Home Blog Page 1517

Saaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay qorshah la sheegay in dowlad goboleed cusub laga sameynayo gobolka Hiiraan

0

Muqdisho, 6 September 2017 – Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.

Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.

Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan.

Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.

Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan. Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.

Arday dhan 50 oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha oo la sagootiyey

0

Muqdisho(SONNA)-Waxaa maanta oo Arbaca ah xaflad sagootin ah loo sameeyey arday gaaraysa 50, oo deeq waxbarasho ka helashay dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha,kuwaasi oo maalmaha na soo aadan u ambabixi doona waddankaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Waxbarashada Soomaaliya, Ismaciil Yusuf Cisman ayaa sheegay in ay deeqdani tahay tii 2-aad ee ay Wasaarada maamusho, si wanaagsana ay u maareeyeen.

“Deeqdan waxbarasha waxaa nasiib u helay arday ka kala socota maamulada dalka ka jira sida Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, K/galbeed, Jubbaland iyo gobalka Benadir, waxana ardada u sheegaya in qabiil aysan ku helin ee ay Somaliya ku heleen, ayna jiri karto arday ka mudnaa,balse iyaga nasiib  u helay, sidoo kale waxan u sheegayaa in daruufaha ay u adkaystaan waxna bartaan oo aysan khasaarin ama tahriib ku fekerin”, Agasime Cisman ayaa sidaa yiri.

Shirwac Ibrahim, agaasimaha waxda Asiya ee W/Arrimaha Dibbada ayaa sheegay in Shiinaha iyo Somaliya ay wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo fog soona bilawday 14 bishii December, 1960-kii, wuxuna intaasi ku daray in Somaliya ay kamid ahayd dawladihii doonayey in Shiinaha uu kamid noqdo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

” Waa deeqdii uga badnayd ee Waxbarasho heer sare ah oo ka helno Shiinaha, dawlada kale baa jira balse waxbarashada sare Shiinaha ayaa uga horeeya, waxaa nahay laba dal oo saaxiib ah”, Shirwac ayaa sidaa yiri.

Qin Jian, Safiirka Shinaha uga fadhiya dalkeena Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyey in deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya laba laabi doonaan, isagoo xusay in ardada ay wax ku kala baran doonaan jaamacadaha waaweyn ee ku kala yaala magaalooyinka dalkaasi oo ay caasimada Beijing ku jirto.

Wasiirka Waxbarashada Dawladdda Federal-ka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Daahir Cisman ayaa uga mahad naqay dawlada Shiinaha yabooha waxbarasho, wuxuna ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Kuliyado Muhiim ah oo ay kamid tahay caafimaad-ka(Medicine), Engineeriyada, iyo Beeraha ayaa kamida waxa ay ardadan fursada u heleen, waxan kula dar-daarmayaa in ay ka faa’idaystaan, wixii ay bartaana ay beri dalkooda kula soo noqdaan”, Wasiirka  ayaa sidaas aradada kula taliyey.

Waxaa sidoo kale xaflada sagootinta ka hadlay ardada iyo waalidiinta oo dareen farxad leh ku soo dhaweeyey fursadan waxbarashada iyadoo mahad balaaran ay u jeediyeen dawladda Soomaaliya, sigaar ah wasaaradaha Waxbarshada iyo arrimaha dibbadda iyo dawlada Shiinaha oo ay deeqdani ka heleen.

42 arday ayaa dawlada maamushay halka, 8-deeda kalena ay ardada ku heleen qaab Online ah oo ay safaaradana u ogalaatay sida ay mas’uuliyiinta safaarada ka heshay Wakaaladda SONNA.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Daawo Sawirada Xaflada sagootinta maanta

ama guji English www.sonna.so/en

Maamulka Gobolka oo daah furay mashruuc dib u dejin loogu sameynayo barakacayaasha

0

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta daah furay Mashruuc dib u dajin loogu sameenayo Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu daah fureyay mashruucan waxaa maamulka gobolka Banaadir ka sokow sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Mashruucaan oo ku kacaya 12,Milyan oo Euro oo ay ku deeqeen Midowga Yurub ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Benaadir iyo Midowga Yurub, waxaana dhawaan mashruucaan laga fulinayaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay shan marshruuc oo waa weyn iyadoo barnaaamijkan loogu talagalay in ay ku baxdo lacag dhan 50 milyan oo Euro.

“Waa kii ugu weynaa oo lagu taageero dadka barakacyaasha ee magaalada Muqdisho ku nool waan u mahadcelinaynaa  Midowga Yurub iyo kuwa kale oo qeyb ka ah mashruucan taabagelintiisa,” ayuu yiri Thaabit.

