Qoysas Hantidii ay lahaayeen ku waayay gacanta Kooxda Al-Shabaab oo codsi u diray Dowladda+(Sawiro)

Date:

Dhuusamareeb(SONNA) Dadkaan oo gaaraya 450-Qof  kana kooban 170-Qoys una badan Haween iyo Carruur ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud kuwaasoo ka soo barakacay Kooxaha Dabad-diidka ah ee Al-Shabaab ka dib markii ay dheceen Hantidoodii Dadkiina Qaar dileen, Meelaha ugu badan ee dadkani lagu dhibaateeyay waxaa ka mid ah Deegaano Hoostaga degmooyinka Ceel-huur, Hobyo iyo Xarar-dheere Dadka ayaana inta badan Lug ku soo galay Magaalada Dhusamareeb waxaayna soo gooyeen Masaafo dhan 500Km.

Dadkaan ayaa waxa ay codsanayaan in laga Gacansiiyo Hooyga, Cuntada, Dawada iyo waxbarashada waxaana Hadda si ku meel-gaar ah loo dajiyey Iskuulka Hoose ee Xaafadda Waabare kuwaasoo dhibaato xoogan ku qaba halkaasi.

Sh C/raxmaan Cali Maxamuud Baraka-qabe oo ah Hor-joogaha Dadkaan dhibaataysan ayaa waxa uu ka warbixinayaa sida ay ku soo gaareen Magaalada Dhuusamareb oo ay soo Miciinsadeen ka dib dhibaatadii Cadawga Al-shabaab u gaystay.

Wuxuu sheegay in dadkani oo daruufo dhanka nolosha ah ka muuqato ay ka soo carareen Hantidoodii ka dib markii ay u dul qaadan waayeen culeys xoogan oo ay saareen kooxda Nabad diidka Al-Shabaab.

Haweeney ka mid ah dadkaani oo ka hadashay dhibaatada ugu daran ee hadda heysata ayaa waxay ku sheegtay Hooy la’aan iyo waliba waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah,waxayna ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo wax u awoodi karta iney si dhaqsi ah ula soo gaaraan.

Sawir Qaaade:Maxamed Deeq Cabdi Maxamed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...