Maleyshiyaad ka tirsan Argagixisada Al shabaab oo lagu dilay Shabelaha Dhexe

Date:

Degaanka Basra ee gobolka Shabelaha dhexe ayaa saaka howlgal balaaran oo ay ka sameeyeen ciidammada xoogga dalku waxaa ay ku dileen tiro ka tirsan maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab kuwa kalena waa ay dhaawacmeen kuwaas oo isku dayay in ay ka horyimaadaan gulufka balaaran ee ciidanku ay halkaa ka wadeen.

inta la xaqiijiyay 3 ka mid ah maleyshiyaadka la marin habaabiyay ayaa dhimatay afar kalena waa ay dhaawacmeen ka dib weerar ay ciidanka xoogu ku qaadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalaa degaankaas Basra waxaana jira maleyshiyaad nolosha lagu qabtay.

“ciidanku waxaa ay sameeyeen howl gal lagu sifeynayo cadawga waxaa ay dileen sadax maleyshiyo afar kalena waa ay dhaawaceen waxaana hadda wali ay sii baacsanayaan firxadka kuwii cararay waxaa jira tiro maleyshiyo ah oo aan qabanay intii howl galku socday”ayuu yiri Abaan duulaha ciidanka xoogga dalka Gen Cabdullahi Cali Caanood.

waxaa uu qayb ka yahay howl galo balaaran oo ciidanku dhawanahaanba ay ka wadeen Gobolada shabeelooyinka sida uu sheegay abaan duuluhu waa sii soco doonaa ilaa la cirib tirayo cadawga dhibaateynaya shacbiga Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...