Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho kula kulmey Safiirka Dowlada Qadar ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Maalmahaan howlo shaqo Ku jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya mudane Xasan Xamza, iyo Mas’uuliyiin Ka kala socday Hey’adda Jidadka Qadar iyo hey’adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ay Ka wada hadleen arrimo kale duwan Oo quseeya Horumarinta Deegaanada Hirshabelle.

Ugu horeyn Madaxweyne Waare ayaa Ka mahadceliyay caawimaada Dowladda Qadar ee Soomaaliya gaar ahaan Mashruucani lagu dhisayo Wadadaasi oo muhiim u ah Dadka Reer Hirshabelle iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sharaxaad ka siiyay Hirshabelle Juqraafi ahaan halka Soomaaliya ay kaga taalo, iyo kheyraadka eebe uu Ka maneystay, iyo  fursadaha maalgashi ee Ka jira Dowlad Goboleedka.

Madaxweynaha iyo Xubnahani ka socday Dowladda Qadar ayaa Ka wada hadlay dar dar galinta mashaariicda horumarineed gaar ahaan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo uu bur bur xoog leh ka jiro.

Xubnahani Ka socday Dowladda Qadar ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay dar dargalinta mashaariicda Horumarineed oo dalka ka fulinayaan taasi Oo ku kaceysa 200 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana madaxweynaha ay u sheegeen Hirshabelle in ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada Horumarinta wax soo saarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Jamaal Maxamed Xasan iyo Mas’uuliyiin Ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle, waxaan Uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...