Mudane Thaabit Cabdi, duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir dadaal badan ku bixiyay qorshan, hadana lagaaray xiligii wax laga qab lahaa dhibaatooyinka heeysta barakacaayasha Magaalada ku nool.

Akhriso go’aanadii ka soo baxay kulankii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada

0
Muqdisho, 06 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa arrimaha amniga Qaranka iyo dhacdadii sarkaalka Jabhadda hubeysan ee ONLF.

Golaha ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga ee la xiriira xaaladaha amni ee dalka guud ahaan, gaar ahaan dhacdadii sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF, waxeyna sheegeen in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Warbixinta amniga qaranka ka dib ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ka codsaday xubnaha golaha wasiirrada in ay ka doodaan, falanqeeyaan, eegaana dhanka siyaasada iyo dhanka sharciga guud ahaan.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa warbixin dhanka sharciga ah ka siisay golaha wasiirrada ee ku aadan habraacyada muhiimka ah ee Sharciga dalka iyo Heshiisyadii hore oo ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Federaalka Ethiopia.

Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ey khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Waxaa sidoo kale la horkeenay Golaha Wasiirrada heshiis la saxiixay 2dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal. Heshiiskan waxaa Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada & Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Qodobbada Heshiiskaas oo kuwa ugu muhimsan ay ahaayeen “In si buuxda aan isaga kaashanno la dagaallanka iyo cirib tirka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan Alshabaab iyo ONLF”.

Dood dheer ka dib, golaha wasiirradu waxey go’aamiyeen arrimahan:

1) In Siyaasada Dowladda Federaalku ay tahay mid ku qotonta iskaashi dalalka geeska Afrika ah, xoojineysana nabad ku-wada-noolaanshaha mandaqadda, xoojinta dhaqaalaha, iskaashiga iyo amniga, isla markaasna aan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya loo oggoleyn in jabhado hubeysan ama kooxo argagaxiso ah ay gabbaad ka dhigtaan.

2) Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare 00 ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab.

3) Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay kaalin firfircoon ka ciyaarto wax walba oo ka qeybqaadanaya nabadeynta mandaqada si waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey garowsan tahay doorka ciidamada waddamada deriska ah ee Djibouti, Kenya, Ethiopia, Burundi iyo Uganda ay si hagar la’aan ah uga garab-dagaalamayeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si dalka loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

4) Golahu waxuu mar kale hoosta ka xarriiqay heshiiyadii iskaashi ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ay kala saxiixdeen sida heshiiskii 07dii Juun 2015kii iyo heshiikii 2dii May ee 2016 oo tilmaamaya in dhan looga soo wada jeesto arrimaha amniga iyo nabad ku wada noolaanshaha mandaqadda. Heshiisyadan waxey si cad u qeexayaan “In cadowga labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Jabhada ONLF ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ahna ula dagaalamaan”.

5) Waxaa reebban isla markaasna mamnuuc ah in Jamhuuriyadda Soomaaliya gudaheeda ay kooxaha argagaxisada iyo kooxaha hubeysanba ka dhigtaan gabbaad ay dagaallada iyo collaadaha ka huriyaan oo ay kaga duulaan wadammada jaarka ah.

6) Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka qaadi doontaa tallaabooyin cad-cad oo Sharciga waafaqsan cid kasta oo isku dayda in ay jabhado hubeysan ka dhex abuurto dalka gudihiisa ama ay taageeraan kooxo argagaxiso ah iyagoo maleegaya falal lid ku ah dalka gudihiisa ama/iyo waddamada jaarka ah.

7) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay dib-u-eegis ku samaynaysaa Heshiisyadii ay dawladdii hore gashay si qabyo-tir loogu sameeyo wixii galdaloolooyin ah ee ku jira (haddii ay jiraan) loona waafajiyo habraac-yada Sharci ee dalka.

DHAMMAAD

 

 

Maamulka Gobalka Banaadir oo deeq waxbarrasho jaamacaddeed siinayo 129 ciyaartooy

0

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha guddiga cayaaraha ee maamulka gobalka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarroow Wiish, ayaa u sheegay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed 129 ciyaartooy oo ka mid ah xiddigaha ka qeyb qaatay tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir inay u heelan deeqo waxbarrasho oo Jaamacaddeed.

Xiddigaha deeqda la siinayo ayaa waxa ay ka mid yihiin kuwa sannadkan ka qeyb galay tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir oo si xiiso leh uga socdo magaaladda Muqdisho.

“129 ciyaartooy ayaan u helnay deeqo waxbarrasho oo guddaha ah, waxaanna bixiyay qaar ka mid ah Jaamacaddaha ku yaallo gobalka, waan uga mahadcelineynaa doorkaas ay qaateen.” Xasan Wiish ayaa sidaasi u sheegay SONNA.

Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir, ayaa sannad walba la qabtaa waxaanna lagu waddaa in berri lasoo gabagabeeyo, iyadoo kama dambeysta ay isla soo gaareen degmooyinka Waberi iyo Hodan.

Qabanqaabadii ugu dambeysay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

0

Jowhar(SONNA)–Qabanqaabadii ugu Dambeysay ee doorashada Madaxweeynaha Hirshabeelle ayaa maanta ka Socota Magaalada Jowhar ee Caasimafdda Maamulkaasi, waxaana aad loo adkeeyay Ammaanka Magaaladaasi.

Ciidamada Amaanka ee Dawlada iyo Kuwa Amisom ayaa xoojiyay Ammanka goobta loogu talagalay in lagu qabto Doorashada, waxaana Magaalada ku xardhan sawirada qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan Madaxtinimada Maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkaasi Maxamad Cali Caadle ayaa sheegay in Doorashada Maamulka Hirshabeelle lagu wado inay dhacdo 12 bishan, iyadoo ay Musharaxiintuna ay diyaargaroow ugu jiraan howshaasi, ayna ku qabsoomi doonto sidii loogu talagalay haddii ilaah yiraahdo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkaasi oo Warbaahinta wareysi siiyay ayaa tilmaamay in Doorashadaasi lagu wado inay ka dhacado Hoolkii ay ka dhacday doorashadii tan ka horreysay ee Magaalada jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, halkaasi oo lagu doortay Madaxdii iyo Xildhibaanada Maamulkaasi.

Mar la weydiiyay su’aal aheyd kalsooni intee la eg ayaad ku qabtaan in doorashadani ay si habsami ah u dhici doonto, wuxuuna ku jawaabay “wax shaqaaaqo ah ma dhici doonaan, mana laga baqaayo, waxayna u dhacaysaa sidii loogu talagalay haddii uu ilaah yiraahdo, bulshadaani waxay baratay in cod lagu kala kaado, mana ka fileyno wax liddi ku ah doorashadaasi”.

Wasiir waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax mad-madow ah oo ku kala dhex jira Xidhibaanada Maamulka Hirshabeelle, lana filaayo in ay ka qeybqaataan sidii ay u dhici laheyd doorasho xalaal ah.

Maamulka Gobolka oo daah furay mashruuc dib u dejin loogu sameynayo barakacayaasha

0

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta daah furay Mashruuc dib u dajin loogu sameenayo Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu daah fureyay mashruucan waxaa maamulka gobolka Banaadir ka sokow sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Mashruucaan oo ku kacaya 12,Milyan oo Euro oo ay ku deeqeen Midowga Yurub ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Benaadir iyo Midowga Yurub, waxaana dhawaan mashruucaan laga fulinayaa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay shan marshruuc oo waa weyn iyadoo barnaaamijkan loogu talagalay in ay ku baxdo lacag dhan 50 milyan oo Euro.

“Waa kii ugu weynaa oo lagu taageero dadka barakacyaasha ee magaalada Muqdisho ku nool waan u mahadcelinaynaa  Midowga Yurub iyo kuwa kale oo qeyb ka ah mashruucan taabagelintiisa,” ayuu yiri Thaabit.

Mudane Thaabit Cabdi, duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir dadaal badan ku bixiyay qorshan, hadana lagaaray xiligii wax laga qab lahaa dhibaatooyinka heeysta barakacaayasha Magaalada ku nool.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo faah faahin ka bixiyay sii deynta maxaabiista harsan

0

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Itoobiya Mudane Maxamedd Cali Nuur oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaliyeed ee SONNA ayaa faah faahin ka bixyay heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan siideynta Maxaabiista ku harsan  Xabsiyada Dalkaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan uu dhaqan geli doono heshiiskaasi, isla markaana uu socdo hanaankii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasna Cali Khayre uu khadka telfoonka kula hadlay dhiggiisa Dalkaasi Hailemariam Desaleng.

“Runtii horta halkan waxaa ku xiran maxaabiis tiradoodi ay badan tahay,waxayna u xiran yihiin dembiyo kala duwan, sida in ay sharci daro  ku soo galeen, hadda waqti xaadarkan ah waxaa soo dhow in la sii daayo maxaabiista harsan oo uu kujiro Boqorka Bartamaha, mabda’iyan way dhamaatay arrintaasi balse, waxaa dhiman oo kaliya hanaankii loo mari lahaa sida in Dukumiintiyadooda la soo uruuriyo”, Ayuu yiri Danjire  Maxmed Cali Nuur.

“Wallaahi run ahaantii Dalkan Itoobiya waxaa ka jirta dareen weyn oo ah in Soomaaliya ay kajirto Dowlad weyn oo shacabkeeda daryeeleyso,wixii dembiyo lagu haystana lagu aamini karo dowladda in ay iyada go’aan ka gaarto, iyo in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya siweyn ayaa loo soo dhaweeyey”,. ayuu markale hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed qofkasto oo ehelkiisa tabaayo in uu ku xiran yahay dalka Itoobiya in ay la soo xiriraan Dowladooda si loogu soo gudbiyo safaaradda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fududaynayso in qofkasto uu fursad u heli karo in uu ogaado qofka ka maqan iyo meesha uu ku xiran yahay.

DHAGEYSO: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Itoobiya oo faah faahin ka bixyay sii deynta maxaabiista harsan

0

Muqdisho(SONNA) Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Itoobiya Mudane Max’ed Cali Nuur oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaliyeed ee SONNA ayaa faah faahin ka bixyay heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku aadan siideynta Maxaabiista ku harsan  Xabsiyada Dalkaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan uu dhaqan gelidoono heshiiskaasi, islamarkaana uu socodo hanaankii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi,kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasna Cali Khayre uu telfoonka kula hadlay dhiggiisa Dalkaasi Hailemariam Desaleng.

“Runtii horta halkan waxaa ku xiran maxaabiis tiradoodi ay badan tahay,waxayna u xiran yihiin dembiyo kaladuwan, sida in ay sharci daro  ku soo galeen,hadda waqti xaadarkan ah waxaa soo dhow in la sii daayo maxaabiista harsan oo uu kujiro Boqorka Bartamaha, mabda’iyan way dhamaatay arrintaasi balse, waxaa dhiman oo kaliya hanaankii loo mari lahaa sida in Dukumiintiyadooda la soo uruuriyo”, Ayuu yir Safiir Maxmed Cali Nuur.

Wakaaladda SONNA ayaa weydisay  Danjiraha,wadahadaladii Telfoonka ahaa ee dhexmaray Ra’iisul Wasaarayaasha labada Dal iyo sida looga dareemey Dalka Itoobiya wuxuuna yiri.

“Wallaahi run ahaantii Dalkan Itoobiya waxaa ka jirta dareen weyn oo ah in Soomaaliya ay kajirto Dowlad weyn oo shacabkeeda daryeeleyso,wixii dembiyo lagu haystana lagu aamini karo dowladda in ay iyada go’aan ka gaarto, iyo in uu sii kordhayo xiriirka ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya siweyn ayaa loo soo dhaweeyey”, Ayuu intaasi ku daray Safiirka.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed qofkasto oo ehelkiisa tabaayo in uu ku xiran yahay dalka Itoobiya in ay la soo xiriraan Dowladooda si loogu soo gudbiyo safaaradda, taasi oo uu ku tilmaamay in ay fududaynayso in qofkasto uu fursad u heli karo in uu ogaado qofka ka maqan iyo meesha uu ku xiran yahay.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed oo qaaday Jidgooyooyin ay dhigteen Al shabaab

0

Muqdisho (SONNA) Maamulka degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa ka warbixiyay howlgal ay ku qaadeen jidgooyooyin Maleeyshiyada Al-Shabaab ay dhigteen deegaano katirsan Gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurhakaba  ee Gobalka Bay Maxamed Xasan Fiidow oo la hadlayay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buurhakaba ay ka sifeeyeen jidgooyooyin ay dhigteen Maleeshiyaadka Al shabaab, halkaa oo ay ku dhibaateyn jireen dadka ku safra wadooyinkaasi

“Waxaan ka war helnay in Maleeshiyada Al Shabaab Deegaano hoostaga Degmada Buurhakaba ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka, Markaan goobta soo gaarnay way isaga carareen,  waxaana goobta hada ku sugan ciidanka Maamulka koonfur Galbeed” sidaa waxaa yiri, Gudoomiye ku xigeenka.

Shacabka ku nool deegaanada ay gacanta ku dhigeen ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada ayaa si weyn u soo dhaweeyay, wuxuuna Gudoomiye ku xigeenka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka Howlgaladani ay yihiin sidii la isugu furi lahaa deegaanada ay go’doomiyeen Al shabaab.

“Ma dhici doonto in deegaan ay la wareegaan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowlada dhexe oo is garabsanayo ay dib uga soo laabtaan, U jeedka howlgaladani waa sidii la isugu furi lahaa deegaanadda ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al Shabaab”.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka oo kaashanaya Ciidamada AMISOM ayaa Deegaano dhowr ah ka wada Howlgalo Argagaxisada Al shabaab looga saarayo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan.