Home Blog Page 1457

Sidee Gobolka Shabeellaha Hoose uga socda howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab?+(Dhageyso)

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee amniga Gobolkaasi iyo howlgalada la doonayo in guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose looga sifeeyo Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab.

Gudoomiye Najax oo ugu horeyn soo hadal qaaday xaalada amniga ee deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay iney tahay mid wanaagsan,islamarkaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay qaadeen talaabooyin looga hortagayo falalka lidi ku ah amniga Gobolka Shabeellaha Hoose.

” Xaalada Guud ee Gobolka wey fiican tahay,ciidamada Xooga dalka Soomaaliya dadaal wanaagsan ayay wadaan oo cadowga runtii looga fogeynayo nawaaxiga degmooyinka Afgooye ilaa iyo nawaaxiga Bariire iyo dhinaca kale ee dhulka xeebta ah iyo laanta buura dhinaceeda,sidoo kale shalan bood iyo buula mareer howlgalo ayaa ka socda,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax).

Wuxuu sheegay Guddoomiye Najax in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab markaan awoodooda ay ku soo koobantay daadinta dhiiga shacabka aan waxba galabsan,isagoo balan qaaday iney guud ahaan Gobolka uu madaxda ka yahay ka sifeyn doonaan haraadiga maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka cusub ee la doonayo in Al-Shabaab looga saaro Gobolka ayuu Guddoomiyuhu sheegay iney qeyb ka yihiin shacabka,islamarkaana door muuqda ay ku leeyihiin,maadama uu tilmaamay in shacabka ay u dul qaadan waayeen gumaadka ay ku hayaan Kooxda Al-Shabaab oo aan u kala saarin carruur,Ciroole iyo Haween.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,kaasi oo la doonayo in guud ahaan dalka looga saaro.

Taliyihii Taraafikada oo Muqdisho lagu aasay

0

Muqdisho(SONNA) Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu aasay Allaha u naxriistee meydka Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, kaasi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda,siihayaha taliyaha ciidanka booliska,odayaal ehelad amarxuumka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan dadkii ka qeybgalay aaskaasi waxaa ay eebe uga baryeen in uu Janadii fardowsa uu ka waraabiyo marxuumka, oo u geeriyooday xanunnka Cancerka oo in muddo ah haayay.

Waxaa uu Taliyuhu geeriyooday xili uu kusugnaa  gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana maydkiisa lagu aasay  maanta  qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho,waxaana aaska kasoo qeyb galey Masuuliyiin iyo saraakiil kala duwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo siihayaha taliyaha ciidanka Booliska ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Jenaraal Cali Maxamed Cali(CaliShariif)

 

Taliyihii Taraafikada oo Muqdisho lagu aasey

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu aasay Allaha u naxriistee meydka Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, kaasi oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaskiisa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala tirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda,siihayaha taliyaha ciidanka booliska,odayaal ehelad amarxuumka iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan dadkii ka qeybgalay aaskaasi waxaa ay eebe uga baryeen in uu Janadii fardowsa uu ka waraabiyo marxuumka, oo u geeriyooday xanunnka Cancerka oo in muddo ah haayay.

Waxaa uu Taliyuhu geeriyooday xili uu kusgnaa  gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana  lagu wadaa in maanta maydkiisa lagu aaso qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho kana qeybgalidoonaan aaskiisa saraakiil kala duwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo siihayaha taliyaha ciidanka Booliska ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Jenaraal Cali Maxamed Cali (Cali Shari)

Wasiirka warfaafinta iyo siihayaha taliyaha Booliska oo ka tacsiyadeeyey geerida Janaraal Cali Shariif

0

Allaha u naxriistee Waxaa  xalay  Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Nabad Galyada Wadooyinka Taraafiko Jenaraal Cali Maxamed Cali, oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu Taliyuhu geeriyooday xili uu kusgnaa  gurigiisa sida ay xaqiijiyeen eheladiisa, waxaana  lagu wadaa in maanta maydkiisa lagu aaso qabuuro ku yaala magaalada Muqdisho kana qeybgalidoonaan aaskiisa saraakiil kala duwan oo katirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiisa Xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo siihayaha taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey geerida Jenaraal Cali Maxamed Cali(CaliShariif)

Militariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Arggagixisada Shabaab

0

Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa sii kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Shabaab,gaar ahaan deegaanada kuyaala xadka ay wadaagaan Shabeelooyinka oo ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu duleedka deegaankaasi ku dhexmaray ciidamo katirsan Militariga Soomaaliya oo howlgalo waday iyo maleeshiyaad katirsan Arggagixisada Shabaab oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in 3 katirsan Shabaab lagu dilay howlgalkaasi halka 4 kalena looga dhaawacay.

