Qoysas Hantidii ay lahaayeen ku waayay gacanta Kooxda Al-Shabaab oo codsi u diray Dowladda+(Sawiro)

Date:

Dhuusamareeb(SONNA) Dadkaan oo gaaraya 450-Qof  kana kooban 170-Qoys una badan Haween iyo Carruur ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud kuwaasoo ka soo barakacay Kooxaha Dabad-diidka ah ee Al-Shabaab ka dib markii ay dheceen Hantidoodii Dadkiina Qaar dileen, Meelaha ugu badan ee dadkani lagu dhibaateeyay waxaa ka mid ah Deegaano Hoostaga degmooyinka Ceel-huur, Hobyo iyo Xarar-dheere Dadka ayaana inta badan Lug ku soo galay Magaalada Dhusamareeb waxaayna soo gooyeen Masaafo dhan 500Km.

Dadkaan ayaa waxa ay codsanayaan in laga Gacansiiyo Hooyga, Cuntada, Dawada iyo waxbarashada waxaana Hadda si ku meel-gaar ah loo dajiyey Iskuulka Hoose ee Xaafadda Waabare kuwaasoo dhibaato xoogan ku qaba halkaasi.

Sh C/raxmaan Cali Maxamuud Baraka-qabe oo ah Hor-joogaha Dadkaan dhibaataysan ayaa waxa uu ka warbixinayaa sida ay ku soo gaareen Magaalada Dhuusamareb oo ay soo Miciinsadeen ka dib dhibaatadii Cadawga Al-shabaab u gaystay.

Wuxuu sheegay in dadkani oo daruufo dhanka nolosha ah ka muuqato ay ka soo carareen Hantidoodii ka dib markii ay u dul qaadan waayeen culeys xoogan oo ay saareen kooxda Nabad diidka Al-Shabaab.

Haweeney ka mid ah dadkaani oo ka hadashay dhibaatada ugu daran ee hadda heysata ayaa waxay ku sheegtay Hooy la’aan iyo waliba waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah,waxayna ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo wax u awoodi karta iney si dhaqsi ah ula soo gaaraan.

Sawir Qaaade:Maxamed Deeq Cabdi Maxamed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...