Maydka Taliyihii Ciidanka nabad galyada wadooyinka oo Muqdisho lagu Aasay

Date:

Allaha unaxariistee taliyihii Ciidanka ilaallada nabadgalyada wadooyinka ee Trafico Gen Cali Maxamed Cali “Cali Shariif oo maalmihii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho ayaa saaka ku geeriyooday Caasimada waxaana aaskiisa ka qayb galay mas,uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Xubnaha Mas’uuliyiinta ka qayb galay aaska Marxuumka waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Eng Yiriisow sii hayaha taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka waxaa ay ka tacsiyeeyeen geerida ku timid Marxuumka.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada Taabit Cabdi Maxamed ayaa Bulshada Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan qooskii uu ka baxay uga tacsiyeeyay marxuumka Gen Cali Shariif waxaana uu allaah uga baryay inuu u naxariisto.

Gen Cali Shariif waxaa uu u geeriyooday Cudurka Canserka oo uu in mudo ahba la xanuunaa horay waxaa uu u soo noqday taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir waxaana uu xilka Traafikada kala wareegay Taliyihii Hore Gen Cali Gaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...