Militariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay maleeshiyaada katirsan Arggagixisada Shabaab

Date:

Muqsisho(SONNA) Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa sii kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Shabaab,gaar ahaan deegaanada kuyaala xadka ay wadaagaan Shabeelooyinka oo ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu duleedka deegaankaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo howlgalo waday iyo maleeshiyaad katirsan Arggagixisada Shabaab oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in 3-ka tirsan Shabaab lagu dilay howlgalkaasi halka 4-kalena looga dhaawacay.

Janaraal Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab oo la doonayo in guud ahaan laga sifeeyo dalka.

Deegaanada howlgaladaasi ka socda ee kuyaala xadka Shabeelooyinka ayaa dhowr jeer Shabaab waxaa ay dhibaatooyin ay ugu geysteen dad ku safrayay wadadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...