Home Blog Page 1519

Ciidanka Xoogga Dalka oo horjoogayaal ku dilay Gedo

0

Gedo(SONNA) Taliyaha Ururka  48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan  gobolka Gedo C/raxmaan Ibraahim Maxamad oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi lagu dilay Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan Nabad diidka Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa halkaasi.

C/raxmaan Ibraahim Muxmad waxaa uu tilmaamay in dagalkaas ay kula wareegeen deegaano maleeshiyaadku ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah,gaar ahaan  duleedka degmada Buurdhuubo ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalku deegaanadii lagala wareegay Nabad diidka  Al shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo Dalka looga sifaynaayo Al shabaab,waxaana ugu dambeeyey Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Gedo,ayna Ciidamadu ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Al shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka ka dhacay Mareykanka

0

Muqdisho(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambeereysay toogashadii bahalnimo ee ka dhacday magaalada Les Vegas ee Dalka Mareykanka,taasi oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhawac soo gaarey dad badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyey Dowladda iyo Shacabka Mareykanka dadkii ku dhintay weerarkii Argagixisanimo  ee lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen dadbadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Framaajo ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Mareykanka islamarkaana meel looga soo wada jeesto ficilada xun xun oo ay ku dhaqaaqayaan kooxaha Argagixisada.

Dhanka kale Booliska Mareykanka ayaa baaraya dil wadareedkii ka dhacay magaalada Las Vegas kaas oo la sheegay inuu yahay midkii ugu xumaa ee sanadahan dambe ka dhacay waddankaasi.

Ninkan ayaa guriga uu deganaa waxaa laga helay qoryo, rasaas iyo waxyaalo qarxa oo aad u tira badan,waxaa weerarkaasi ku dhintay dad gaaraya 58 qof halka 500 in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Fanaanada Maryan Mursal Ciise oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Muqdisho

0

Xaflad lagu soo dhaweynayay fanaanadda caanka ah Maryan mursal Ciise oo ka mid ahayd Fannaaniinta heerka 1aad ee dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda soo dhaweynta fanaanada Maryan Mursal oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir max’ed Jaamac waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya mudane cabdi xaashi Cabdulaahi gudoomiye ku xigeenka 2aad golaha shacabka soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad , xubno ka mid ah labada aqal Baarlamaanka ,golaha wasiirada,Xeer ilaaliyaha qaranka , gudiga doorashooyinka heer qaran Taliyayaasha ciidamada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

ugu horayn waxaa ka soo qaybgalayaasha hadallo soo dhoweyn u soo jeediyay sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac,waxaana fanaaniintu ay halkaas ku soo bandhigeen suugaan kala gedisan

Sidoo kale waxaa si faahfaahsan uga hadlay qiimaha fannaanadda maryan Mursal Gudoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad,Wasiirka arimaha dibadda iyo dhalinyarada iyo isboortiga yuusuf garaad cumar iyo xildhibaanad Khadiija maxamed diiriye,Generaal Cabdulaahi Gaafoow Maxamud iyo masuuliyiin hore dalka xilal uga soo qabtay.

Dhanka kale Fanaanada Maryan Mursal Ciise ayaa xaflada lagu soo dhoweynayay ku soo bandhigtay hadallo qiira leh iyo heeso ka soo qaybgalayaasha munaasabadda ku reebay xusuus.

Gaba gabadii xafladda waxaa ka hadlay Gudoomiyaha aqalka sare Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsansan yahay in mudo dhowr iyo labaatan sano ah ka dib uu Caasimadda dalka ee Muqdisho kula kulmo fanaanadda heerka qaran Maryan Mursal Ciise isagoo xusay gudoomiyuhu in abwaanno iyo fanaanin Qaran ay dayac u dhinteen, Fanaaniinta soomaaliyeedna wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin wadaniyiin.

Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid ah Xiddigihii Hobaladii Qaranka ee waabari ayaa dhowaan soo gaartay Caasimadda Muqdisho, kadib safarro ay ku soo kala bixisay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarka ka dhacay Mareykanka

0

Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambeereysay toogashadii bahalnimo ee ka dhacday magaalada Les Vegas ee Dalka Mareykanka,taasi oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhawac soo gaarey dad badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyey Dowladda iyo Shacabka Mareykanka dadkii ku dhintay weerarkii Argagixisanimo  ee lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen dadbadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Framaajo ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Mareykanka islamarkaana meel looga soo wada jeesto ficilada xun xun oo ay ku dhaqaaqayaan kooxaha Argagixisada.

Dahnka kale Booliska Mareykanka ayaa baaraya dil wadareedkii ka dhacay magaalada Las Vegas kaas oo la sheegay inuu yahay midkii ugu xumaa ee sanadahan dambe ka dhacay waddankaasi.

Ninkan ayaa guriga uu deganaa waxaa laga helay qoryo, rasaas iyo waxyaalo qarxa oo aad u tira badan,waxaa weerarkaasi ku dhintay dad gaaraya 50 qof halka 100 in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ismari waa ka dhextaagan Britain iyo Midowga Yurub

0

Muqdisho(SONNA) Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta gelinka dambe waxa ay magaalada Strasbourg ugu codayn doonaan mooshin liddi ku ah qaabka ay UK u waddo wadaxaajoodka ay uga baxayso Midowga Yurub.
Sidoo kale Madaxweynaha Golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, iyo gudoomiyahiisa wadaxaajoodka, Michel Barnier, ayaa xubnaha xog ka siin doona horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray wadahallada.
Mooshinkan horyaal baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay liis dheer oo ay ku qoran yihiin dhaleecayn ku aaddan mowqifka Britain ee ku aaddan waxyaabaha ay ka midka yihiin xuquuqda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku sii nagaanaya UK, iyo habdhaqanka dowladda ee arrimaha dhaqaalaha, taas oo curyaamisay hannaanka Britain ay uga baxayso Midowga Yurub, sida lagu sheegay qaraar qabya ah.
Mooshinku waxa uu ugu baaqayaa UK in xilligan kala guurka ah ay ku toosnaato shuruucda Midowga Yurub looga baxo.
Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la waydiisan doonaa inay dib u dhigaan go’aankooda ku aaddan in la furo wadahallada dhanka ganacsiga iyo xiriirka mustaqbalka, illaa laga gaaro heshiis weyn.
Afhayeen u hadlay waaxda ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in la diyaariyay qoraalka mooshinka ka hor inta aanan la soo gebagabayn wareeggii ugu dambeeya ee wadahallada.
Codeynta maanta ayaa waxa ay fursad u tahay inay dajiso xiisadda siyaasadeed, hasayeeshee xal buuxo ma keenayso, sababtoo ah xildhibaanada Midowga Yurub oo kaliya ayaa gaari kara go’aanka ugu dambeeya ee heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.

Dawladda Soomaaliya oo Sacuudiga uga mahadcelisey taageerada iyo is-garab-istaaga

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd mid lagu sii xoojinayey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladda Federaalka uga go’antahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed. deeqdaan 50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.

Dawladda Soomaaliya oo Boqortooyada Sacuudiga uga mahad celisey 50ka Milyan Ee Ay Ugu Deeqday

0

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd mid lagu sii xoojinayey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladda Federaalka uga go’antahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed. deeqdaan 50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.

DHAMAAD

Dowladda Turkiga oo deeq gar-gaar ah gaar siiday gobolka Hiiraan

0

Dowladda aan walaalahanahay ee turkiga ayaa deeq Raashina looguna talo galay Caawinta dadka ay Abaartu ku saamaysay Gobolada Dalka gaarahaan deegaanada Gobolka Hiiraan ku wareejiday Maamulka hiiraan.

Deeqda ka timid Dowladda turkiga gudoomay Maamulka Gobolka Hiiraan taasoo uu maamulku sheegay in sidii loogu talo galay loo gaarsiin doono deegaanada uu ka kooban yahay Gobolkaasi.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegaya in ay deeqdaan Maamulku la wareegay hasayeeshee ay durba ku wareejiyeen Maamulada degmooyinka Matamaan,Buulo barde iyo Jalalaqsi.

Guddoomiye Jawaari oo booqday xarunta Al Azhar Al Shariif

0

Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhowrkii maalin ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa maanta  tagay xarunta Al Azhar Al Shariif ee magaalada Qaahira, halkasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka uu la qaatay Sheekhul Azharka dalka Masar oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka qeybna ka ah wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadlay sidii dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay u sii xoojin lahaayeen xiriirkooda wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee soo jireenka ah.

Shirka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Masar ay talooyin iyo qubaro dhinaca sharciga uga taageeri lahayd Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Sheekh Azharka Masar ay kaga wada hadleen arrimo u badan sidii Golaha looga taageeri lahaa dhanka sharciga.

“Maanta waxaan la kulanay Sheekh Azharka Masar oo aan ka wada hadalnay inay naga taageeraan dhanka sharciga, in sharciyada aan sameyneyno ay soo soo diraan quburo oo sharciga gacan naga siinaya, in tallooyin ay naga siiyaan sharciyada qaar ee lagu qarayo Carabiga, weyna naga aqbaleen, guddi ayaana loo xilsaaray oo arrintaasi ka soo shaqeyn doono” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiqaadir.

Cadnaan + Guudle

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka oo la kulmay Xildhibaanno ka yimid Turkiga

0

Guddoonka Aqalka Sare ee Dalka ayaa maanta la kulmay wefdi ka socda Baarlamaanka dalka Turkiga, iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo sida loo xoojin lahaa.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan.

“Guddoomiyaha Aqalka sare iyo wafdi la socday waxa ay tegeen xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo ay kula kulmeen wafdi Xildhibaanno ah oo ka yimid dalka Turkiga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta taageerada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, kaasi oo ku soo dhamaaday guul iyo isfaham” ayuu yiri Cali.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamanka Cali Maxamed Jaamac ayaa xusay in Xildhibaanada ka yimid dalka Turkiga ay Guddoomiyaha Aqalka Sare u soo gudbiyeen mahadcelin, waxaana ay ka codsadeen in wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiyaha ay booqasho ku tegaan Dalka Turkiga.

“Guddoomiyaha ayay u soo gudbiyeen casuumaad ku aadan in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay soo booqdaan Dalka Turkiga, Guddoomiyihuna wuu ka aqbalay arrintaa in sanadkan gudiisa ay tegaan Dalka Turkiga, si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac” ayuu hadalkiisa ku daray Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare.