Home Blog Page 1455

Nin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha garsoorka Maxkamadda Hague

0

New York-(SONNA)-Golaha guud ee Qaramada midoobay ayaa mar kale u doortay inuu ka mid ahaado garsoorka guud ee Maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf  oo Maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay, ayaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi.

Abuukar Daahir Cusmaan safiirka soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay inuu Garsoore C/qawi ku guuleystay Cod aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Garsoore Cabdulqawi horay usoo ahaa Guddoomiye ku xigeenka,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo Guddoomiye sida uu sheegay Amb:Abuukar Cusmaan.

Maxkamadda dembiyada Caalamiga ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ayaa imminka Gacanta ku haysa kiiska muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xigasho: VOA

Nin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha garsoorka Maxkamadda Hague

0

Golaha guud ee Qaramada midoobay ayaa mar kale u doortay inuu ka mid ahaado garsoorka guud ee Maxkamadda dembiyada caalamiga ee ICC.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf  oo Maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa Sagaalkii Sano ee lasoo dhaafay, ayaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi.

Abuukar Daahir Cusmaan safiirka soomaaliya u fadhiya QM ayaa sheegay inuu Garsoore C/qawi ku guuleystay Cod aqlabiyad ah, iyadoo ay aad u bogaadiyeen dhammaan wakiillada 193-da waddan ee ka qayb galay doorashadaasi.

Garsoore Cabdulqawi horay usoo ahaa Guddoomiye ku xigeenka,waxaana lagu wadaa in horraanta 2018-ka uu noqdo Guddoomiye sida uu sheegay Amb:Abuukar Cusmaan.

Maxkamadda dembiyada Caalamiga ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ayaa imminka Gacanta ku haysa kiiska muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xigasho: VOA

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo kormeeray Jaamacadda Khayre ee Baydhabo

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kormeeray Jaamacadda Khayre University ee Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ahna Caasimada KMG ah ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Kormeerka ay Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya kuwaa soo booqday qeybaha kala duwan e Jaamacadda.

Xildhibaanada kormeerka ku tagay Jaamacada Khayre University ee Baydhabo ayaa waxaa hugaaminaayay Xildhibaan Idiris Cabdi dhaqtar oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Jaamacadda Khayre University ee Magaalada Baydhabo ee Xauunta Gobolka Baay ayaa hirgaliyay R/wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre waxaana Jaamacadda si lacag la’aan ah Wax kaga barta Arday gaaraysa 150 kuwaa soo ka soo jeeda qoysas dan yar ah.

Siraaji shiikh Isaaq Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee Gobolka Baay ayaa soo sheegaya in Jaamacadda Khayre University ee Magaalada Baydhabo in Xildhibaanadu xogwareysi la yeesheen Howl wadeenada Jaamacadda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay R/wasaaraha Masar

0

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada Fadaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khaddar iyo wafdi ay kamid yihiin wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiir ku xigeenka  dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo agaasimaha waaxda carabta ee wasaarada arrimaha dibada oo mudo sadax cisho ku sugnaa magaalada Sharma Sheikh halkaas oo ay uga qeyb galayeen shirka dhalinyarada caalamka oo sanadkaan ay marti galisay dowladda Masar aya dalka dib ugu laabtay.

ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumada fedaraalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar  ayaa marka hore u mahad celiyay safaaradda Soomaaliya ee Masar waxana uu iiga warbixiyay kulamadii uu la yeeshay madaxweynaha masar C.fitaax Siisi iyo raiisul wasaaraha masar Sharif Ismaciil Maxamed intii uu ku sugna magaalada Sharma Sheikh.

