Wasiirka Howlaha Guud oo sharxay dhismaha guryaha uu Turkiga balanqaaday

Date:

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiir ku-xigenka Wasaaradda, Xildhibaan Jamaal Xasan Cusmaan, ku-simaha Agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey mas’uuliyiin kala duwan, waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha toban kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.

“Safarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha dib u dhiska, waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antalya, waxaana la kulanay mas’uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen, waxaana kala hadalnay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka, gaar ahaan arrrintii dhismaha toban kun ee guryo, ayaana kala hadalnay meel fiican ayay marayaan, dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadli doonaa howlaha Wasaaradda”. Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh...