Home Blog Page 1518

Go’aan Golaha Wasiirrada ee arrinta Qalbi dhagax

0

Muqdisho, 06 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa arrimaha amniga Qaranka iyo dhacdadii sarkaalka Jabhadda hubeysan ee ONLF.

Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha amni ee dalka guud ahaan, gaar ahaan dhacdadii sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF, waxeyna sheegeen in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Warbixinta amniga qaranka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka codsaday xubnaha golaha wasiirrada in ay ka doodaan, falanqeeyaan, eegaana dhanka siyaasada iyo dhanka sharciga guud ahaan.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa warbixin dhanka sharciga ah ka siisay golaha wasiirrada ee ku aadan habraacyada muhiimka ah ee Sharciga dalka iyo Heshiisyadii hore oo ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Ethiopia.

Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ey khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Waxaa sidoo kale la horkeenay Golaha Wasiirrada heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Qodobbada Heshiiskaas oo kuwa ugu muhimsan ay ahaayeen “In si buuxda aan isaga kaashanno la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan Alshabaab iyo ONLF”.

Dood dheer ka dib, golaha wasiirradu waxey go’aamiyeen arrimahan:

1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.
2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.
4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.
5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.
6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.

7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.

DHAMMAAD

 

Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Banggiga Adduunka oo Muqdisho kulan ku leh

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Banggiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku soo waramaya Wariyeheena C/rashiid Nuur Ibraahim oo goobta ku sugan .

Kulanka waxaa  yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Banggiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Banggigga aduunka uu ku leeyahya.

Faah faahinta kulankaasi goor dhow kala soco SONNA.SO

 

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Aqoon isweydaarsi ka Furmay Shiinaha

0

Muqdisho (SONNA) Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka ka furmay Kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galayaan Wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto, kaasoo ay soo qaban qaabisay Xarunta Tabaradda Caalamiga ah ee Dowlada Shiinaha.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Shiikh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Madaxa Kormeerka iyo Qiimeynta Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Cabdulaahi Cabdi.

Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa si kor loogu qaado Xiriirka soo jireenka ah ee Dowlada Shiinaha iyo Dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Inta uu kulanka socdo waxaa lagu baran doonaa sidii Dowladaha soo koraya ay kaga faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka Dabiiciga ah iyo ilaha Dhaqaale ay leeyihiin, isla markaana ay hormar badan u sameyn lahaayeen Bulshadooda, si dalalka soo koraya ay u tiigsadaan Hormarka dhaqaale uu sameeyay Dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa la is dhaafsan doonaa Qibradaha ay leeyihiin Wadamada soo koraya iyo Dowlada Shiinaha, iyadoo la soo bandhigi doono sida ay hormarka balaaran ku sameysay Xukuumadda Beijing, Caqabadaha horyaala Dalalka soo koraya, sida ay kaga gudbi karaan iyo Isbedelada dhaqaale ay rajeyayaan inay sameeyaan.

Aqoon isweydaarsigan oo furmay maanta ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo 19-ka bishan, iyadoo la filayo Wafdiga Dowlada Soomaaliya u matalaya kulanka inay la wadaagi doonaan Dalalka soo koraya iyo Dowlada Shiinaha sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda Dabiiciga ah oo ilaah uu ku maneystay, isla markaana ay u sameyso isbedel balaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo hormarka Bulshada.

Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Bankiga Adduunka oo Muqdisho kulan ku leh

0

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Bankiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku soo waramaya Wariyeheena C/rashiid Nuur Ibraahim oo goobta ku sugan .

Kulanka waxaa  yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Bankiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Bankiga aduunka uu ku leeyahya.

Wafdi ka socda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Aqoon isweydaarsi ka furmay Dalka Shiinaha

0

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa saaka ka furmay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galayaan wafuud ka kala socota 10-dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ay ku jirto, kaasi oo ay soo qaban qaabisay xarunta Tababarada Caalamiga ah ee Dowladda Shiinaha.

Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo ay wehlinayaan Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan Heybe, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalmiga ah Cabdiraxmaan Axmed Xuseen iyo Ifraax Cabdulaahi Cabdi oo ah xubin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa si kor loogu qaado xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda Shiinaha iyo Dalalka soo koraya oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Inta uu kulanka socdo waxaa lagu baran doonaa sidii Dowladaha soo koraya ay kaga faa’iideysan lahaayeen Kheyraadka Dabiiciga ah iyo ilaha Dhaqaale ay leeyihiin, isla markaana ay hormar badan u sameyn lahaayeen Bulshadooda, si dalalka soo koraya ay u tiigsadaan Hormarka dhaqaale uu sameeyay Dalka Shiinaha.

Sidoo kale waxaa la is dhaafsan doonaa qibradaha ay leeyihiin Wadamada soo koraya iyo Dowlada Shiinaha, iyadoo la soo bandhigi doono sida ay horumarka balaaran ku sameysay Xukuumadda Beijing, Caqabadaha horyaala Dalalka soo koraya, sida ay kaga gudbi karaan iyo Isbedelada dhaqaale ay rajeyayaan inay sameeyaan.

Aqoon isweydaarsigan oo furmay maanta ayaa wuxuu socon doonaa ilaa iyo 19-ka bishan, iyadoo la filayo Wafdiga Dowlada Soomaaliya u matalaya kulanka inay la wadaagi doonaan Dalalka soo koraya iyo Dowlada Shiinaha sida Soomaaliya ay kaga go’an tahay inay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda Dabiiciga ah oo ilaah uu ku maneystay, isla markaana ay u sameyso isbedel balaaran oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo horumarka Bulshada.

Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cusmaan (Jawaari) iyo  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulankaasi uu dhexmaray Guddoomiye Jawaari iyo Danjire Olgan Baker waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad,muddadii uu socoday kulankaasi ayaa waxaa ay kawada hadleen mas’uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal,iyo matanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Max’ed Sheekh Cusman (Jawaari) guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

“Guddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal,mataanaynta  guddiyada labada baarlamaan,sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka,waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa,halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaa”, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo booqday deegaanka Goobweyn

0

Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeeddada socdaalka Mas’uuliyiintani ayaa la xiriirta sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaana mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo  leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.

Waxaa socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ku wehliyay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland,waxaana booqashadan imanaysaa iyadoo dhawaan, maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiintan ay shacabka ugu baaqeen in ay ka qeyb qataan ka hortaga dhagarta cadowga.

Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cusmaan (Jawaari) iyo  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad, waxaana ay kawada hadleen mas’uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal iyo mataanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusman (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kal hore balan qaadeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

“Guddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal, mataanaynta  guddiyada labada baarlamaan, sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka, waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa, halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaa”, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

 

Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Aqalka Dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho ka  furay Wajiga 1aad ee Barnaamika Shaqo abuurka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, kaasi uu lagu shaqaaleysiinayo dhalinyaro gaareysa 1000 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana barnaamijka furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi, oo ay wehliyeen Masuuliyiin Maamulka Gobolka ka tirsan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed,  oo ka hadlay barnaamijkaasi ayaa sheegay in maanta ay daahfureen Barnaamijka lagu shaqaaleysiinayo 1000-ka qof, isagoo  usheegay dhalinyarada in ay ka faa iideystaan fursada shaqo ee Maamulka Gobolka banaadir uu usoo bandhigay, si looga baxo shaqo la’aanta dhalinyaradda Soomaaliyeed heysata.

Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in barnaamijkan uu shaqo abuur yahay, si simanna loogu qeybiyey Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in dadka shaqaaleysiinta loo qaadanayo ay ka ka howl gali doonaan xafiisyadda kala duwan ee  maamulka Gobolka Banaadir.

Todobo xubnood oo loo magacaabay maamulka doorashada Kenya iyo muran weli taagan

0

Muqdisho(SONNA) Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in guddiga madaxa bannaan ee doorashada iyo xudduudaha Kenya (IEBC) uu toddoba xubnood u magacaabay maamulka doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah ee loo asteeyay inay qabsoonto 17ka bisha soo socota.

Talaabadaasi waxaa ka horyimid Railla odinge oo hogaamiya, isbahaysiga mucaaradka NASA ayaa ka biyo diiday,waxayna hore ugu hanjabay inaysan ka qayb gali doonin doorashada ilaa is beddel dhab ah loo sameeyo si dastuuri ah.

Arintani ayaa ka dhigan jahwareer siyaasadeed oo haatan ka taagan Dalka Kenya,Madaxweyne Uhuuru Kenyatta ayaa diiday is wax laga bedelo qaab dhismeedka guddiga doorashooda dalkaasi.

Maxakamadda sare ee Dalkaasi Kenya aya dhawaan go’aamisay in dib loogu noqdo doorashadii dhacday, kadib markii ay laashey natiijada, madaxweyne Kenyatta ayaa dhaliilay go’aankaasi balse uu xusay in uu ixtiraamayo sharciga.

Dadka odorooso arrimaha siyaasadda dalka Kenya ayaa ka deyrinaya xaaladda siyaasadeed, maadaama uu haatan is mari waa uu ka dhextaagaynyahay Dowladda iyo Mucaaradka.

Blse dhinaca kale waxaa si xowli ah u soconaya ololaha ballaaran oo mar kale labada dhinac ay isugu diyaarinayaan in ay kaga qeybgalaan doorashada ku celiska ah,balse waxaa loo fadhiyaa sida lagu xaliyo muranka ka taagan qaab dhismeedka guddiga doorashada.