“ugu horeyn waxan rabaa inan munaasabadaan ugu faa’ideysto una mahad celiyo marka u horeysa safaarada Soomaaliya ee qaahira safiir ku xigeenka Ilyaas Sheikh iyo masuuliyiinta kale ee safaarada oo runtii aad iyo aad inoo soo dhaweeyay inta joognay Sharma Sheikh, waxan fursad u helay inan la kulmo madaxweynaha masar C.fitaax Siisi oo waqti dheer wada qaadanay, arrimaha soomaaliya aya ka wada hadalnay sida labada dal ay isaga kaashan karaan oo gacmaha isku qabsan karaan, balamihii madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa markii ay masar so gaareyn u qaadeena uu diyaar u yahay inu fuliyo waxyaabo badan, inagu dabagalkeedu nagu xiran yihiin,waxa kale oo aan fursad u helay inan la kulano ra’iisul wasaaraha masar Sharif Ismaciil Maxamed, Masar waxay dooneysa dhowr meel oo waaweyn oo ilaha dhaqaalaheenna ku xiran inay gacan saar nagala yeeshan oo ay ka mid tahay xoolaha,kaluumeysiga ,beeraha, biyaha iyo tamarta, dhinac walba ayey diyaar u yihiin, inan gacamaha isqabsano oo iskaashi ka yeelano”

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayay aya dalka dib ugu laabtay kadib marku so gabagaboobay maalintii khamiista shirkii dhalinyarada caalamka ee ka socday magaalada Sharma Sheikh.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo heshiis la gashay Wasaaradda Waxbarashada Bagistaan

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan oo wareysi gaara siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay heshiis waxbarasho la galeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka Bagistaan.

Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu hugaaminaayo ayaa dhawaan gaaray Dalka Bagistaan ayaa tilmaamay in socdaalka ay ku gaareen Bagistaan uu yahay mid lagu xoojinaayo Waxbarashada Dalka Soomaaliya.

Wasiir C/raxmaan  ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Tacliinta Sare ee Dalka Bagistaan ay ka go,an tahay Xoojinta Waxbarashada Soomaaliya isagoona in Soomaaliya ay ka faa,idaysanayso Taageerada Caalamka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga Hadlay Amniga iyo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran qaar kamid ah Dalalka Caalamka “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), 9 November 2017—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa: arrimaha amniga dalka, maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku xiran, iyo ansixinta siyaasado qaran.

Ugu horreyntii Golaha wasiirradu waxay warbixin la xiriirta ammaanka dalka ka dhegeysteen Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isagoo wasiirku sheegay in xaaladda ammaanku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana, la qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo la qabtay kooxo ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka. Wasiirka ayaa xusay in waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda lagu xuray kaamiradaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda inay si degdeg ah u bixiso lacag dhan hal malyuun oo doollar oo dawladdu ugu yaboohday dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii argagaxiso ee 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran caalamka ka dhegeystay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caddaalada Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Mudane Xasan Xuseen Xaaji, waxayana sheegeen in dhinaca Soomaaliya dhammeeyeen tallaabooyinka loo baahan yahay si loo meelmariyo heshiis ku saabsan maxaabiista oo ay la galeen dalka Hindia, balse, ay dhiman tahay in dhinaca dalka Hindia uu mariyo heerarka iyo hanaanka dawladnimo si loo fuliyo heshiiskaasi. Sidoo kale, wasiiraddu waxay warbixintooda ku sheegeen inay wada-hadal la fureen dalal kale oo ay ku xiran yihiin maxaabiis Soomaaliyeed, kana mid yihiin Imaaraadka, Tansaaniya, Suudaan, Yuugaandha, Liibiya iyo Cummaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey shirkii Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobolleedyada ee ka dhacay Muqdisho, wuxuna tilmaamay in guul iyo is-afgarad uu ku dhammaaday, isagoo dhinaca kale tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha golayaasha deegaanka iyo dawladaha hoose ee dalka si loo daadajiyo maamulka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa markii ay dhegeysteen, isla markaana ay ka doodeen meelmariyey siyaasadaha qaran ee dhalinyarada iyo maareynta musiibooyinka, oo ay soo gudbiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaaradda maaraynta masiibooyinka.Siyaasadahan ayaa wax-badan ka tari doona wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aafooyiinka soo noq-noqda ee dalkeena halakeeya.

