Home Blog Page 1374

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo damaanad qaaday daryeelka Wariye ku dhaawcmay weerarkii Hotel Naasa-Hablood 2.

0

Deeqo Cubeyd Maxamuud oo ah Wariye ka howlgaleysay Radio Afgooye islamarkaana ka mid aheyd dadki ku dhaawacmay weerarkii 28-kii bishi hore ka dhacay hoteelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda caafimaad ay soo hagaageysaa.

Wariye Deeqo oo marki ay dhaawcantay ka dib aan helin daryeelkii loo baahnaa ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada heysata waxa ay damaanad qaaday daaweynta wariyaha iyadoo hada la jiifiyay isbitaalka Sheekh Sayid ee Imaaraatka Carabta oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa booqday isibitaalka lagu daweynayo wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud iyagoo u kuur galayay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee wariyaha.

Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) sida uu isaga xil saaray ka warqabka xaalada caafimaad ee wariyaha dhaawaca ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Warfaafinta waxaan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo kasoo jawaabtay codsigii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow kaasoo ahaa in daryeel caafimaad loo fidiyo Deeqa Cubeyd oo dhaawac kasoo gaaay weerarkii 28 Oct ka dhacay magaalada Muqdisho, safaaradda aad ayay ugu mahadsantahay jawaabta dag dagga ah, manta oo sabti ah ayay noo suuragashay in Deeqa laga soo saaro cisbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Muqdisho, laguna soo wareejiyo Cisbtiaalka Sh Zaa’id ee magaalada Muqdisho si loogu daweeyo” sidaas ayuu yiri xiriiriyaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay Ismaaciil Muqtaar Cumar.

Agaasimaha Radio Afgooye Maxamed Muuse Cismaan ayaa amaanay sida Wasaaradda Warfaafintu ay dusha u saaratay daryeelka iyo ka warqabka xaaladda caafimaad ee Wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud oo kamid aheyd dadkii ku daawacmay weerarkii 28-kii October ka dhacay hoteelka Naasa-hablood 2 ee magaalaga Muqdisho.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo muujiyay dadaal ballaaran oo la xiriira sidii loogu gurman lahaa gabadhaasi suxufiyadda ah ee ka howlgasha radio Afgooye oo ka howlgala dagmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga XFS oo la kulmay Saraakiisha Taliska 21-aad ee CXD

0

Cadaado(SONNA):–Mudane C/llaahi Colaad Rooble Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maant gaaray Magaalada Cadaado, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa SONNA u sheegay in Ujeedada socdaalka Wafdiga Wasiirka ay la xiriirt u kuur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan deegaanada Galmudug,iyo sidii loo qiimeyn lahaa.

Wasiir ku xigeenka Difaaca Soomaaliya oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa markii ay tageen magaalada Cadaado waxay booqdeen Xerada 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka halkasi oo ay kula kulmeen saraakisha iyo ciidamadooda.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo uga waramay xaaladda guud ee ciidamada qeybtooda 21-aad ay kusugan yihiin iyo baahiyaha ay qabaan.

Mudane C/llaahi Colaad Roobel ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay naftoodi ugu hureen difaaca Dalka iyo dagaalka lagula jiro Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Wuxuu xusay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso tayeynta ciidamada iyo daryeelkooda,wuxuuna intaasi ku daray in loo diyaar garoobayo sidii dalka looga sifeyn lahaa maleeshiyada Shabaab.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka Biyaha

0

Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddigii loo xil saaray in ay kasoo baaraan degaan qaraarkii Xukuumadda ee lixdii September, waxaana Xildhibaana Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu sheegay in ka guddi ahaan ay meel gaba gabo ah u mareyso warbixintaasi.
Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen sida uusheegay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa u mahad celiyay guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddiga Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Shacabka dadaalkii ay geliyeen sharcigan.

Intaasi kaddib waxaa la guda galay warbixinta guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka ee ku aadan xisaab xirka 2015-ka iyo 2016-ka, waxaana guddiga uu gaba gabada warbixntiisa kaddib uu ku taliyay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in la fuliyo arrimaha uu Baarlamaanku go’aanada kasoo saaray ee ku lifaaqnaa ansixinta miisaaniyadda, gaar ahaan qarashaadaka ku saabsan nidaamka miisaaniyadda iyo bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo qaansheegatooyinka baaqiga ku ah Xukuumadda, iyadoo loo sameynayo qorshe cad oo waqtiyeysan meel marintooda, in mar kuuyimaado koror amaba is dhin miisaaniyadeed la sameeyo miisaaniyad ku celin xili munaasib ah sida uu qabo sharcigu iyo in Wasaaradda Maaliyadda ay qabsato shaqadeeda dakhli uruurin oo aysan cid kale u xilsaarin taasi oo sababtay hoos u dhac weyn oo dhinaca dakhliga ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta guddiga Maaliyadda ee ku aadan xisaab xirka 2015 iyo 2016-ka waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo xoogga saareysa hirgelinta Golaha Deegaanka

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo furtay shir looga hadlayey dhisidda Golaha Deegaanka ayna ka qeyb galeen Wasiirada Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedyada Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kullanka oo aha mid Wadatashi ah ayaa waxaa looga hadlay dhismaha Golaha Deegaanka ee dhamaan Degmooyinka Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’ad ka shaqeeysa Arrimaha Horumarinta Deegaanka.

Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Maamul Goboleedyada dalka ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan uu marayo dhismaha Golaha Deegaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Deegaanka, waxaana barnaamijkan soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamuud Xasan ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xoogga saareyso sidii loo dhameystiri lahaa hanaanka loo marayo dhismaha Golaha Deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa ayaa waxaa uu tilmaamay in deegaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaan xaalad Amni awgeed, balse Deeganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgelin doono.

