Golaha Shacabka oo maanta yeelanyo kulan ay kaga hadlayaan heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya.

Date:

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanayo  kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah waxaana ay kulanka ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka  ayaa maanta cod u qaadaya heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya, Heeshkan ayaa waxaa Soomaaliya uu soo saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Yuusuf Garaad.

Heshiiska is dhaafsiga maxaabiista ayaa qeexaya in dowladda Hindiya ay Soomaaliya ku soo wareejiso maxaabiista xukunka ku dhacay ee ku jira xabsiyada dalkaas, si ay xukunkooda ugu dhameystaan dalkooda.

Sidoo kale  Heshiis kan la mid ah ayaa waxaa horay loola galay Dowladda Itoobiya kaas oo sabab u noqday in Soomaaliya lagu soo wareejiyo in ka badan 100 qof oo ku xirnaa Xabsiyadda Dalka Itoobiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...