Home Blog Page 1519

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo saraakiil amni oo booqday deegaanka Goobweyn+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)Wefdi uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Goobweyn oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, gelinkii dambe ee Talaadadii, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedadad socdaalka Mas’uuliyiintanii ayaa la xiriirtaa sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha amni iyo baahiyaha dhanka deegyada bulshada ah oo ay qabaan shacabka kunool deegaankaasi,waxaan mas’uuliyiintu ay kormeereen qeybaha uu deegaankaasi ka koobanyahay,si looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shacabka kunool deegaanada dhaca Waqooyiga Kismaayo ugu baaqey in ay ciidamada Ammaanka kala shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo  leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo”, Sidaana waxaa yiri Suldaan Lugadheere.

Waxaa socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) ku wehliyay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan Jubbaland,waxaana booqashadan imanaysaa iyadoo dhawaan,maleeshiyada Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xero ay lahaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland,iyadoona mas’uuliyiintan ay shacabka ugu baaqeen in ay ka qeyb qataan ka hortaga dhagarta cdowga.

Shirka dib u hishiisiinta Puntland iyo Galmudug uga socda Gaalkacyo oo maalintii labaad galay “Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA):-Maalintii labaad ayuu galay Shirkan oo ujjeedkiisu uu yahay  in Xal waara looga gaaro Colaadda inta badan dhex marta Maleeshiyaadka kala taabacsan Maamulada Dariska ah ee Galmudug iyo Puntland ayaa ka dhacay Magaaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ee Bartamaha Dalka.

Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyne ku xiggeenka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi, Madaxweyne ku xiggeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar, Odayaasha dhaqanka iyo Culimada diinta, kaasi oo la filayo in laga soo saaro go’aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha Shacabka Magaaladda Gaalkacyo wada dega.

 

 

 

Maamulka G/ Banaadir oo daahfuray Wajiga 1aad ee Barnaamijka shaqo abuurka Dhalinyaradda “Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA):– Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Aqalka Dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho ka  furay Wajiga 1aad ee Barnaamika Shaqo abuurka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, kaasi uu lagu shaqaaleysiinayo dhalinyaro gaareysa 1000 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, waxaana barnaamijka furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi, oo ay wehliyeen Masuuliyiin Maamulka Gobolka ka tirsan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed,  oo ka hadlay barnaamijkaasi ayaa sheegay in maanta ay daahfureen Barnaamijka lagu shaqaaleysiinayo 1000-ka qof, isagoo  usheegay dhalinyarada in ay ka faa iideystaan fursada shaqo ee Maamulka Gobolka banaadir uu usoo bandhigay, si looga baxo shaqo la’aanta dhalinyaradda Soomaaliyeed heysata.

Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in barnaamijkan uu shaqo abuur yahay, si simanna loogu qeybiyey Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in dadka shaqaaleysiinta loo qaadanayo ay ka howl gali doonaan xafiisyadda kala duwan ee  maamulka Gobolka Banaadir.

 

 

Guddoonka Golaha Shacabka JFS oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga Golaha

0

Muqdisho(SONNA):–Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Maalinta Sabtida uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar dargeliyo howlaha Golaha horyaalla.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee soo aadan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ka daldabay Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socoto oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo booqay xarunta SONNA, dhiiro geliyayna howlaha ay hayso

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Mudane Cawil  Xirsi  Xasan (Goladiid) iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, ayaa soo booqday Wasaaradda Warfaafinta Gaar ahaan Wakaaladad Wararka SONNA,iyagoo bogaadiyay horumarada ka socoda Wakaaladda.

Mas’uuliyiintani ayaa la kulmay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda SONNA,waxaana ku sugnaa kulankaasi Agaasimaha Wakaaladda Filimada Qaranka Soomaaliyeed Saalax Shire,Taifaftiraha Guud ee Wakaaladda SONNA C/araxmaan C/llaahi Maxamed (Kanafa) iyo Madaxa wararka SONNA Cali C/qaadir Cali iyo qaar kamid ah shaqaalaha, oo warbixin ka siiyay mas’uuliyiintaasi howlaha ay bulshada  u hayso Wakaaladda SONNA.

Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA doorka ay ka qaataan had iyo jeer Hormarka Dalka iyo sida ay ugu heelanyihiin Baahinta Xaqiiqooyinka ka Jira Guud ahaan Dalka.

“Marka hore waan idinkaga hambalyaynayaa dadaalka horumarineed oo ay sameynayso Wakaaladda’Wakaaladdu dowr muhiim ah ayay ku leedahay horumarka dalka,qofkii ka shaqeeyana waxaan aaminsanahay in uu dhaqsi horumar gaarayo,anaka muddoayaan ka soo howlgalnay warbaahintan,waana soo dhaweynaynaa isbedelada maamul ee dhacay,waxaan u soo jeedinayaa SONNA in ay nagala shaqeyso horumarka Galmudug.Ayuu yiri Wasiir Fiidow.

Ugu dambeyn Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cawil Xirsi Xasan (Goladiid) ayaa sheegay in warbaahinta Qaranka ay dowr muhiim ah ku leedahay horumarka dalka,gaar ahaan Wakaaladda SONNa, wuxuuna sheega in muhiim ay tahay in dib loo soo celiyo xafiisyadii Gobolada ay ku lahayd Wakaaladad SONNA si loo soo celiyo dowrkii ay ku lahayd u adeegista bulshada.

