Home Blog Page 1456

Meydka Gabar Soomaali aheyd oo laga helay gobalka Queensland ee dalka Australia

0

Australia (SONNA) Booliska  Queensland ayaa xaqiiyay  in meydka haween oo ay ka heleen koofur bari Brisbane inuu yahay Naima Hassan oo 27 jir soomali ah la waayay.

Xubno ka tirsan dadweynaha ayaa ka helay meydka xeebta Birkdale shalay galab saacadu markay ahayd 5:20 Talaadadii.

Booliska ayaa goobta xiray xalay oo dhan waardiye ka hayay iyadoo baarayaashu sugayaan baaritaan lagu samaynayo meydka si loo xaqiijiyo haybta iyo waxa sababay dhimashada.

Askarta booliska ayaa baaritaano dheeraad ah ka waday goobta laga helay maydka maanta oo Arbaco ah.

Naima Hassan ayaa markii u danbaysay qoyskeeda arkeen subixii Sabtida, waxayna inoo sheegeen in xubno ka tirsan qoyska ay soo eegeen Meydka isla markaana ay xaqiijiyeen inay aheyd gabadhooda.

W/Q Xarbi fareey

Maamulka cusub ee golaha deegaanka Xudur oo maanta si rasmi ah u howlgalay

0

Xudur (SONNA) Xafladani oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Cusub ee Golaha Degaanka Degmada Xudur ayaa waxa ka soo qeybgaley Culimaa’udiin, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro, Saraakiisha Booliska iyo Marti sharaf kale.

Ujeedada loo qabtey Xaflada ayaa waxay tahay in lagu daah furo Xafiisyada Xubnaha goloha degaanka ee degmada xuddur oo dhowaan la dhisey.

Ugu horeyn waxa munaasabada ka Hadley Gudddoomiyaha Degmada Xuudur Maxamed Macalin Axmed isagoona sheegey in laga bilaabo maanta xafiisyadii degmada oo loogu adeegayo Bulshada ay furan yihiin wuxuuna bulshada ka codsadey in ay la shaqeeyaan isla markaasna ay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo.

Taliyaha Ciidamada  Booliska gaarka ah ee Gobolka Bakool Korneel Cabdulaahi Xasan Cabdule Qadaafi oo munaasabada ka Hadley ayaa shacabka ku buuriyey in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falalka amni dari.

Bulshadii ka soo qeyb gashey munaasabada ayaa soo dhoweeyey xafiisyada cusub waxayna balan qaadeen in lashaqeynayaan.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Bakool ahna kusimaha Guddoomiyaha Cabdulaahi Maxamed Nuur Snake oo gabagabadii xaflada soo xirey ayaa xubnaha xildhibaanada kula dardaarmey in aysan qabiil u shaqeynin qaranka u shaqeeyaan.

Xafladaan ayaa aheyd tii ugu horeysey oo maamulka degmada Xudur uu qabto tan iyo markii maamulkaan cusub ladhisey mudo hada laga joogo 16 maalmood ka hor.

W/Diinta iyo Awqaafta JFS oo 400 oo kutubo ah ku wareejisay Jubbaland

0

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Federaalka Soomaliya ayaa maanta kuwareejiyay Wasiir kuxigeenka  Cadaaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland, inkabadan 400 oo kutubta quraanka kariimka qawlkii eebe oo loogu tala galay in lagu horumariyo  dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka.

kulanki wareejinta kutubtaan ayaa waxaa goobjoog  ka ahaa  xildhibaan Axmed ugaas  oo ah guddoomiyaha guddiga Cadaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada  jubbaland ,guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Jubada Hoose,Wasiir ku xigeenka Cadaladda Dastuurka arrimaha Diinta jubbaland  iyo Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta xukumadda soomaaliya.

Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Jubada Hoose Axmed Nuur  iyo xildhiban Axmed ugaas  guddoomiyaha guddiga Cadaaladda iyo arrimaha Diinta ee golaha Wakiilada  Jubbaland ayaa kutubtaan loogu deeqay ku tilmaayay mid qayb ka qaadaneysa waxbarida ubadka.

Wasiir kuxigeenka Cadalada,Dastuurka iyo arrimaha Diinta dowlad goboleedka jubbaland Aadan Ishaar Cumar  ayaa xusay in dhiiro galintada dugsiyada iyo xarumaha lagu barto Diinta ay tahay mid waajib ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta xukumada federalka Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in dowlada soomalaiya ay ka go’an tahay dhiiro galinta waxbarashada gaar ahaan barashada diinta islaamka si looga hor tago in si qaldan loo fasiro diinta.

 

Bankiga aduunka oo Maalgalinaya dib u dhiska Goobaha laga Qabsadey Daacish ee Dalka Ciraaq

0

Washinton( SONNA)- Bangiga aduunka ayaa maanta ogolaaday  400 milyan oo doolar oo dib loogu dhisayo degaanada Ciidamada Ciraaq ay ka xoreeyeen argagixisada al-Qaacidda.

Muddo saddex bilood ah ayay Ciidamada Ciraaq iyo kuwa xulafada la ah ku qaadatay dib u xoreynta degaanadaasi ka baxay gacanta  Al-Qaacida kadib markii lagu qaaday olole Militari oo degaanadaasi dib loogu soo gelinayao maamulka Dawladda Dhexe ee Ciraaq.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in madaxda Bangiga aduunka ay iminka qorsheynayaan  qaabkii ay uga qeyb qadan lahaayeen kaabayasha kale ee dhaqaalaha dalkaasi Ciraaq ee ku burburay dagaalka sida Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mousil,khadka Tareenada iyo  isgaaarsiinta kale.

Bayaan uu soo saaray Bangiga aduunka ayaa sidoo kale lagu sheegay in  lacago kale oo dheeri isla markaana  gaaraya $ 350 milyan oo deg deg aheyd uu Bangigu ogolaaday in la bixiyo bishii tagtay ee July,lacagtaasi oo iyana loogu tala galay mashaaricda horumarinta Todobo magaalo oo ciraaq ka tirsan kuna yaal Gobolka Diyala.

Bayaanka uu soo saaray bangiga aduunka waxaa kaloo lagu xusay inuu Bangigu kaalin mug leh ka qaadan doono dib u soo nooleynta goobaha Taariikhiga ahaa ee dalkaasi Ciraaq ee dagaalka ku burburay  gaar ahaan magaalada Mousil.

Cidamada Xukuumadda Ciraaq oo kaashanaysa Ciidamada kale ee Isbaheysiga gaar ahaan kuwa Mareykanka ayaa dagaal muddo 9 bilood ka socoday magaalada Mousil  kadib ayu suurta gashay inay kooxda Daacish dib uga qabsadaan.

Masu’liyiinta Ciraaq ayaa ku qiyaasay dib u dhiska magaalada Mousil in uu socon doonto muddo 5-Sano ayna ku bixi doonto Malaayiin Doollar.

W/D: Mukhtar

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ugu Baaqay Warbaahinta Dalka inay ka qeyb qaadato Hormarka

0

Muqdisho (SONNA) Dr: Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ugu horeyn kaga mahad celiyay Warbaahinta Dalka howsha ay u haayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay kaga qeyb qaateen masiibadii 14 Octobar ka dhacday Isgoyska Ex Soobe.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ay tahay in lagu Amaano Warbaahinta Soomaaliyeed daruufaha ay ku shaqeeyaan ayna mudan tahay in lagu amaano doorkii ay ka qaateen gurmadkii loo sameeyay dhibaatadii 14 October.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ay tahay Warar qaar in ay ka fiirsato Warbaahinta Soomaaliyeed aysana ahayn in bulshada loo tabiyo maadaama ay yihiin kuwo gudbinaya muuqaal xun isagoona tusaale usoo qaatay weerarkii maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Al shabaab ay dhawaan ku qaadeen Hotelka Naasa hablood2 ee Degmada Xamarweyne.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu sheegay in looga baahan Wariyaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta Dalka taasina ay ku imaan karto tabinta iyo xaqiijinta Wararka ay bulshada u gudbinaayaan.

Warbaahinta Madaxa banaan ee Dalka ayaa xusid mudan in ay door weyn ka qaadatay horumarinta Dalka inkastoo ay jiraan dhaliilo iyo dal- doloolo yar yar oo ku aadan qaabka tabinta wararka Dalka.

Afar walaalo ah oo Hooyadoood iyo Walaashood ku waayey Qaraxii Soobe ee dhacay 14 Bishii Octoobar

0

Shan sano ka hor Aabahood C/raxmaan Axmed waxaa ay ku waayeen Qarax ka dhacay Xarunta Maxkamadda Sare ee Dalka, Dhowr Todobaad ka horna Musiibadii ka dhacay Soobe ayey ku waayeen Hooyadeed Sacdiyo Axmed Kheyre iyo Walaasheed Ugaaso kuwaas gacanta ku hayey.

Axmed, Xafso,Makaa’iil iyo Rayaan Dhamaantood waa Walaalo isla dhashay hadda waxaa ay joogaan Schoolka ay dhigtaan kaas oo lagu  magacaabo Muqdisho School.

Axmed C/raxmaan iyo Xafso C/raxmaan waxaa ay dhigtaan Fasalka Seddexaad ee Schoolka Hoose.

Balse Rayaan oo ugu yar Caruurtan ayaa dhigata qeybta Xifdinta Qur’aanka, halka Makaa’iil oo ugu weyn uu dhigto Safalka Lixaad.

Maxamed Xasan Cali waa Macalinka Qur’aanka ee Axmed iyo Xafsa Cod 1.

“Inkastoo niyadooda markii Hooyadood dhimatay wax badan isbadashay haddana waxaa ay u soo laabaneysaa si-tartiib tartiib ah runtii taasna waa mahad illah”

Schoolkan lacagta lagu dhigto waa mid sareysa waxaana ka bixin jiray oo keenay Hooyadood taas oo shaqeyn jirtay dhimashadii Abahood kamid Shire Salaad Xasan waa Maamulaha Schoolka Carruutu dhigtaan.

“Awoodeenu waa in aan qiimo dhimis u sameynaa carruurtan lacagta Schoolka ku dhigtaan waxaana rajeynaa in inta Waxbarashadda ka dhameynayaan Schoolka dhigtaan haddii Alle Imdo.

Intaas kadib waxaan raacay Carruurta si’aan u soo arko howga ay dagan yihiin, waxaa lajoogaa xiligii khadada qoraxduna aad ayey u kulushay kaliya waxaa lasiiyey Galaas Galaas Biyo ah oo markaas uun laqasay, Guriga waxaa jooga aan ugu Imid Habaryartood iyo Ayeeyadood xaaladuna aad ayey u adag tahay, Dabku waa shidan yahay lkn wax saaran maleh waxaa ii muuqda Bac qafiif ay ku jiraan waxyar oo Bariis ee ceeriin ah iyo dhowr xabo yaanyo ah.

Caasho Axmed Kheyre waa Habaryarta Carruurtan Agoonta iyo Rajadda ah. “waxaan ka imid xaafadeydii carruurteydiina waxaan uga soo tagay dad islaameed maxaa yeelay waxaa meel cidlo ah ku soo dhacay kuwan aad hadda xaaladooda arragto”.

 

Allah u naxariistee Carruuntan Hooyadood iyo Walaashood waxaa ay meel Shidaalka iyo Caanaha lagu iibiyo kula haayeen Isgowska Zoobe oo 14 Bishii Octobar uu ka dhacday Musiibo aad u weyn halkaas ayeyna ku dhinteen, waxaa hubanti ah in hadda u baahan yihiin garab istaag dhankasta ah si-ay Waxbashadooda u siiwataan una helaan nolol aad u wanaagsan.