Janaraal Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulfka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab oo la doonayo in guud ahaan laga sifeeyo dalka.

Deegaanada howlgaladaasi ka socda ee kuyaala xadka Shabeelooyinka ayaa dhowr jeer Shabaab waxaa ay dhibaatooyin ay ugu geysteen dad ku safrayay wadadaasi.

Howlgal lagu baacsanayo Argagixisada Al-Shabaab oo ka socda Waqooyi Bari Kenya

0

Muqdisho(SONNA) Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya,amaanka Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa si aad ah loo adkeeyay ka dib markii Booliska ay sheegeen iney suurta gal tahay in dagaalyahano ka tirsan Argagixisada weerar bahalnimo ah ka geystaan deegaanada Gobolka Waqooyi bari gaar ahaan magaalada Mandhera oo dhowr jeer ay weerareen.

Saraakiil Ciidamada amaanka Kenya ka tirsan oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay iney jirto fariimo Laamaha amaanka soo gaaray oo sheegaya iney Al-Shabaab qorsheynayaan iney weeraro dhabo gal ah ka sameeyaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi bari Kenya kuwaasoo ay suurta gal tahay iney ku qaadaan Ciidamada amaanka iyo dad rayid ah oo gaadiid ku safraya.

Ciidamo Boolis iyo Militari isugu jira ayaa bilaabay howlgal ka dhan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya dhulka keynta ah ee Kenya gaar ahaan deegaanada Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ku dhow.

Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa la la’yahay halka ay cirib iyo jaan dhigeen ka dib markii dagaalyahano looga shakisan yahay maleeshiyaadka Al-Shabaab weerar ku qaadeen gaadiid Booliska Kenya ay saarnaayeen oo marayay degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hadda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000-Askari oo Qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo ujeedkiisu uu yahay in dalka laga ciribtiro Argagixisada Al-Shabaab nabadna lagu soo dabaalo.

Ururka Al-Shabaab ayaa marar badan weerar dad rayid ah iyo Ciidamo Kenya ka tirsan ay ku dileen ku qaaday Kenya,waxaana ugu darnaa Labadii weerar ay ku qaadeen xarunta Ganacsiga Westgate Mall iyo Jaamacada Gaarisa.

Trump iyo Hoggaamiyaha Shiinaha oo kulmaya

0

Shiinaha(SONNA):-Donald Trump Madaxweynaha  Trump ayaa kulan la qaadanaya dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping, xilli Trump oo ku gudo jiro maalintii labaad ee booqashadiisa uu ku joogo Beijing.

Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu dhiggiisa Shiinaha ka dhaadhiciyo in uu cadaadis ku saaro in ay joojiso barnaamijkeeda Niyuukleerka, arrintaasi oo ah ujeedada ugu muhiimsan ee socdaalkiisa uu ku marayo qaaradda Aasiya.

Waxaa lagu wadaa sidoo kale  in labada hoggaamiye ay ka wada hadlidoonaan arrinta xasaasiga ah ee ku saabsan ganacsiga.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Shiinaha hab dhaqan ganacsi oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Madaxweyne Xi ayaa gelinka dambe ee maanta waxa uu casho sharaf u sameyn doonaa madaxweynaha martida u ah ee Mareykanka.

Madaxweyne Gaas oo arrimo muhiim ah ka dhawaajiyay

0

Garowe(SONNA) Madaxweynaha Cweli Maxamed Cali Gaas Puntland oo warbaahinta kula hadlay  Madaxtooyada Garoowe ayaa ugu horeyn ka hadlay shirkii ay Muqdisho kaga qeybgaleen waxaana uu cadeeyey Madaxweynuhu in qodobadii is afgarad ee kasoo baxay shirkii Muqdisho ay ahaayeen qodobo u hiilinayey fadaraaliisamka, dawladdnimada, dastuurka Soomaaliya iyo wixii kale ee lagu heshiiyey.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi keenay isu soo dhowaansho iyo is afgarad dawladda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah dhexmaray.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa xusay in isaga iyo guddiga gurmadka Puntland ee masiibadii qaraxii Soobe ku wareejiyeen Madaxda DFS iyo guddigii gurmadka qaran ee DFS deeqdii shacabka Puntland ugu tala galeen walaalahooda ku wax-yeeloobey masiibadaasi, deeqdaasi ayaa dhammayd ku dhowaad Nus Malyuun $491, 107 Dollar.

