Home Blog Page 1374

Mareykanka iyo Iiraan oo is dhaafsaday hadalo kulul ee ku aadan dibadbaxyada ka socda Iiraan

0

Dalka Iiraan ayaa waxaa sii kordhaya banaan baxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya Dalkaasi,kuwaasi oo salka ku haya mid loooga soo horjeedo cadaadis la sheegay in shacanku ay kala kulmayaan dowladda Dalkaasi.

Ilaa 2 qof ayaa lagu soo waramaya in lagu dilay magaalo lagu magacaabo Dorud  oo ku taala Galbeedka Dalkaasi Iiraan,sida ay muujinayaan Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Magaalada Abhar, oo ku taalla waqooyiga dalkaasi dibad baxayayaasha ayaa gubay tabeelo uu ku dhaganaa sawirka hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan , Ayatollah Cali Khamenei.

Caasimadda Tehran, ayaa waxa ay dibad baxayaasha ay isgu soo baxeen bartamaha magaaladaasi waxa ayna booliiska iyo militariga ay ugu baaqayeen in ay ku soo biiraan.

Dhanka kale Madaxwaynaha Mareykanka Donald  Trump ayaa bartiisa tweetarka ku qoray in xukumadaha wax cadaadiya aysan sii waari doonin.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in hadalka Trump uu u muuqdo in uu yahay fursad ka faa’idaysi iyo khiyaamo.

Madaxwaynaha mareykanka ayaa horey u dhaliilay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la galeen wadamada quwadaha waawayn.

Magaalooyiinka qaar waxaa isku dhacay dibad baxayayaasah iyo booliiska,iyadoo sidoo kale shalay caasimada Tehran uu dhacay dibadbax lagu taageerayay xukuumada Iiraan.

MAQAAL: Maxaa u qabsoomay Dowladda sanadka dhamaaday ee 2017?

0

Inkastoo ay badan yihiin waxyaabihii u qabsoomay Dowladda, balse waxaan halkaan ku soo bandhiheynaa qoraal kooba oo aan kaga hadlayno waxyaabihii u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bishii Janaayo ee sanadka 2017, waxaa qabsoomay Doorashooyinka Labada Aqal, ee kala ah Mudanayaasha Golaha Shacabka iyo Senetarada Aqalka Sare, waxaa xiigay Doorashadii Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, taasi oo dhacday 8-dii bishii Febraayo, waxaana xigay inuu isna magacaabo Ra’iisul-wasaare oo u doortay Xasan Cali Kheyre, isna waxa uu magacaabay Golihiisa Wasiirada.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda waxay xoogga saareen wax ka qabashada Abaarihii markaasi ka jiray Dalka, kuwaasi gurmad u galay sidii ay u samatabixin lahaayeen Dadkii ku xoolo beelay Abaartaasi, waxaay kaloo xoogga saartay sugidda ammaanka, waxaa kaloo wax laga taaban karaa inay kobcisay dhaqaalaha, islmarkaana ay la dagaalantay Musuqmaasuqa, Dowladda wanaag-na ay samaysay iyo inay xoojisay xiriirka dalka iyo Wadamada Caalamka iyo Hey’adaha Caalamiga ah. waxaa kaloo jira inay gogol xaar fiican u sii sameysay doorashada qof iyo cod ee sanadka 2021-ka.

Dowladdu waxay kaloo si weyn u maareeyasay Dhibaatadii ay geysteen Kooxaha nabad-diidka ah, kuwaasi qarax la beegsaday shacab Soomaaliyeed oo waxba galabsan, kaasi oo dhacay 14-kii Oktoober, iyadoo Xukuumaddu iyadoo kaashaneysa Ummadda Soomaaliyeed iyo Wadamada aan Saaxiibka nahay ku guuleysteen inay wax u qabtaan Dadkii ay Masiimadaasi wax ku noqday.

Dhinaca Ammaanka: Dowlladdu waxay xoogga saartay amniga Dalka Gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, waxayna bishii May meelmarisay qorshaha loogu magac daray Xasilinta Magaalada Muqdisho, iyadoo la howlgaliyay 1.500 Askari.

May 11-keedii waxaa shir lagu qabtay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska, kaasi oo lagu taageerayay Ciidanka Soomaalida, bishii Agusto waxay Dowladda isku soo dhiibay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, islamarkaana heshiis la gashay Dowladda.

Bishii Disember waxaa Muqdisho lagu qabtay shirkii amniga iyo iskaashiga Caalamka iyo Soomaalida, kaasi oo looga wada hadlay arrimo khuseeya amniga, nabadda,siyaasadda iyo horumarka.
Dowladda Turkiga oo ay saaxiibo dhow yihiin Soomaaliya ayaa ka furay Dalka Saldhig Millitari, kaasi oo lagu tababaro Ciidanka ay yeelaneyso Dowladda, waxaana goor dhow ka soo baxay Ciidan iyo waliba qalabkooda, waxaa kaloo jira Ciidan ay gacanta ku hayaan Immaaraatka Carabta.

Dhinaca Xiriirka Caalamka : Dowladdu waxay guul ka soo hoyday shirkii Caalamiga ahaa ee ka lagu qabtay London, taasoo ay ka mid ahaayeen in qorshaha horumarta Qaranka lagu saleeyo mashaariicda ay bixiyaan deeqbixiyayaasha. waxaa kaloo Dowladdu u guuleysatay inay dib Dalka ugu soo celiso Maxaabiix Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa Wadamada Caalamka iyo kuwa kale oo heshiisyo lala galay sida Hindiya iyo Jasiiradda Siishalis, iyo kii ka dhacay Muqdisho, kaasi oo daba jooga Shirarkaasi.

6-dii bishii Juun Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhex-dhexaadnimo ka qaadatay muranka ka jira Wadamada Xunaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ay isku hayaan Xulufo uu Sacuudiga hoggaamiyo iyo Qadar. waxaa kaloo ka mid ah waxayaabaha ay Dowladdu ku talaabsatay in soomaaliya ay heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Maraykanka bishii Disember 5-teedii , kaasoo dhigayay in Soomaaliya la siiyo 300 Malyan oo Doolarka Maraykanka ah, lacagtaasi oo loogu talagalay dhinaca horumarka.

Waxaa kaloo ka mid ahaa horumarka ay ku talaabsatay Dowladda inay heshiis la gashay Boqortooyada Sacuudiga, kaasoo ay u balanqaaday in Dalka ay ka sameyn doonto dib u dhisid Dhismayaasha Dowladda, Jidadka isku xira Gobolada Dalka, dib u howlgalinta Safaaradooda ay ku laheyd Muqdisho iyo inay kaabto Mushaaraadka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda, sidoo kale Dowladda Qadar ayaa iyana ballan qaaday dhismaha Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, tan Muqdisho iyo Jowhar, dayactirka Dhismihii Xaruuntii Xisbiga, taasi uu sheegay Raiisul-wasaaraha inay noqon doonto midda ay ku shaqeynayso Xukuumadda, dhismaha Wasaarada Qorsheynta, Machadka Dibloomasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo kuwa kale.

Dhinaca Dhaqaalaha: Dowladdu waxay Baarlamaanka hor dhigtay hindise sharciyeedyo wax badan ka badeli kara dhaqaalaha Dalka, kuwaasi oo qaar ka mid ah la ansixiyay, kuwa kalena la filayo in la ansaxiyo, Golaha Shacabka ayaa ansaxiyay bishii Nofember 13-keedii shariga la dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaa kaloo jira in la joogteeyay bixinta Mushaaraadka iyo Gunnooyinka Hey’adaha Amiga iyo Shaqaalaha Rayedka, waxaa kaloo jira in ay Dowladdu ku guuleysatay in dib loo soo celiyo maamulidda Hawada Soomaaliya, taasoo gacanta Dowladda ka maqneyd muddo ku dhow 27 sano, waxaana lagu macneeyay dib u soo celinteeda in dib loo soo celiyay Qaranimada Soomaaliya.