WD/Cali Axmed Sheekh.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Al shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Sh/hoose

0

Muqdisho (SONNA) C/fitaax Cabdulle Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ay la wareegeen Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose oo markii hore ay ku sugnaayeen nabad diidka Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa tilmaamay in deegaanada Ciidamdu kala wareegeen maleeshiyada Al shabaab ay yihiin deegaano hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay maleeshiyaadka Al shabaab ku dhibaatayn jireen Dadka Shacabka ah balse hada ay si buuxda Ciidamada Xoogga Dalka ay gacanta ku haayaan ayna Khasaare gaar siiyeen nabad diidkii Al shabaab ee ay kala wareegeen.

Howlgalkan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kula wareegeen Deegaanada ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gulufka Dagaal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in deegaanada yar yar ee maleeshiyaadku kaga sugan yihiin Gobolada Dalka looga gacan maroojiyo.

Muwaadiniin Soomaali ku xirnaa Xabsiyada Tanzania oo la sii daayay

0

Muqdisho (SONNA) Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dadka dadka xabsiyada laga sii daayay ay gaarayaan 20, ayna ku jiraan 4 carruur ah.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku jiray xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania.

Ka dib kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay Berri Subax ama maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa sheegay in ay safaaraddu ku howlan tahay sidii loo sii deyn lahaa ilaa 7 qof oo kale oo howsha sii deyntoodu heer gebo-gebo ah mareyso.

Shirka wadatashiga W/Warfaafinta JFS,Maamul Goboleedyada iyo Warbahinta gaarka ah oo maalintii labaad galay

0

Muqdisho(SONNA) Shirkani oo u dhexeeya Wasaaradaha warfaafinta Heer Federaal iyo Heer Dowlada Goboleed ayaa galay maalintiisi labaada,waxaana la filaya in bari la soo geba gebeeyo,iyadoo laga soo saari doono qodobo muhiim ah.

Ujeedad ugu muhiimsan shirkan ayaa ah sidii la isaga kaashan laha arrimaha warbaahinta dalka iyo sidii wasaaradaha warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka ah ee dalka ay u midayn lahaayeen macluumaadka iyo adeegyada loo qabanayo bulshada iyo in ay noqdaan kuwo wax ku ool ah.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo shirkasi shalay si rasmi ah u furey , ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta ka kala yimid Gobolada dalka oo dhan, dhamaan ururada saxaafada iyo masuuliyinta dawlada federaalka ee madasha ku sugnaa, wuxuu ku ammaanay wasiirada warfaafinta Maamul goboleedyada sida qadarinta mudan ee ay u soo ajiibeen marti qaadkii uu u fidiyay.

“Aan wada tashanno micnaheedu waa aan heshiinno. Shirkan in uu muhiim u yahay horumarinta saxaafadda dalka iyo abuuridda iskaashi buuxa oo u dhaxeeya qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka Soomaaliya. Waxaa naga go’an in aan horumarinno saxaafadda Soomaaliya oo aan gaarsiinno heerarka caalamiga ah. Doodaha la midka ah kuwa aan qorsheynay in ay shirkan ka dhacaan muhiimad gaar ah ayay u leeyahay guud ahaan horumarinta saxaafadda dalka.” Ayuu yiri Eng Yariisoow.

Waxaa kaloo ka hadlay shirka dhamaan wasiirada warfaafinta ee dowlad goboleedyada, wakiilada ururada saxaafadda, guddoomiyaha guddiga warfaafinta iyo isgaariinta ee Golaha Shacabka mudane Khalid Macoow.