Wasiir Juxa waxaa kale oo uu sheegay in looga baahan yahay Maamul Goboleedyada inay qeyb ka qaataan meel marinta sharciga Golaha Deegaanka si-dhaqso loo helo Gole Deegaan oo dhameystiran.

Golaha Deegaanka waxaa sameystay oo kaliya dhamaan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, kaddib doorasho ay galeen, waxaana ay ka kooban yihiin 27 Qof.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga oo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku aadan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.

RW Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada. RW Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah. RW Khayre ayaa sheegay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ay ay madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military eek a dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

RW Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.

DHAMMAAD—-

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in cadaallada la horgeeyo eedeysane lagu qabtay Kismaayo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgallo gaar ah oo ciidamada Booliska Jubbaland ay ku soo qabteen Eedaysane Cabdirisaaq Warsame Axmed oo lagu soo Eedeyay in uu fal isku day kufsi iyo dhaawac ugu gaystay magaalada Boosaaso Gabar Soomaaliyeed.

“Waxaan doonayaa in aan bogaadiyo dadaalka iyo shaqo wanaaga ay la yimaadeen laamaheena ammaanka, gaar ahaan ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay Eedaysanahan oo muddo ku dhuumaalaysanayay Gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ciidamada hawlgalkan fuliyay sheegay in la abaal marin doono si ay shaqadooda usii laba jibaaraan isla markana ay ka hortagi doonaan in dad danbiyo meelo kale kasoo galay ay deegaanka ku dhex dhuuntaan.

“Wada shaqayn buuxda oo dhex marta Hay’adaheena Ammaanka iyo Cadaaladda ayaan ku gaari karaa, halka aan u socono oo ah in aan qofna lagu xadgudbin oo la ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa” ayuu yiri Axmed Maxamed Islaam.

Dowlad Goboleedka Puntland ayuu Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga qayb qaateen in ninkan gacanta lagu soo dhigo isla markana ay u aqbaleen in Cadaallada lagu mariyo halkii uu danbi kasoo galay.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku baaqay in uu Cadaalad helo Cabdirisaaq Warsame Axmed isla markana la mariyo wixii uu sharcigu ka qabo falka lagu soo Eedeyay, isagoo isla maanta Taliska Ciidamada Booliska Jubbaland ay u dhoofiyeen Puntland si halkaas Maxkamad loogu saaro.

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay howlgallo ay sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, ayna jiraan qasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.

“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana wareeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh, iyadoo inta la ogyahay halkaas lagu dilay 18 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ayaa markale uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan.

Ciidamada Ammaanka Masar oo 10 Qof oo Argagixiso Ah Ku Dilay Gobolka Siinaay.

0

Masar(SONNA) Ciidamada ammaanka Dalka Masar ayaa sheegay inay dileen 10 qof oo ka mid ah  ururada  Arggagixsada ee dalkaasi ku sugan kadib  Hawlgal oo laga fuliyey gobolka woqooyiga ee Siinaay.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in diyaaradda APACHE ee Wadanka Masar jimcihii ay u suura gashey inay Duqeeyaan Saldhigyo ay lahaayeen kooxda Argagixisada ah iyo gaadiid ay wateen duqayntaas oo ka Dhcdey gobolka koonfureed  magaalada loo yaqaan  SHEEKH SWAID.

Goobtaasi la duqeeyey waxa ku dhintey Afar qof oo ka mid ah argagixisada, lix kale oo kamid ahna waxa lagu dilay goob Aanay ciidamada amaanku magacaabin.

Kooxahan Argagixisada ah ayay dawladda Masar ku eedaysey inay diyaarinayeen hawlo arggagixisanimo ah iyo inay Rabeen inay wadanka ka geystaan qaraxyo.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen Qalab laga sameynayay Waxyaahaba qarxa, kaa soo ay ugu Talagaleen inay ku wax yeeleeyaan Ciidamo marayay jidka.

Waqtiyadan dambe ciidamada ammaanka Masar ayaa waday howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka, Kaa soo lagaga sifaynayo gobolada Arggagixisada ay ka dhigatay gabaad.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga oo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen

0

Muqdisho, 11 November 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku aadan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.

RW Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada. RW Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah. RW Khayre ayaa sheegay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ay ay madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military eek a dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

RW Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.

—DHAMMAAD—-

Ciidamamda Soomaaliya oo burburiyey xaruntii Qaraxyada Al-shabaab

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiysay weerarro qorsheysan oo ay hey’ada amniga Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Jubba Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) oo  la hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa sheegay ugu horreyn in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed maalmahan ay howlgallo ka wadeen gobollada Shabeellooyinka, isla markaana la soo warinayo khasaarooyin kala duwan in  Nabad-diidka uu ka soo gaaray howlgalladaasi, guulo kalena ay ka rajeynayaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa yiri “maalmahan ciidammada dowladda oo howlgallo ka waday dalka ayaa laba weerar oo qorsheysan ka fuliyey degmada Jilib, halkaas oo ay ku yaalleen xarunta Qaraxyada Al-shabaab iyo Guriga Jabdaha lagu diyaariyo, kuwaas oo doonayey in ay isu diyaariyaan gobolka Gedo, hasa yeeshee weerarkaas waxaa ka dhashay Khasaaro xooggan, inta la rumeysan yahay 81 qof ayaa ku dhimatay oo isugu jiray malleeshiyaad ku kala sugnaa xarunta Qaraxyada iyo Guriga Jabdaha Jilib”.

Weerarradaasi ciidammada geesiyaasha ah ay qaadeen waxaa ku burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan  ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.

Howlgalladan  waxaa si taxadar leh u fuliyey ciidammada Soomaaliya oo si nabad ah ugu soo laabtay xarumihii ay ka tageen.

 

Feysal Muuse