C/weli Gaas wuxuu soo hadal qaaday xadgudubkii dhowaan loogu gasytey magaalada Boosaaso gabadh da’yar, taas oo Wasaaradda Haweenka  iyo Arrimaha Qoyska Puntland si deg deg ah ula tacaashey xaaladdeeda caafimad, iyadoona wakhti xaadirkan lagula tacaalayo cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shakhsigii ka danbeeyey falkaasi sharciga la horgeydoono sida ugu dhakhsiyaha badan, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu maamulka Jubbaland uga mahadnaqay qabashada denbiilihii gaystey falkaasi.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kahadlay mashruuca dhismaha dekedda magaalada Boosaaso,wuxuu sheegay in mashruucaasi horumar iyo wanaag u yahay shacabka Puntland iyo dawladdoodaba, waxaana uu fariin adag u diray Madaxweynuhu shakhsiyaadka carqaladaynaya habsami u socodka dhismaha dekedda magaalada Boosaaso,

C/weli Gaasi ayaa sheegay inay yihiin shakhsiyaad dana gaar ah leh oo aan ka talinayn danta guud ee shacabka ka dhexaysa, isla mar’ahaantaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar u tahay inay kala hadasho kalana fadhiisato ganacsatada iyo dadka wax ku ool ka ah ee arrinkaasi ka qaba fikir.

Shir ku saabsan Tamarta Dalka oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

0

Shirka Horumarinta Tamarta dalka oo ee u dhexeeyay dowladda Soomaaliya, ganacsato iyo deeqbixiyeyaasha caalamka oo labo cisho ka socday magaalada Muqdisho ayaa gunaanadkiisa waxaa la isku afgartay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin, kuwaasi oo kala ah  in la helo siyaasad iyo sharci jaangooynaya horumarka, in la helo shirkadihii fulin lahaa howshaas, in la helo maalgelin gudaha iyo dibadda ah iyo qorshe gundhig u ah horumarinta Tamarta.

Cabdiqaadir Rafiq, Madaxa mashruuca deegaanka iyo Tamarta ee hey’adda UNDP waxaa uu warbahinta qaranka u sheegay in mashruucan uu wax badan u tari doono shacabka Soomaaliyeed, ayna ku faraxsanyihiin qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirkooda.

Wasiirada iyo xubnaha kale ee matalayay maamul goboleedyada dalka ayaa si wada jir ah u tilmaamay in qodobada ka soo baxay shirka ay dhamaantood yihiin kuwa loo baahnaa, ayna diyaar u yihiin dhankooda inay dhaqan geliyaan.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa shirkan qeyb ka ahaa waxayna dhankooda sheegeen in ay soo dhaweynayaan qorshaha lagu horumarinayo Tamarta wadanka.

Hanaanka dhalinta Tamarta wadanka ayaa ah mid matoor loo adeegsado ka sokow in qiimo ahaan sareeyana waxaa uu leeyahay saameyn kale.

Mashruucan oo ay maalgelinayaan hey’adaha iyo dalalka Soomaaliya taageera ayaa loo qorsheeyay in uu socdo shanta sano ee soo aadan, horumarinta Tamarta dalka ayaana ka mid ah waxyaabihii looga hadlay shirkii London ee bishii May la qabtay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo la kulmay R/wasaaraha Masar

0

Raiisul wasaare ku xiggeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Magaaladda Sharma-sheekh kula kulmay Raiisul Wasaaraha Dalka Masar Sherif Ismail Mohamed.

Labada masuul, ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, ayaa ballan qaaday inay dawladdiisu ka caawin doonto Soomaaliya dhammaan arrimahaas ay ka wada hadleen, isagoo sheegay inay mar walba ay barbar istaagayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Dowladda Masar, waxayna ay ka wada hadleyn dhinacyo badan oo arrimaha amaanka ay ugu muhiimsaneyd, waxaana R/wasaare ku xiggeenka Soomaaliya uu Masar kaga qeyb galayaa shirka dhalinyaradda adduunka oo halkaasi lagu qabanayo.