Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho kula kulmey Safiirka Dowlada Qadar ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Maalmahaan howlo shaqo Ku jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya mudane Xasan Xamza, iyo Mas’uuliyiin Ka kala socday Hey’adda Jidadka Qadar iyo hey’adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ay Ka wada hadleen arrimo kale duwan Oo quseeya Horumarinta Deegaanada Hirshabelle.

Ugu horeyn Madaxweyne Waare ayaa Ka mahadceliyay caawimaada Dowladda Qadar ee Soomaaliya gaar ahaan Mashruucani lagu dhisayo Wadadaasi oo muhiim u ah Dadka Reer Hirshabelle iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sharaxaad ka siiyay Hirshabelle Juqraafi ahaan halka Soomaaliya ay kaga taalo, iyo kheyraadka eebe uu Ka maneystay, iyo  fursadaha maalgashi ee Ka jira Dowlad Goboleedka.

Madaxweynaha iyo Xubnahani ka socday Dowladda Qadar ayaa Ka wada hadlay dar dar galinta mashaariicda horumarineed gaar ahaan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo uu bur bur xoog leh ka jiro.

Xubnahani Ka socday Dowladda Qadar ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay dar dargalinta mashaariicda Horumarineed oo dalka ka fulinayaan taasi Oo ku kaceysa 200 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana madaxweynaha ay u sheegeen Hirshabelle in ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada Horumarinta wax soo saarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Jamaal Maxamed Xasan iyo Mas’uuliyiin Ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle, waxaan Uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...