“Waxay noo tahay fursad aad u wanaagsan inaan idinkala soo qayb galno shirkan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee JFS, mudane Abdirahman Omar Osman “Yarisow”. Waxaa muhiim ah in Warbaahinta madaxa bannaan muhiimad gaara lasiiyo, Waxaan codsanaynaa in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadaba ay tixgalin siiyaan saxaafada gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan. Warbaahintu, mas’uul kama aha inta badan warbixinada iyo sawirada aan anshaxa saxaafadda waafaqsanayn ee la soo dhigo warbaahinta bulshada (Social Media).” Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Macow, wuxuu sheegay in kulankan uu yahay mid muhiima, shirka maantana uu muujinayo midnimada saxaafadda. Wuxuu la dardaarmay suxufiyiinta dalka oo dhan oo xusay in ay lagama maarmaan tahay in ay si buuxda oo aan leexleexad lahayn u ilaaliyaan anshaxan saxaafadda, iskana ilaaliyaan ku xudgudubka muwaadiniinta, ilaaliyaanna midnimada qaranka,

“Saxaafaddu waa in aysan sheegin war aysan hubin. Xeerka Saxaafadda ee hadda horyaalla baarlamaanka dalka, waxaan ka shaqaynaynaa in uu si waafaqsan shuruucda xuquuqda caalamiga ah ilaaliyo xoriyadda warbaahinta iyo wariyahaba. Waxaana lagama maarmaan ah in mas’uuliyiinta saxaafadda madaxa bannaan ay si gaar ah u dhowraan xuquuqda muwaadiniinta iyo sharaftoodaba.” Ayuu yiri Khaalid Macoow.

Mas’uuliyiinta kale ee shirka ka hadashay, waxaa ka mid ahaa, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaala, Cali Cabdi Awaare, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Warbaahinta Madaxa Banaan. Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Mahad Xasan. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Mudane Maxamuud Cusmaan Masagawa. Wasiirka Warfaafinta Iyo isgaadhsinta Jubaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan. Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed. Farxiya Maxamed Khayre, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Saxafiyiinta ee SWF. Agaasimaha Warbaahinta madaxtooyada Mudane, Cabdinuur Maxamed Axmed. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng. Yarisow”, wuxuu ugu dambayntii kula dardaarmay ka qeybgalayaasha shirka in dhowrka maalmood ee soo socda si wanaagsan u lafaguraan qodobada shirka, xilna iska saaraan in ay shirk aka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo horumarinaya guud ahaan saxaafadda dalka iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhab ah oo dhexmara warbaahinta dalka Soomaaliya.

Dad baabuur lagu laayay Mareykanak

0

New yorka(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada New yorka ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Ugu yaraan siddeed qof ay ku dhimatay magaaladaasi 11 kalena dhaawac halisa uu soo gaaray ka dib markii nin baabuur nooca xamuulka ah wada uu dad ku jiirsiiyay meel  ay maraan dadka baaskiillada wata ee wado ku taalla xaafadda Lower Manhattan.

Waxaa la sheegay in Ninka baabuurka waday ay da’adiisu ahayd  29 jir oo markii uu dadka jiiray ka degay gaariga, waxaana toogasho ku dhaawacay askari boolis ah kadibna laxiray sida ays heegayaan saraakiisha ammaanka.

Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii.

Xog uu helay telefishanka CBS ayaa lagu sheegay in qoraal baabuurka uu ninkaasi waday laga helay ay muujinayso in uu xiriir la lahaa Daacish.

Eedaysanaha oo sida muuqata deganaa gobolka Florida ayaa la sheegay in isbitaal loo qaaday si dhaawaciisa loo dabiibo,waxaana Duqa magaalada New York, Bill de Blasio, uu yiri “wuxu ahaa fal argagixiso oo fulaynimo ah oo lala beegsaday rayid aan waxba galabsan”.

“waanu ognahay in falka looga gollahaa in la nagu niyad jabiyo laakiin waxa kale oo aan ognahay in dadka ree New York ay yihiin dad adag, weligayo fal colaadeed oo looga dan leeyahay in lanagu cabsi geliyo u liici mayno”Ayuu intasi ku daray.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isaguna fariin uu bogiisa Twitter-ka ku qoray waxa uu ku sheegay sidan” waxaan tacsi iyo duco ba u dirayaa dadka ku waxyeelloobay iyo qoysaska dadkoodii ku waayey falka argagixiso ee ka dhacay magaalada New York.