Madaxweyne Farmaajo oo Khartuum lagu soo dhaweeyey

Date:

Suudaan(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee maanta ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum ee xarunta Dalka Suudaan.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Wasiir Dowlaha arrimaha Dibada  ee Sudan  Hamid Mumtaz oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarka madaxweyne Farmaajo oo qaadan doona labo maalmood uu salka ku hayo sidii labada dal ay u xoojin lahaayeen xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

Sida ay SONNA u xaqiijiyeen xubno katirsan wefdiga Madaxweynaha,waxaa lagu  wadaa labada dhinac in ay ka wada hadlaan Arrimaha ay kamidka yihiin dhinacyada Siyaasadda,Dhaqaalaha,Amaanka iyo dhinaca dib lomaasiyadda,iyo sidii Dowladda Suudaan ay kaalin uga qaadan laheyd dib u dhiska iyo xasiloonida dalka,iyagoo kala saxiixandoona heshiis ku dhisan dhinaca iskaashiga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirada arrimaha dibadda,Dhallinyarada iyo Isboortiga,xanaanaa  Xoolaha, Beerahah,Waxbarashada,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, lataliyaha arrimaha dibadda ,Xildhibaano iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu joogo Dalka Suudaan waxaa lafilayaain uu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi,islamarkaan uu uga warbixin doono horumarka kajira Soomaaliya.                           

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, mudane Maxamed Cabduqaadir...

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr....

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Boliiska oo Muqdisho ka daahfuray Mashruuca Nabadda iyo u Hiilinta Haweenka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...