Milateriga Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

Date:

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda ay gudaha u galeen dalka Suuriya si ay ula dagaallamaan Kooxda Daacish ee ku sugan meello badan oo ka mid ah dalka Suuriya.

Askarta Turkiga oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ka gudbay xudduudda Suuriya, waxayna Ankara sheegtay inay arrintaas qayb ka tahay hawlgal looga gol leeyahay in lagu joojiyo dagaalka Idlib.

Waxa ay sheegtay dowladda Turkiga in ay ka go’an tahay in tilaabo adag laga qaado Kooxda Al-qaacidda.

War kasoo baxay Ciidamada Milatariga ayaa lagu sheegay in ciidanku ay samaynayaan xarun ay kala socdaan “aagga dagaalka ka caaggan” oo qayb ka ahaa heshiis dhex maray Ruushka iyo Iiraan.

Idlib badankeed waxaa gacanta ku haya Hayat Tahrir al-Sham, oo ah isbahaysi jihaad-doon ah oo gacan saar la leh Al Qaacida.

Waxay kaloo xudduud la leedahay deegaanaka Afrin ooTurkigu doonayo inuu xasiliyo.

Turkigu wuxuu taageeraa mucaaradka madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad, sannadkii horena waxay taageereen duullaan ay fallaagadu ku qaadeen kooxda la magac baxday dawladda islaamiga ama IS, meel u dhow xudduudda, dhinaca magaalada Xalab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...