—DHAMMAAD—-

Guddomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa kula kulmay Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SONNA), Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,  Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya, Veronique  Lorenzo oo ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku qotoma xaaladdaha dalka.

arrimaha ay ka wada hadleen Guddoomiyaha iyo Safiirku, waxaa ka mid ah dhameystirka Dastuurka Qaranka iyo sidoo midowga Yurub uu door muuqda uga qaadan lahaa guddomiye jawaari ayaana u sheegay Danjiraha in dowladda Soomaaliya ay dib u eegista dastuurka ku saleyn doonto baahida iyo rabitaanka Bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Yurub ay ka go,antahay in Soomaaliya ay la garab istaagaan taageero dhinacyo badan sida in Qubaro loo soo diro Soomaaliya iyo taageero maaliyadeed intaba si dastuurka loo dhameystiro.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mr Jawaari, ayaa sidoo kale la kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska u Qaabilsan Soomalaiya oo uu kala hadlay sidii dowladda Britain usii kordhi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka JFS oo maanta kulan isugu yimid

0

Kulanka 14 aad ee guddiyada joogtada ah golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha, mudane Cabdi wali Muudey, iyaddoo looga hadlay kulanka maanta dib u eegista qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

kulanka oo xubnaha guddiyadu ay dood ka yeesheen xeerka, ayaa waxaa gaba gabadii la hadlay saxaafada xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay in la isla gartay in qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka ay xubanaha guddiyadu soo aqristaan,  isla markaana la isku soo laabto maalinta axada ah si talo soo jeedin loo sameeyo.

guddiyadda, ayaa qaadan doona waqti kooban oo ay ku soo akhristaan xeerkaan qabyada ah waxaana aqrinta ka dib la horgeyn doonaa golaha shacabka si loo ansixiyo oo uu u noqdo xeer ay ku shaqeeyaan goluhu.   

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga Hadlay Amniga iyo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran qaar kamid ah Dalalka Caalamka

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa: arrimaha amniga dalka, maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku xiran, iyo ansixinta siyaasado qaran.

Ugu horreyntii Golaha wasiirradu waxay warbixin la xiriirta ammaanka dalka ka dhegeysteen Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isagoo wasiirku sheegay in xaaladda ammaanku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana, la qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo la qabtay kooxo ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka. Wasiirka ayaa xusay in waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda lagu xuray kaamiradaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda inay si degdeg ah u bixiso lacag dhan hal malyuun oo doollar oo dawladdu ugu yaboohday dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii argagaxiso ee 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran caalamka ka dhegeystay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caddaalada Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Mudane Xasan Xuseen Xaaji, waxayana sheegeen in dhinaca Soomaaliya dhammeeyeen tallaabooyinka loo baahan yahay si loo meelmariyo heshiis ku saabsan maxaabiista oo ay la galeen dalka Hindia, balse, ay dhiman tahay in dhinaca dalka Hindia uu mariyo heerarka iyo hanaanka dawladnimo si loo fuliyo heshiiskaasi. Sidoo kale, wasiiraddu waxay warbixintooda ku sheegeen inay wada-hadal la fureen dalal kale oo ay ku xiran yihiin maxaabiis Soomaaliyeed, kana mid yihiin Imaaraadka, Tansaaniya, Suudaan, Yuugaandha, Liibiya iyo Cummaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey shirkii Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobolleedyada ee ka dhacay Muqdisho, wuxuna tilmaamay in guul iyo is-afgarad uu ku dhammaaday, isagoo dhinaca kale tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha golayaasha deegaanka iyo dawladaha hoose ee dalka si loo daadajiyo maamulka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa markii ay dhegeysteen, isla markaana ay ka doodeen meelmariyey siyaasadaha qaran ee dhalinyarada iyo maareynta musiibooyinka, oo ay soo gudbiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaaradda maaraynta masiibooyinka.Siyaasadahan ayaa wax-badan ka tari doona wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aafooyiinka soo noq-noqda ee dalkeena halakeeya.

—DHAMMAAD—-

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka JFS oo maanta kulan isugu yimid

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka 14 aad ee guddiyada joogtada ah golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha, mudane Cabdi wali Muudey, iyaddoo looga hadlay kulanka maanta dib u eegista qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka.