Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka gaashaandhigga oo gaaray Magaaladda Baledweyne

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Gaanshaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiir Cabdullaahi Colaad waxaa kamid ah Xubno Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka kamid ah iyo Xubno ka kala socda UN ka iyo AMISOM.

Ujeedka Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ah qiimeynta Xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dardar galinta Howlgalada Nabad diidka Kooxda Alshabaab lagu beegsanayo sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA uu u sheegay Wasiirka Ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ku dhiseyso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana Safarka Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka Gaashaandhigga  qeyb uu ka yahay dardar galinta qorshaha dhisada, tayeynta iyo dhiiri galinta Ciidamada Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...