Home Blog Page 1518

Xogo rasmi ah oo lagay heley toogashadii Las Vegas.

0

Mareykanka(SONNA)Hay’adaha Ammaanka magaalada Las Vegas ee Dalka Mareykanka  ayaa macluumaad dheeraad ah ka heley  heerka uu gaarsiisanaa qorshahihii Stephen Paddock markii uu weerarka toogashada oo khasaare badanb sababay uu ka geysanayay halkaasi.

Joseph Lombardo oo ka mid ah mas’uuliyiinta Las Vegas ayaa u sheegay BBCDa qeybta dunida la hadasha ee World service in Mr Paddock uu dhawr kaamiro dhigay qolkii uu ka deganaaa hotelkii uu ka geystay weerarka ay ku dhinteen 59 qof.

Waxa uu sheegay sarkaalkan Joseph Lombardo inuu ku dhawaad 50 qori uga tagay qolkiisa, ka hor inta uusan si ula kac ah isu dilin.

Balse booliiska ayaa sheegay inaysan jirin calaamad muujineysa sababta uu weerarkan xasuuqa ah u geystay.

Booliisku waxaa ay ogaadeen in Mr Paddock uusan xiriir la lahayn wax urur argagixo ah oo dibedda ama gudaha Maraykanaka ka dhisan.

Madaxweyne Mareykanka Donal Jey Trump ayaa ku tilmaamay ninkan toogashada geystay inuu ahaa qof shaqisiyan u xanuunsan,wuxuuna diiday in uu ku tilmaamo weerarkaasi mid argagixisanimo ah.

Maxkmadda gobolka Banaadir oo maanta xukuntay Eedeysanayaal “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)   Maxkamadeynta raggaan ku eedeysnaa ka Ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha Maanka sida Xashiishka ayey Maxkamada Gobolka Banadir ku qaadey Xarunta C I D-da Muqdisho oo laguso xirey 30-kii bishii tagtey, kuwaasi oo laguso qabtay Howl-gal ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyen Degmadda Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  Aweys shekh Cabdullaahi Wehliye, ayaa ugu horeyn dhageystay kiiska dacwada lagu soo eedeyey ragaan oo ka koobnaa Afarnin.

intaa kadib ayuu guda galey ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Maxamed Xasan Nuur oo kiiskan gacanta ku hayey Fur furitaanka Dacwadaha laguso eedeyey ragaan, Marqaatiyada cadeymaha laga qorey iyo dhageysiga Qareenada u doodayey eedeysanayaasha.

Markii ay dhamaatay  dhageysiga Maxkamadda ayaa waxaa warbaahinta xukunada lagu kala ridey afarta nin u akhriyey Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, isagoo sheegay in lagu xukumay  Seddex kamid ah afartii qof ee maxkamadda lasoo taagay  oo kala ah Daahir Maxamed Maxamuud, Maxamed Xasan Cali iyo Cali Faarax nuur qofkiiba min Lix bilood oo dhaqan celin ah, halka Cawaale Faarax nuur maxkamaddu ay siideysay, kadib markii wax dambi ah lagu waayey.

sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir  Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, ayaa waxa uu ku baaqey in lasoo qabto rag kale oo kiiskaan ku lug lahaa oo aan wali gacanta laguso dhigin.

Ciidamada Booliska soomaaliyeed ayaa ugu danbeyn Banaanka hore ee  Dugsiga Janaraal kaahiye ku Gubey Maandooriyihii laguso qabtay raggaan maxkamadu xukuna kala duwan ku ridey oo ku jirey Jawaano.

Madaxweynaha JFS oo Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirada cusub ee Sweden iyo Austria ”Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo  ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay  uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid  taariikhi ah oo dhabbaha  u xaareysa Xiriirka labada Dal.

Danjireyaasha Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare  ee Dowladahaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku guuleysatay Sugida amaanka Caasimada Dalka ee Muqdisho waxaa soo  kordhayey Wadamada Caalamka ee Safiirada usoo dirsanaya Dalka, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay yeelatay Waji cusub oo dhanka Horumarka iyo Dowlad wanaagga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha  Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA)   Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha  Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha  Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo ayaa kawada hadlay qodob dhowr ah, isagoo R/wasaare Kheyre uga mahad celiyey Midowga Yurub  taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjiraha Midowga Yurub Veronique  Lorenzo, ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan taagerada dhaqaale ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxayna caddeysay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul ay ku shaqeyso Dowladda.

Madaxweynaha JFS oo Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirada cusub ee Sweden iyo Austria

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo  ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay  uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid  taariikhi ah oo dhabbaha  u xaareysa Xiriirka labada Dal.

Danjireyaasha Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare  ee Dowladahaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku guuleysatay Sugida amaanka Caasimada Dalka ee Muqdisho waxaa soo  kordhayey Wadamada Caalamka ee Safiirada usoo dirsanaya Dalka, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay yeelatay Waji cusub oo dhanka Horumarka iyo Dowlad wanaagga ah.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo Turkey kula kulmay Madaxa Hay’adda TIKA “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hay’adda TIKA, Dr Serdar ÇAM.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS iyo Dr Serdar ÇAM Madaxa Hay’adda TIKA, ayaa  kawada hadlay sidii Hay’addaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’iideysto, si dhaqaalaha dalka loo horumariyo.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali  Khayre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Danjiraha  Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha  Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo ayaa kawada hadlay qodob dhowr ah, isagoo R/wasaare Kheyre uga mahad celiyey Midowga Yurub  taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjiraha Midowga Yurub Veronique  Lorenzo, ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan taagerada dhaqaale ee ay siiyaan Dowladda Soomaaliya, waxayna caddeysay in ay la dhacsan yihiin hanaanka Maamul ay ku shaqeyso Dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka oo horjoogayaal ku dilay Gedo

0

Taliyaha Ururka  48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan  gobolka Gedo C/raxmaan Ibraahim Maxamad oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi lagu dilay Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan Nabad diidka Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa halkaasi.

C/raxmaan Ibraahim Muxmad waxaa uu tilmaamay in dagalkaas ay kula wareegeen deegaano maleeshiyaadku ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah,gaar ahaan  duleedka degmada Buurdhuubo ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalku deegaanadii lagala wareegay Nabad diidka  Al shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo Dalka looga sifaynaayo Al shabaab,waxaana ugu dambeeyey Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Gedo,ayna Ciidamadu ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Al shabaab.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo Turkey kula kulmay Madaxa Hay’adda TIKA

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hay’adda TIKA, Dr Serdar ÇAM.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS iyo Dr Serdar ÇAM Madaxa Hay’adda TIKA, ayaa  kawada hadlay sidii Hay’addaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faa’iideysto, si dhaqaalaha dalka loo horumariyo.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.

Mid ka mid ah Xiddigihii Waabari oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Muqdisho+Sawirro

0

Muqdishu-(SONNA)- Xaflad lagu soo dhaweynayay fanaanadda caanka ah Maryan mursal Ciise oo ka mid ahayd Fannaaniinta heerka 1aad ee dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda soo dhaweynta fanaanada Maryan Mursal oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir max’ed Jaamac waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya mudane cabdi xaashi Cabdulaahi gudoomiye ku xigeenka 2aad golaha shacabka soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad , xubno ka mid ah labada aqal Baarlamaanka ,golaha wasiirada,Xeer ilaaliyaha qaranka , gudiga doorashooyinka heer qaran Taliyayaasha ciidamada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

ugu horayn waxaa ka soo qaybgalayaasha hadallo soo dhoweyn u soo jeediyay sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac,waxaana fanaaniintu ay halkaas ku soo bandhigeen suugaan kala gedisan

Sidoo kale waxaa si faahfaahsan uga hadlay qiimaha fannaanadda maryan Mursal Gudoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad,Wasiirka arimaha dibadda iyo dhalinyarada iyo isboortiga yuusuf garaad cumar iyo xildhibaanad Khadiija maxamed diiriye,Generaal Cabdulaahi Gaafoow Maxamud iyo masuuliyiin hore dalka xilal uga soo qabtay.

Dhanka kale Fanaanada Maryan Mursal Ciise ayaa xaflada lagu soo dhoweynayay ku soo bandhigtay hadallo qiira leh iyo heeso ka soo qaybgalayaasha munaasabadda ku reebay xusuus.

Gaba gabadii xafladda waxaa ka hadlay Gudoomiyaha aqalka sare Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsansan yahay in mudo dhowr iyo labaatan sano ah ka dib uu Caasimadda dalka ee Muqdisho kula kulmo fanaanadda heerka qaran Maryan Mursal Ciise isagoo xusay gudoomiyuhu in abwaanno iyo fanaanin Qaran ay dayac u dhinteen, Fanaaniinta soomaaliyeedna wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin wadaniyiin.

Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid ah Xiddigihii Hobaladii Qaranka ee waabari ayaa dhowaan soo gaartay Caasimadda Muqdisho, kadib safarro ay ku soo kala bixisay qaar ka mid ah gobolada dalka.