Wasiirka howlaha guud” Guul ayuu ku soo dhamaaday safarkeyga shaqo ee Turkiga”+sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho,Wasiirk kuxigenka Wasaaradad,Xil.Jamaal Xasan Cusmaanย  kusimaha agaasimaha guud, iyo masโ€™uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey masโ€™uuliyiin kaladuwan,waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha 10,kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.

โ€œSafarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha dib u dhiska,waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antaliya,waxaana la kulanay masโ€™uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen,waxaana kala hadalany sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka,gaar ahaan arrrintii dhismaha 10,kun ee guryo ayaan kala hadalnay meel fiican ayay marayaan,dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadlidoonaa howlaha Wasaaraddaโ€, Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale