Wasiirka Ganacsiga Xukumada Federalka Soomaaliya oo kulan la qaatey safiirka Imaaraadka Carabta

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Mahamed Abdi Xayir Mareeye, ayaa xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha dalkaasi u fadhiya Soomaaliya  Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Mudane Maareeyee ayaa  Dawladda imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinac walba leh ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee xagga bani’adamnimada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Imaaraadaka ee WAM oo aan warkan ka helnay kulankasi dhex maray Wasiirka iyo safiirka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada wadan xiriirkaas oo dhinacyo badan leh

Warku wuxuu intaa ku darayaa in labada mas’uul ay isla falanqeeyeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka Ganacsiga ee ka dhexeeya labada wadan iyo qodobo kale.

Dhinac kale Danjiraha Dawlada Imaaraadka u fadhiya magaalada Muqdisho mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi ayaa u hambalyeey wasiirka Ganacsiga Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Maareeye xilka cusub ee loo magacaabay oo ah  Wasiirka wasaradda  Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ku tilmaamay Wasaarad muhiim ah.

Ugu danbeyntii Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa kulankaasi ka muujiyay sida ay wasaaradiisu u danaynayso ka faa’ideysiga khibradda iyo waaya aragnimada xagga  Ganacsiga ee Imaaraadka Carabta iyo sidii ay gacan kaga gaysan lahaayeen horumarinta iyo kobcinta Ganacsiga Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...