Tababar kor loogu qaadayey aqoonta Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed oo lagu soo gabo gabeeyay Qatar “SAWIRRO”

Date:

Diblomaasiyiin ka socday Dawladda Soomaaliya ayaa tababbar loogu soo xiray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, waxaana intii uu tababbarku socday ka faa’iidaysteen casharo kala duwan oo la xiriira siyaasadda arimaha dibedda iyo sida Dalalka horumaray ay u maareeyaan.

Tababbarkan ayaa sidoo kale waxaa ka faa’iideystay diblomaasiyiin ka socday Dalka Suuriya iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Waxaa munaasibad shahaadooyin lagu guddoonsiiyey diblomaasiyiintan loogu qabtay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Qatar, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar, kuwaasi oo sheegay inay ka go’antahay inay caawiyaan oo barbar istaagaan walaalahooda kale.

Intii uu kulanku socday waxaa Dawladda Soomaaliya lagu ammaanay tallaabooyinka wanaagsan ee ay u qaaday dhinaca Dawladnimada iyo horumarka, waxaana la xusay inay taasi muujinayso inay Soomaaliya soo ceshato doorkii ay ku lahayd caalamka, waxaana sidoo kale lagu ammaanay Xukuumadda Soomaliya doorkii dhex-dhexaadnimada  ahaa ee ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka ka taagan.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf   ayaa sheegay in dhallinyaradu si wanaagsan uga faa’iidaysteen tababbarka, Isla markaana ay yihiin kuwa oo waciygoodu sareeyo, wuxuuna u mahad celiyey Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda.

Sidoo kale  Qunsulka ayaa Dawladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay.

 


W/D: Ahmed Darwiish

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...