Hey’adda Lacagaha Adduunka ee IMF, ayaa qiimeysay waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, taasoo la raacayo barnaamijka SMP, oo ah kormeer ay sameeyeen shaqaalaheeda, iyadoo lagu tilmaamay mid lagu qanacsan yahay qaabka Daah-furnaanta Maaliyadeed ee sanadka 2017. Waxayaabaha kale ee sanadka 2017 ,la qabtay ee ku aadan dhinaca dhaqaalaha ayaa waxaa ka md ah ansaxinta Miisaaniyaddii 2017, xisaab xirkii miisaanayaddii sanadkii 2016-kii iyo soo gudbinta iyo meel marinta Golaha Shacabka ee Miisaaniyadda 2018-ka.

F.G: haddii aan wada sheegin dhammaan waxqabadka Dowladda, waa ka cudur-daaraneynaa.

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo ka hadlay Darbiga Kenya ka dhisayso xadka Soomaaliya

0

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Darbiga Dowladda Kenya ka dhisayso xaduudka ay wadaan Soomaaliya iyo kenya.

Guddiga ayaa sheegay in arrintaasi tahay mid aan loo dulqaadan karin ayna abuurayso xasilooni siyaasayeed oo ku salaysan kala fageynta labad dowladood.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in iyadoo ka duulaysa weerara Maleeshiyaadka Nabad iyo noolal diidka ah ee Al shabaab ku qadaan Dalkooda ay dhisayso Darbi hasa yeeshee Dowladda Federaalka ayaa ka biyo diiday go,aanka Dowladda Kenya.

Dhanka kale Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Cambaareeyay Weerarkii shalay lagu qaaday Hoyga Muqdisho uu ka degan tahay Senater Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid sheegayna inuu ahaa mid iska horkeena Bulshada Soomaaliyeed.

30 qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Kenya.

0

Wararka ka imaanaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in shil gaari oo geystay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhawac uu ka dhacay Dalkaasi.

Sida uu qorey wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Kenya,Inta la ogyahay 30 qof ayaa ku geeriyootay 18 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah uu ku dhacay gaari Xamuul ah.

Shilkani ayaa waxaa uu ka dhacay bartamaha Dalka Kenya,gaar ahaan magaalaad Eldoret ee Gobolka Nkuru ee Dalkaasi Kenya.

Gariga Xamuulka ah ayaa ka yimid Nakuru halka gaariga kale ee siday dadka Rikaabka ah uu ka yimid magaalada Busia, ee isla gobolkaasi.

Hay’adda Laan Qeyrta Cas ee Dalka Kenya ayaa sheegtay in ilaa 18 qof ah ay sidoo kale dhaawacyihiin kuwaasi oo la dhigay isbitaalada Dalkaasi Kenya.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa sheegaysa in Baska xiliga shilka uu dhacayay uu ku socday waddo qaldan,oo aan ahayn wadadiisa saxda ahayd,taasi oo keentay shilkaasi oo dad badan ay ku waxyeeloobeen.

Ciidamada xooga dalka uu qayb wayn ka qaatay in la adkeeyo amaanka magaalada gaalkacyo

0

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka soconaya howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo laguna adkaynayo nabad geliyada magaaladaasi.

Howlgalka ayaa sii kordhay markii dhawaan ciidamo gaar ah oo isku dhaf ah loo sameeyey magaalada Gaalkacyo,iyadoo Taliyaha qeybta 21-aad ee  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed uu faahfaahin ka bixiyay howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka oo laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo.

Janaraal  C/llaahi Maxamed Xuseen Ciro oo warbahinta lahadlay ayaa xusay in bulshadda Magaalada Gaalkacyo si wanaagsan ula shaqeeyeen Ciidamada xoogga dalka intii wadeen howlgallada.