Wasiiradan ayaa ka mid ahaa howlwadeenadii soo maray warbaahinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan Wakaaladda SONNA ,iyagoo ku bogaadiyay shaqaalaha in ay sii kordhiyaan dadaalkooda,ayna ka faa’idaystaan Tiknolojiyada casriga ah ee xiligan jirta.

Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xilliga uu furmayo kalfadhiga Golaha

0

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Maalinta Sabtida uu furmayo kulamada Baarlamaanka, si loo sii dar dargeliyo howlaha Golaha horyaalla.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinka Sabtida ee soo aadan uu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtigii dib loo bilaabayay fadhiyada uu bilaawday, sababtoo ah muddadii fasaxa ee Xajka wuu dhamaaday, marka Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdikariin Buux.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ka daldabay Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo xaadiraan kulanka Khamiista soo socoto la qaban doono oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajandayaashi lagu hagi lahaa kalfadhiyada Golaha.

Galmudug: “Shirka waxa uu ku saabsanyahay sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Gaalkacyo”

0

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay inay shirka ka furmay Gaalkacyo uu yahay mid la doonayo in lagu heshiisiiyo bulshada gobolka wada degta, iyadoo loo marayo hanaan mamul

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo wereysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirka uu ku saabsanyahay sidii bulshada loo wada hadalsiin lahaa, isagoo intaa ku daray in uu yahay mid lagu dhameystirayo heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

“Shirka waxaa looga hadlayaa sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Gaalkacyo, sidii waxa la kala qabo loo wada sheegan lahaa, si aan uga gaarno xal waara” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale isku afgartay siideynta Maxaabiis horleh

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya   Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.

War Wakaaladda SONNA ka heshey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Ra’’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka telfoonka kula hadlay raiisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale isku afgartay siideynta Maxaabiista ku harsan Xabsiyada Dalkaasi

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya   Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.

War ay  Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ka heshey xafiiska Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka teleefoonka kula hadlay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

FAALLO:-Isbedel ayaa laga rabaa Garsoorka Dalka

0

Muqdisho(SONNA)–Garsoor waa gacmaha iyo dhidibada cadaaladda ama dawladnimda hadaanuu garsoor jirin cadaaladi ma jirto, iyadoo taasi jirto ayaa ka jira Dalka Soomaaliya Nidaamka Maxkamadaha Dalka oo ka kooban:- Maxkamadda Dastuurka, Maxkamadda,Sare, Maxkamadda Racfaanka iyo Maxakamadda Derajada Koowaad.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furay Magaalada Muqdisho shirkii wadatashiga dib u habeynta hey’adaha garsoorka dalka, kaasi oo socday inta u dhaxeysay 1-dii Abriil ilaa iyo 5-tii Abriil, 2013-kii, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen:- Faaqidaadda Caqabadaha hortaagan Garsoorka, dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hey’adaha Garsoorka, soo celinta kala dambeynta iyo u hogaansanaanta sharciga iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhowr jeer ka hadlay sida ay dowladiisa uga go’an tahay sameynta Garsoor ku saleysan Cadaalada, isagoo xusay in dowladiisa ay iminka waddo dhaqan galinta nidaamyo dhowr ah oo lagu horumarinayo Garsoorka, waxa uuna cadeeyay in mowqifka dowladiisa uu yahay Soomaaliya oo yeelato Garsoor caadil ah.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay jiraan cabashooyin dhowr ah oo ka soo gaaraya dhanka Bulshada, taasi oo ku saleysan dhanka cadaalada, waxa uuna farta ku goday in ciddii ay ku helaan Garsoor xumi ay wajihi doono Ciqaab, Xil ka qaadis iyo dadkiisa iyo dalkiisa oo uu kula kacay qiyaana Qaran, wuxuuna yiri, ”Horay waan uga hadlay Garsoorka haddana waan ka hadlayaa dowladdu kama raali noqon doonto Garsoor aan ku saleysneyn cadaalad”.

Farmaajo waxa uu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyiinta Garsoorka looga baahan yahay inay ku dadaalan Cadaaladda haddii kale ay dhibaato ka dhexlayaan adduun iyo Aakhiro haddii cadaalad darro ay ku kacaan, wuxuuna ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan uu wax uga qaban doono arrimaha Garsoorka Dalka si loo helo Cadaalad hufan, wuxuuna raaciyay, ”Waxaad dareemi doontan isbedel dhanka Garsoorka ah, waxaan ku dadaaleynaa in la helo Garsoor caadil ah oo mideyn doona Ummadda Soomaaliyeed”.

Haddaba maanta ayaa waxaa Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA soo gaaray wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee uu shaqada kaga joojiyay kaga fariisiyay 18 garsoore oo ka howlgalayay Maxkamadaha Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen, haddaba waxaa looga fadhiyaa Dowladda inay isbedel la taaban karo ku sameyso laamaha Caddaaladda Dalka oo habacsanaan badan ka taagan tahay.

W.Q:- C/laahi Ruush