Taliska Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in wax badan laga bedalayo sugida Amniga Muqdisho

Date:

Muqdisho(SONNA) Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadlayay Xaunta Tabarka Ciidanka Booliska ee General kaahiye ayaa sheegay in sugida amaanka magaalada Muqdisho wax badan laga badalayo.

General Muqtaar Afrax ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku la imaanayaan qorshayaal cusub si kor loogu qaado amaanka Magaaladda, Shacabka ayuu ka codsaday inay gacan siiyaan Booliska taasina wax kasta ku hagaagi karaan,.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay Ciidanka Booliska inay kashaqeeyaan isdhexgalka Ciidanka iyo Shacabka oo door muhiim ah ka qaadan karta hagaagsanaanta amniga magaalada.

Dhanka kale, Ku simaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Muqtaar Afrax ayaa sheegay inay sameyn doonaan saanaadiiq ay dadka ku ridayaan figradahooda iyo qaabka hormarinta Amaanka .

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wada howlgalo lagu sugayo Amaanka Muqdisho iyo sidoo kale qeybo badan oo kamidda Goboladda Dalka .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...