Taliye Ciro ayaa intaasi ku daray in ciidamada isku dhafka ah ay talaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo isku dayda in ay dhibaato ka geysata magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wixii ka dambeeyey markii Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Garod uu dhawaan sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka qeyb qaadan doonaan Xasilinta gobolka Mudug, waxaa la dareemayay isbedelo dhanka ammaanka ah.

Dowladda Soomaaliya Oo Baaritaanno Kadib Ka Hadashay Weerarkii Hoyga Senetor Cabdi Qeydiid

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaritaanno kadib ka hadashay falkii ay ciidammo ku galeen hooyga uu Senetor Cabdi Xasan Cawaale Qeeydiid oo ah guddoomiyaha guddiga labada aqal ee Baarlamaanka JFS u qaabilsan dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow oo shacabka kala hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in ayada oo la fulinayo amarka madaxweynaha la qaaday tallaabooyin looga jawaabayey falkii lagu galay hooyga Senetor Cabdi Qeeydiid.

Wasiirka ayaa tilmaamay in loosoo qabtay falkaasi ciidammo tira badan iyo saraakiil isla markaana uu socdo baaritaan maadaama uu falkani yahay fal ugub ah oo lagu abuurayo qal qal gelin waxaana uu si aad ah carabka ugu adkeeyey in madaxda sare ee Dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ay ka mideysan yihiin in falka noocaan ah la sameeyo baaritaan dhab ah islamarkaana shacabka lala soo wadaagi doono.

Golaha Aqalka Sare oo maanta ka doodaya habraaca xeerka Miisaaniyadda Dowladda ee 2018.

0

Mudanayaasha  Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay yeehsaan kulankoodi caadiga ahaa,kaasi oo ay kaga kadlayaan howlaha horyaala.

Golaha Aqalka sare ayaa waxaa maanta uu ka doodayaa habraaca xeerka Misaaniyadda Dowladda ee 2018,Cabaasi Maxamed Faarax oo warbaahinta Qaranka u qaabilsan Aqalka Sare ayaa sheegay in maanta Golaha Aqalka sare kulankiisa uu ku saabsan yahay arrimaha miisaaniyadda Dalka.

Waxaa  Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ay ka koobantahay lacagtan  274 malyan,taasi oo horey ay u soo ansixiyeen xildhibaanada Goalaha Shacabka ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.

Akhriso: War-Muriyeedkii laga soo saaray shirkii goleyaasha sharci dejinta

0

Waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabo gabeeyay Shir ay lahaayeen Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Gudoonada Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka.

Kulanka lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo ayaa Ujeedkiisu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’adahaxeer-dejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qorsheynta xal u helidooda, iyo dib-u-eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta.

Halkan ka Akhriso War Murtiyeedka kasoo baxay Shirka Baydhabo

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta Soomaaliya

26-29 Diseembar 2017

Baydhabo

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta ayaa kulankoodii 4aad ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed 26kii ilaa 29ka Diseembar 2017 waxaana ka soo qaybgalay:

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Guddoomiye ku-xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Puntland:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi

Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubaland:

Guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dawladgoboleedka Jubaland Mudane Adan Khaliif Xaaji Yuusuf

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Galmudug:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Cali Gacal Casyre

Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdiqaadir Sharif Sheekhuna Maye

Guddoomiye ku- Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin

Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur GalbeedMudane Aweys Xuseen Macalin

Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele Mudane Sheikh Cusman Bare Maxamed

Ujeedada kulanka 4aad wuxuu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’adahaxeer-dejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qorsheynta xal u helidooda, iyo dib-u-eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta.

