Wasiirka howlaha guud” Guul ayuu ku soo dhamaaday safarkeyga shaqo ee Turkiga”+sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho,Wasiirk kuxigenka Wasaaradad,Xil.Jamaal Xasan Cusmaan  kusimaha agaasimaha guud, iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey mas’uuliyiin kaladuwan,waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha 10,kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.

“Safarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha dib u dhiska,waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antaliya,waxaana la kulanay mas’uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen,waxaana kala hadalany sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka,gaar ahaan arrrintii dhismaha 10,kun ee guryo ayaan kala hadalnay meel fiican ayay marayaan,dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadlidoonaa howlaha Wasaaradda”, Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka

Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...