Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee Soomaaliya iyo Hindiya

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir Guddoominayay ayaa ugu horeyn tacsi u diray Xildhibaan Maryan Macalin oo Hooyadeed ay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye ayaa mudanayaasha Golaha ka codsaday in ay ansixiyaan heshiiska isu celinta maxaabiista ee Soomaaliya iyo India.

Ansixinta heshiiskan oo cod la geliyay ayaa waxaa u codeeyay 161 mudane sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in sharcigan uu yahay mid ansax ah.

Intaasi ka dib Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa golaha ka hor akhriyay qaraarka heshiiskan lagu ogolanaayo.

waxaa la guda galay warbixinta kooban ee Xildhibaanadii soo kormeeray maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Uganda, waxaana golaha ka hor akhrisay Xildhibaan Raabaca Sheekh Nuur oo ka mid ah guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka tilmaamtay in maxaabiista ay dhibatooyin ku heysato xabsiyada dalka Uganda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddiga Arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka in iyagoo kaashanaya Wasaaradda Arimaha dibadda ay dib warbixin ugu soo celiyaan Golaha oo faah faahsan.

Intaasi kadib Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo afartii bilba mar hor yimaada Golaha Shacabka ayaa golaha ka hor jeediyay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay iyo waxyaabaha hadda u qorsheysan.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa  sheegay in kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Isniinta ah laga sii amba qaadi doono ajendayaasha kale ee Golaha horyaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...