Afhayeenadu waxay mahadnaq iyo boogaadin u jeediyeen Golaha Xeer-dejinta ee Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed soo dhoweynta diirran iyo martigalinta qiimaha badan muddada uu kulanku ka socday Xarunta KMG ah Koonfurgalbeed ee Baydhabo. Ka qeybgalayaasha kulanka 4aad ee Afhayeenada waxay fursad u heleen kormeeridda xarumaha hay’adaha Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed, waxaana farxad weyn noo ah horumarka muuqda ee muddada kooban ugu hirgalay Dowlad – Goboleedka iyo shacabka Koonfur-Galbeed.

Kulankan 4aad waxaa diiradda lagu saaray baahida guud iyo baahiyaha gaar ahaaneed ee Golayaasha Xeer-dejinta, waxaana lagu diyaariyey nuqul-qoraal soo koobaya baahidda Gole walba leeyahay iyada oo la isla gartay in si wadajir ah xal loogu raadiyo caqabadahaas, hortabinna la siinayo hadba sida loo kala baahi badan yahay, gaar ahaan Golayaasha dhowaan dhismay sida Hirshabelle iyo Galmudug.

Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in kulan wadajir ah lala yeesho hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha sida tooska ah ula shaqeeya Golayaasha Xeer-dejinta horraanta sanadka 2018.

Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in dib-u-eegis iyo toosin lagu sameeyo mashruuca tayo-dhisidda Golayaasha (Parliament Support Project) si loo waafajiyo baahiyaha hortabinta u leh Golayaasha Xeer-dejinta.

Waxaa lagu heshiiyey in lagu dhiirigaliyo, garabna lagu siiyo hay’adaha fulinta heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed dardargalinta iyo dhamaystirka arrimaha ka dhiman federaaleynta dalka.

Waxaa kulankan lagu guddoonsaday xoojinta xiriirka guddiyada Golayaasha ee isku shaqada ah, sare u qaadidda tababarada wadajirka ah ee xubnaha iyo shaqaalaha Golayaasha, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsi ku dhisan in Gole walba garab ku siiyo Golaha uu ka hor dhismay ama ka khibrad iyo tayo roon yahay.

Waxaa la isku afgartay in la dhiirigaliyo addeegsiga tiknoolojiyada casriga ah ee isgaarsiinta (Video Conferencing Technology) si xiriirka, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsigu u noqdo joogto.

Waxaa la isla qaatay in Gole walba wadatashi isugu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalmadda ‘SHARCI-DEJINTA’ iyada oo kulankan lagu soo Jeediyey inay ku habboon tahay lana dhiirigaliyo adeegsiga kalmadda ‘XEER-DEJINTA’.

Si waafaqsan qodobka 6aad ee Heshiiska Isafgaradka Golaha Afhayeenada, kulanka 5aad wuxuu ka dhici doonaa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Abriil 2018.

Taliyaha Xoogga oo ka hadlay falkii Hoyga Cabdi Qeybdiid lagu galay

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Cabdi wali Gorod ayaa ka hadlay falkii lagu weeraray maanta guriga General Cabdi Qeybdiid.

General Gorod oo gaaray guriga Cabdiqeybdiid ee ay ciidamadu galeen ayaa halkaa kula kulmay Senator Qeybdiid waxana ay ka wadahadleen dhibaatada soo gaartay guriga Senatorka

Taliyaha ayaa ku tilmaamay falkii lagu galay laguna baaray guriga Senatorka fal xun waxana uu sheegay in lala xisaabtami doono ciidankii weerarkaas fuliyay.

Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada howlgalkaan sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay weerar fool xun oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada.

Deg Deg: Madaxweynaha oo amray in la baaro falkii lagu galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay fal sharci darro ah loo ciidammo ay maanta ku galeen hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa faray taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka in uu baaritaan deg deg ah ku sameeyo falkii lagu galay guriga Senator Qeybdiid.

War qoraal oo lagu daabacay barta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia, ayuu madaxweynuhu ku amray in sharciga la hor keeno cida kasta oo ku lug lahayd falkaas lagu galay guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ah guddoomiyaha Guddiga Dustuurka ee Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya