga baryeen inuu naxariistiisa Janno Siiyo jannatul Fardowsana Ka waraabiyo. Aamiin Aamiin

Marxuumka ayaa la xanuunsanayaay naqas isbitaal Jowhar ayuu ku jiray in muddo ah markii dambe ayuu u dhintay.

Marxuum Aadan Macalin Cali  waxa uu jiraa da’da 55 sano jir, waxaana mar uu soo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Gobolka Hiiraan, isagoo Xildhibaanimada ka soo galay Gobolka Hiiraan.

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN…..

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Masar

0

Shirka sannadkaan oo maalintii Talaadada furmey waxaa diiradda lagu saarayay amniga Duulimaadka iyo garoomada iyo horumarinta Saadaasha hawada dalalka gobolka.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ka qeyb-galay furitaanka shirweynaha Wasiirrada Duulista ee waddamada Carabta iyo Africa oo ka dhacay sannadkaan dalka Masar, ayaa khubad uu ka jeediyey shirka ku sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumarro waa weyn oo ay qeyb ka yihiin arrimaha Duulista iyo maamullidda hawada dalkeeda

“Wasiirka Duulista Masar waxaan isla garannay inaan diyaarinno heshiisyo lagu fulinta doono dhinacyada ay Soomaaliya ka taageerayaan iyo wada shaqeynta duulimaadka diyaaradaha” tababaridda shaqaalaha garoomada iyo kor u qaadidda barnaamijka lagu maamuli doono Hawada Soomaaliya ayeey dowladda Maser gacan naga siin doontaa” ayuu yiri Wasiirka Duulista Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa caasimadda Masar kulamo gaar-gaar ah kula qaatay Wasiirrada dhiggiisa ah oo uu ka mid yahay wasiirka Duulista Masar, waxa ay isku soo qaadeen sidii labada dal ay u abuuri lahaayeen jawi iskaashi dhanka Duulimaadyada ah iyo in diyaaradda dalka Maser ay Soomaaliya ka bilowdo Duulimaadyo Toos ah

Shirka waxa uu dhammaan doonaa khamiista waxaana  jiri doona kulammo kale oo u dhaxeeya wasiirrada dalalka ku jira ururka OCI iyo ICAO.

Madaxweynaha oo Faray Xukuumadda in ay Dabagal ku Samayso Qorshayaashii ay Isku Soo Afgarteen Dowladda Masar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar.

Madaxweynaha oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey arrimaha ugu muhiimsan ee ay isku soo af-garteen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdi Fataax Al-Siisi oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal, kordhinta deeqaha waxbarasho, tababarrada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo horumarinta arrimaha dhaqaalaha.

Waxyaabaha kale ee isafgaradka laga gaaray waxaa kamid ah horumarinta ganacasiga, maalgalisha beeraha, kalluumeysiga, xoolaha iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Masar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka

0

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay xilkaan Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi maanta oo taariikhdu tahay 22-ka Bishaan Agoosto 2017-ka.

Xilkaan ayaa banaanaa in mudaa ka dib markii la dilay Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska Cabaas Sheekh Siraaji.

Mudane Eng. Saadiq C/laahi Cabdi Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibu dhiska ee Xukumadda Soomaaliya ka mid noqoya Wasiiradda Mudane Xasan Cali Khayre Waxaana horyaala Shaqooyin Muhiima oo qeyb ka ah horumarinta Dalka.

Shir looga hadlayay Amniga Dalka ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Amniga Somaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

0

Shirka ayaa waxaa qaban qaabisay Wasaaradda Amniga Qaranka waxaana ka qayb galay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyaasha Ciidanka Amaanka, hay.ada Socdaalka iyo jinsiyada,Wasaaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada. Iyo diblu Maasiyiin ka socday Beesha Caalamka.

Waxaa shirka oo uu shir gudoominayay wasiirka amniga looga hadlay qorshaha amniga Somalia ilaa 2020 ka iyo wadooyinka loo marayo.

Xubnaha ka socday dowlad goboleedyada ayaa shirka ka soo jeediyay in ay muhiim tahay in ciidamo boolis ah laga hirgaliyo goblada oo dhan si amniga loo sii xoojiyo.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique lorenzo ayaa muujisay sida Beesha Caalamka ay uga go.antahay in Dowladda Soomaliya Amniga gacan laga siiyo isla markaana laga shaqeyo in shir weyn oo la qaban doono bisha December la diyaariyo qodobadii lala tagi lahaa.

Wasiirka amniga dowladda federaalka Somalia Mudane Mohamed Abukar Islow ayaa Tv.ga Qaranka uga warbixiyay muhiimada shika uu maanta furay isagoo xusay in shirka xiga la qaban doono  23 bisha soo socota.

“Waxaan diyaarinay qorshaha siyaasada Amniga Qaranka waxaa wasaaradda ka go.an in Amniga la hormariyo waan uga mahad celinaynaa Beesha Caalamka sida ay nooga caawineyso dib u dhiska hay.adaha Amaanka Dalka.

Waa kulan qayb ka ah wada shaqeynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyadoo horay sidaan oo kale wasaaradaha qaar ay u qabteen shirar looga hadlayay u Adeegida bulshada Dowladda Soomaaliya iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda Caalamka ayay dhawaanahaanba waxaa ay waday dadaalo lagu Xoojinayo hay’adaha Amniga Dalka.

Tababbar ku saabsan Xiriirka deeq bixiyaasha oo ka furmay Muqdisho

0

Tababbarka ayaa ku saabsan xiriirka deeqa bixiyeyaasha dowladda Soomaaliya kaasi oo loo qabtay Wasaaradaha iyo Hey’addaha fuliya mashaariicda Bankiga Adduunka Soomaaliya ku bixiyo, iyadoo furitaanka tababbarka ay goob joogka ahaayeen Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru dowlaha Xafiiska RW, mas’uuliyiin Bankiga Adduunka ka socotay iyo xubno kale.

Puteri Watson oo ka tirsan Bankiga Adduunka oo halkaas ku soo bandhigtay warbixin ku aadan howlaha Bankiga Adduunka ka qabto Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya isbedel balaaran ka sameysay hannaanka Maaliyadda dalka sanadihii u dambeeyay.

Tababbarka oo labo maalin socon doona ayaa waxaa sharxay Cali Xaaji Aadan oo ah isku duba ridaha barnaamijyada Bankiga Adduunka ee Soomaliya oo sheegay in barnaamijkan uu wax badan ku soo kordhin doono hanaanka ay u shaqeeyaan hay’adaha dowladda.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa dhankiisa xusay in dowladda ay ka go’an tahay helidda hannaan Maaliyadeed oo lagu kalsoon yahay.

C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo furitaanka tababbarkan ka hadlay ayaa u mahadceliyay hey’adihii ka shaqeeyay in Soomaaliya ay noqoto dal la aamini karo hanaankiisa maaliyadeed.

Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Masar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Masar labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday oo ay weheliyaan Madaxweyinihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo dalka Masar Mudane Cabdi Qani Maxamed Wacays ayaa habeennimadii xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas Masar.

Khudbad uu goobta ka jeediyey Madaxweyne Farmaajo waxa uu kaga hadlay caqabadaha hortaagan dowladnimada Soomaaliya iyo dadaallada xiriirka ahaa ay ku bixiyeen madaxdii ka horraysay sidii looga bixi lahaa bur burka ku dhacay qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in caqabadaha kale ee wiiqay dowladnimada ay ka mid tahay qabyaaladda, musaq maasuqa iyo caddaalad darrada kuwaas oo dhammaantood sababay niyad jab ku dhaca dhallinyarada oo ku dhaliya in ay ka tahriibaan dalka.

“ Dadkeenna oo gacmaha isqabsada, si wada jir ah u wada shaqeeya, dowlad wanaagna aan la immaano, kuwa magaca diinteenna halleeyey aan la dagaalanno, waxa ay Soomaaliya noqonaysaa dal laga haybaysto, dadka wax maal-gashadayaashana ay kusoo hirtaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadnaqay dowladda iyo shacabka Masar sida diirran ee ay ugu marti galiyeen dalkaas isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in booqashooyinkaan ay kuu muujinaayaan maqaamka iyo danaha Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Qaliin lagu sameeyay Gabar afar bil jir ah oo lagu Guuleystay

0

Qaliinkan uu ku Guuleystay Isbitaalka Bulaale ayaa waxa uu ahaa mid lagu sameeyey Gabar Afar bil jir ah, oo iyadoo Madaxa Biyo uga jiraan dhalatay.

Ifraax Aadan Cumar oo ah Hooyada Gabadha yar ee Qaliinka Madaxa looga sameeyey ayaa Sheegtey in ay ku faraxsantahay Qaliinka lagu guuleystay ee Gabadheeda maanta loogu sameeyey, iyadoo sheegtey in qoys ahaan ay yihiin dad daruuf Nolaleed ay haysato.

Dr Maxamed Maxamuud Cali oo ah Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Bulaale ayaa sheegey in Ilaahey dartiisa iyo Caawinta dadka danta yar Qaliinkan ay ugu sameeyeen Gabadhan yar oo ku dhibaneyd Xanuunka Maskaxda Biyaha Gala ah.

Muran ka taagan Dowladda Norway oo 4 caruur ah iyo sharcigii ka qaadatay muwaadin Soomaaliyeed

0

Dalka Norway ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey dacwad u dhexeysa Dowladda Norway iyo muwaadin Soomaaliyeed oo Dowladda dalkaasi ay ka qaadatay caruur uu dhalay, taasi oo socotay muddo maalmo ah.

 Aabe Soomaliyeed  oo lagu magacabo  Garase Abdullahi oo dhawaan Dowladda Norway ay kala wareegtay 4 Caruur ah oo uu dhalay, kalana Noqatay Sharcigii joogitanka  dalkaasi, ayaa sheegay in Dowladda dalkaasi ay ku sameysay xadgudub, si sharci daro ahna lagula kacay.

Dhageysiga dacwada oo soo socotay muddo 3 maalmood ah, ayaa  la soo gebagebeeyay, waxaana muwaadinkan Soomaaliyeed uu muujinaya in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo dacwadda laxiriirta caruurtiisa iyo sharcigiisa.

Garase Abdullahi waa 50 sana jir, wuxuuna markii ay soo dhamatay Maxkamadan oo xukunkeedi la sugo doono muddo dhan  2 ilaa 4 todobaad uga uu muujinayaa dareen rajo xumbaarsan, isagoo uga mahadceliyay dadkii Soomaaliyeed ee caawiyay iyo Preben Klovfjell  o ah Qareenkii u doodayay halka ay soo gaarsiyeen dacwadiisa.