Home Blog Page 1375

13 Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Basra

0

Barsa(SONNA) Wararka ka imaanaya Degaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe una dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan labada Shabeele  ayaa sheegaya in Diyaarad dagaal oo nuuca aan duuliyaha lahayn ay duqeysay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan Alshabaab.

Taliyaha 12-April ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Cumar Xasan Aadan(Cumar dheere)  oo u warramayay Wakaaladda SONNA ayaa xaqiijiyaya in duqeyntaasi lagu bartil maameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Alshabaab xili ay ku shirsanaayeen halkaasi.

Wariyaheena Maxmed Amiin Yabarow oo Jooga Balcad oo wareystay dadka deegaanka,mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa sheegay in ilaa 13 qof oo katirsan maleeshiyaadkaasi ay ku dhinteen duqeyntaasi.

Deegaanka Barsa ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamaya Ciidamad Dowladda iyo kuwa Alshabaab,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in ay wadaan qorshe Shabaab looga saarayo guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

FAALLO:Dowladda iyo Shacabka waxaa ku dhex jira Danleey

0

Muqdisho(SONNA)–Dalkaan dhib badan ayuu soo maray 27-kii sano ee la soo dhaafay, kaasoo gaarsiiyay meesha uu hadda taagan yahay, waxaana taagan nahay in Dalkeenu uu ka liito Wadamada Qaaradda Afrika oo aan beri hore aan hormuudka u aheyn, Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaan Dad firfircoon oo caqli badan islmarkaana aqoon iyo khibrad badan, saasi ay tahay waxaa ku dhexjira Danleey shaki kala galinaya Shacabka iyo Dowladdiisa.

Dhacdaddii 14-kii Oktoobar oo aheyd masiibo Qaran ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya u dhashay Midnimo Qaran, waxaa taasi ka turjumeysaa markii Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxdii Maamul-goboleedyadii ayaa isku af gartay in loo midoobo la dagaalan Kooxda codowga Soomaaliyeed ee Al-shabaab, meelna ay iska dhigeen waxyaabaha kale oo ay isku heystaan, waxay kaloo Dowladdu heshay mar kale kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in ay diyaar u yihiin ka hortagga Kooxdaasi.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka sheekeeyay Xaaladda uu Dalku ku jiro, wuxuuna yiri, “waa xaalad dagaal, waxaa is weydini leh maxaa keenay in 10 sano uu dagaalkaasi socdo? waxaan idiin sheegayaa caawa cilladda taala, ma oga inta badan in dagaal lagu jiro, waxaase og oo kaliya inta Dowladda ku jirta, waxaana jirta qaa’idda sheegeysaa in haddii shacabku la jirin Dowladda ma guuleystaan, ee waxaa guuleysta cidd uu shacabku la jiro, marka waxaa isla heli la’nahay taageerada shacabka iyo Xukuumadda”.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay Munaasabad lagu daah furayay Ololaha nabadeynta Magaalada Muqdisho iyo kaalinta ay Dhalliyadu ka qaadan karaan nabadda oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in Madaxda qaranka iyo Shacabka ay dhexdooda ku jirta waxa uu ugu yeeray Danleey, taasoo ah mid soo texnaa muddooyin badan, laguna doonayo in Xukuumad walba lagu dumiyo, isagoo xusay in mucaaradnimadaasi ay hadda socoto iyadoo aan indho iyo dhego laheyn, waxaase loo baahan yahay in halka cadow aan leenahay oo ah Alshabaab meel looga soo wada jeesto.

Madaxweynuhu waxa uu ugu dambeyntii u soo jeediyay Mahadcelin ballaaran Dhallinyarada Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen Masiibaddii Qaran ee 14-kii Oktoobar iyo sida ay u muujiyeen shucuurtooda Wadaninimo, Midnimo iyo inaysan ka baqayn cadowda Soomaaliyeed ee Alshabaab, isagoo ka hadlaayay Ololaha Nabadeynta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa yiri, “Ololahaan aan Caawa ku baaqnay oo ah nabadgalyada Gobolka Banaadir, Ololahaan ma ahan mid magalaada Muqdisho kaliya, waxaan rabaa inuu u xuubsiibto Dhalliyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan oo ay u dhaqaqaan difaaca Dalkooda, waayo Dhalliyaradu waa cududda ama xoogga u weyn ee Bulsho, Dal waliba waxaa horumar dhaqan-dhaqaale iyo amniga gaarsiiya Dhallintooda”.

Barnaamijka ama Ololaha nabadeynta Degmooyinka Gobolka banaadir ayaa ujweedkiisu yahay in la sii joogteeyo dadaalkii dhallinyarada ee Masiibadii 14-bishii Oktoober kadib, Dhallinyarada Muqdisho wa ay noqdeen kuwa is abaabula, kadibna waxaa ku biiray dhammaan Dhalliyaradii ku kala nooleed Dalka gudahiisa yo dibaddiisaba, taasi ayaa keentay in la sameeyo barnaamij lagu joogteynayo dadaalka dhallinyarada ay muujiyeen, haddaba Gobolka Banaadir waxa uu door muuqda ka arkay in dhallinyaradu ay yihiin hormuudka nabadda, taasi oo loo arko in Muqdisho ay noqoto meel nabdoon sidii ay beri ahaan jirtay.

Barnaamijkan uu Gobolka Banaadir uu wado ayaa ah mid lagu xasilinayo Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kaasi uu gar wadeen ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Thaabit Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa inuu isku xirku ka bilowdo min Guri, falar, laan, Waax, Degmo ilaa Gobolka, waana dhab haddii si wanaagsan loo fuliyo laga keeni karo hadafkii looga baahnaa ee ah nabadeynta Caasimadda Dalka ee Muqdisho, wuxuuna noqon doonaa sida lagu sheegay mid shir-wareeg ah oo hadba Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir lagu qaban doono.

W.Q.C/laahi Ruush

Taliyaha C.X.D oo 5000 oo dollar ugu deeqey Naafada Martiine kujirta+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Janaraal C/weli Jaamaca Xuseen (Gorod) Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday Isbitalka Martiine ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay kujiraan Naafadda Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeedada booqashada Taliyhaha ayaa ahayd sidii loo dhiiro gelin lahaa Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee kunool isbitalkaasi,wuxuu sheegay  in ay dadaal u galidoonaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa Naafadda kuwoodi oo xaaladoodi caafimaad aan Dalka waxba looga qaban Karin.

Taliye C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa wuxuu ugu deeqay lacag dhan 5000 kun oo dollar naafadda Martiin,taasi oo uu ku sheegay in loogu talagalay in lagu dhiirogeliyo nolosha qoysaskada askartasi.

Intii uu joogay halkaasi wuxuu kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay isbitalkasi Mrtiini iyo dhismayaasha cusub ee halkaasi ka socda,wuxuuna dhiirogeliyay howlaha dib u dhiska halkaasi ka socda.

Mareykanka oo digniino culus soo saaray

0

Mareykanka(SONNA) Warkan ka soo baxay Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa looga digay dalalka dariska la ah Lubnaan inaysan colaad ka hurin Lubnaan, kadib markii xiisad ay ka dhalatay iscasilaadii ra’iisal wasaarihii Lubnaan, Sacad Alxariiri.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka kooxaha hubeysan ee shisheeye aysan gudaha Lubnaan uga furneyn dowr faragalineed oo sharci ah, isaga oo hadalkaasi uga dan lahaa xulafada Lubnaan ee, iyo kooxda hubeysan ee Shiicada ah ee Xisbulaah.

Ra’iisal Wasaare Xariiri ayaa six un u dhalleeceeyay labada dhinac ee Koxda Xisbulaha iyo xulufada kale ee Lubnaan kaddib markii uu uga dhawaaqay inuu iscasilay Sacudi Carabiya.

Xisbulaah ayaa sheegeysa in Sucuudi Carabiya ay xirtay Mr Xariiri ayna ku qasabtay inuu iscasilo. Basle Mr Tillersio ayaa sheegay in loo xaqiijiyay in Mr Xariiri aan la xirin Marakankuna uu taagersan yahay dowlada madaxbanaan oo ah Lubnaan.

Antonio Guterras Xogahayana guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digay colaad hor leh oo ka dhalata Lubnaan ay cawaaqib xun ka dhalan doonto.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo 5000 oo dollar ugu deeqey Naafadda Martiine kujirta

0

 

Janaraal C/weli Jaamaca Xuseen (Gorod) Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday Isbitalka Martiine ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay kujiraan Naafadda Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeedada booqashada Taliyhaha ayaa ahayd sidii loo dhiiro gelin lahaa Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee kunool isbitalkaasi,wuxuu sheegay  in ay dadaal u galidoonaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa Naafadda kuwoodi oo xaaladoodi caafimaad aan Dalka waxba looga qaban Karin.

Taliye C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa wuxuu ugu deeqay lacag dhan 5000 kun oo dollar naafadda Martiin,taasi oo uu ku sheegay in loogu talagalay in lagu dhiirogeliyo nolosha qoysaskada askartasi.

Intii uu joogay halkaasi wuxuu kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay isbitalkasi Mrtiini iyo dhismayaasha cusub ee halkaasi ka socda,wuxuuna dhiirogeliyay howlaha dib u dhiska halkaasi ka socda.

Madaxweynaha oo daah furay shir wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka

0

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka socoto xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab oo ku hadlaysay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ka qeyb galka xafladda lagu daah furayo ololaha Nabadgelyada degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.

“Dhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in gabar lix jir ah oo ku nool Puntland ay soo dhiibtay buskut oo ay ka soo iibisay lacag ay siisay hooyadeed, isagoo intaa ku daray inay jireen carruur kale toban jir ahaa kuwaasi oo gacan ka geystay gurmadka musiibadiii qaraxii 14-ka October.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga.

“Dalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faa’iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo la’aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashato” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadkii waxyeelada ka soo gaartay.

Marwo Khadiijo ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto maalinta berito ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal,

“Dalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladooda” ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Madaxweynaha oo daah furay shir wareegga Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka

0

Muqdisho (SONNA) – Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha shacabka, Aqalka sare, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay xaflad lagu daah furayay Ololaha Nabad gelyada Gobolka Benaadir, kaasi oo ka socoto xarunta dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xafladda waxaa kaloo ka qeybgalay qeybaha kala kuwan ee bulshada, fanaaniin, ciidamada qalabka sida iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab oo ku hadlaysay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ka qeyb galka xafladda lagu daah furayo ololaha Nabadgelyada degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii October uu ahaa musiibo Qaran, waxaana uu intaa ku daray dhallinyarada inay gacan ka geysteen sidii ay walaalahood ugu gurman lahaayeen.

“Dhallinyarada, dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, kooxaha gurmadka deg dega iyo dhamaan qeybaha bulshada waxa ay u istaageen sidii la isugu gurman lahaa, furitaanka shir-wareegga Ololaha Nabad gelyada Degmooyinka Gobolka Benaadir waxa uu wax badan ka qaban doonaa xoojinta Nabad gelyada” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Madaxda dalka inay qeyb ka noqdaan shir wareegga uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan golaha Wasiirada in ay ka qeyb galaan shir wareegga degmada lagu qabanayo ee uu Wasiirku deganyahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in gabar lix jir ah oo ku nool Puntland ay soo dhiibtay buskut oo ay ka soo iibisay lacag ay siisay hooyadeed, isagoo intaa ku daray inay jireen carruur kale toban jir ahaa kuwaasi oo gacan ka geystay gurmadka musiibadiii qaraxii 14-ka October.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay inay qiiro gelisay markii uu arkay dhalinta isugu timid shirka, oo madaxda u soo gudbisay fariimaha xambaarsan sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa sugidda amniga.

“Dalkan waa dal isku filnaan kara, haddii si sax ah looga faa’iideysto kheyraadka ku jira dalkeena, waxkasta oo naga halaabaya waxaa sabab u ah Nabadgelyo la’aanta, marka waxaa loo baahanyahay inaan is xoreyno, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha isku tashato” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadkii waxyeelada ka soo gaartay.

Marwo Khadiijo ayaa xustay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loo heli lahaa bankiga dhiiga lagu keydiyo, waxaana ay intaa ku dartay inay soo gaartay kaalmo lacageed oo dhan 36,725, dollar oo ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, saxaafadduna ay la wadaagi doonto maalinta berito ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo daah furay shir wareegga Ololaha Nabadgelayda Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa sheegay in dalku uu ku jiro xaalad dagaal,

“Dalkan waxa uu ku jiray toban sano xaalad dagaal, shacabka waxaa laga rabaa inay gacan siiyaan ciidanka oo ay taageeraan dowladooda” ayuu yiri Madaxwene Farmaajo oo xusay in shacabka iyo madaxdooda ay ku dhex jiraan kuwa danleey ah oo aan dooneynin in dalka uu horumar gaaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caado ka dhigtay inaysan dalka ka hanaqaadin dowladnimo, waxaana uu intaa ku daray in dowladdu aysan ogolaan doonin in bulshada la geliyo qal qal siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in musiibadii 14-kii dhacday ay keentay in dowladdu ay marti geliso shirkii ay ka qeyb galeen Madaxda dowlad goboleedyada, kaasi oo la isku afgartay in si wada jir ah dalka looga xoreeyo cadowga dhibaateynaya Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa doorkii dhallinyaradu ay ka qaateen musabadii dalka ka dhacday oo ay sameeyeen gurmad Qaran, oo ay isugu soo baxeen inay dalkooda ka xoreeyaan cadowga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaa noo balan ah inaad dalkaan xoreysaan, inaad qalinka dhigtaan oo aad gacmaha isqabsataan oo aad doorkiina ka xoreynta cadowga ah qaadataan” ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

 

 

Kulan Dadweyne Oo Lagu Qabtay Degmada Heliwaa+Sawirro

0

Kulan dadweyne oo looga hadlay sidii bulshada isaga kaashan laheyd ka hortagga weerar lamid ah midkii 14 Oct ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Kulanka oo qeyb ka ah barnaamijyo wacyigalin ah oo loogu magacdaray Samawade kana socda degmooyinka gobalka banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha degmada Heliwaan, ku xigeenadiisa, guddoomiyaha ururka haweenka gobalka banaadir iyo boqolaal kamid ah dadweynaha degmada Heliwaa.

Leyla Coloow Calasoow oo kamid ah haweenka degmada oo kahadashay furitaanka kulanka ayaa xustay in habeen walba ay ku calwasaaddo naxdinta weerarkii dadka badan ay ku halaagsameen ee ka dhacay wadada mashquulka badan ee Zoobe, waxayna sheegtay in loo baahanyahay la shaqeynta hay’adaha Amniga si looga hortago qatar walbo oo nabadgalyada deegaanka waxyeeli karto.

Guddoomiye ku xigeenka nabadgalyada degmada Heliwaa Abshir Maxamed Maxamuud oo dadweynaha lahadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay dabooli lahaayeen baahiyaha bulshada ee xagga nabadgalyada, isagoo hadalkiisa raaciyay in Heliwaa ay tahay dagmo ka ammaan badan dagmooyinka kale oo gobalka banaadir.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo kamid aheyd mas’uuliyiintii la hadashay dadweynaha ayaa ammaantay barnaamijka wacyigalinta bulshada ee Samawade, iyadoo soo hadalqaaday caqabadaha dhinaca amniga ee ka jira gobalka banaadir iyo sida looga gudbi karo.

“caqabado badan oo ay muhiim tahay in wax laga badalayo ayaa jiro, tusaale ahaan degmada Heliwaa baaxad ahaan wey weyntahay, waxay ay laf-dhabar u tahay amniga magaalada, malahan ciidan amni oo ku filan dagmada, iyadoo tabardaridaas jirto ayaa hadana ciidamada yar ee jooga saldhiga loo daad-gureeyaa goobo ka baxsan dagmada oo howlgal ama shaqooyin kale ay ka socdaan, iyadoon taas xal loo helin caqabaddu wey jiri doontaa” ayay hadalkeeda raacisay Jawaahir.

Guddoomiyaha demgada Heliwaa Cabdixakiim Cumar Cabdulle oo kulanka soo gunaanaday ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Zoobe, Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagmadu ay nabadgalyo ka jirto howlo badan oo bulshada ammaankeeda lagu sugayana ay qabteen.

Mudane Cabdixakiim ayaa bulshada deegaanka ku boorriyay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si looga hortago kooxaha isku dayaya in ay qalqalgaliyaan nabadgalyada dagmada, taasna ay ku imaan karto muujinta wadashaqeyne joogta ah oo ficil loo badalay.

Gabagabadii kulanka waxaa loogu duceeyay dadkii sida xaqdarada aheyd loogu xasuuqay Qaraxii Zoobe, iyadoo ka qeybgalayaasha kulankaasina ay ballanqaadeen in ay diyaar u yihiin la shaqeynta laamaha Amniga, iyagoo muujiyay sida ay uga xunyihiin in dad muslim ah lagu dilo xaqdarro.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

0

Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Maraykanka ayaa duqeeyay fariimiso ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay iney duqeymahaasi ka dhaceen goobo bartilmaameed ahaa, kuwaasoo lala eegtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Taliska AFRICOM ayaa intaa raaciyay in duqaynta oo ka dhacday meel 100 Mayl u jirta Caasimadda Muqdisha kana tirsan Gobolka Baay ay ku dileen Malleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, balse wax faahfaahin ah lagama bixin haddii ay ku jiraan hor-joogayaal sare.

Hadafka duqaynta laga lahaa ayuu talisku ku sheegay ka hortagga haliska ay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-shabaab ku hayaan Gobolka iyo guud ahaan Caalamka intiisa kale.

Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay iney sii socon doonaan howl gallada lagu baacsanaya Argagixisada, iyadoo ay weerarradaasina qayb ka yihiin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Galmudug oo dar dar gelineyso howlaha shaqo ee Garoomada diyaaradaha

0

Muqdisho(SONNA) Wasaarada Gadiidka  Cirka iyo Dhulka Galmudug ayaa sheegtay in la dar dar galin doono howlaha shaqo ee garoomada diyaaradaha ee ku yaala deeganada Galmudug kadib kormeer wafdi uu horkacayo wasiirka wasaaradaasi ay ku tageen Qaar ka mida Garoomada Diyaaradaha ee Ku
yaala magaalooyinka GAalkacyo Iyo Hobyo.

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa mid ku saabsanaa uu kuurgalida sida ay usocdaan howlaha shaqo iyo tayada dhismaha Garoomada Diyaaradaha ee Ku yaala deegaanada Galmudug qaarkood ayaa waxaa Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowladda Galmudug C/laahi Cali Maxamed (C/llaahi Airpor) oo ay wehliyaan xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka mida kuwa wasaaradaasi waxa ay ku tageen Garoonka diyaaradaha OSHACO ee Magaalada Galkacyo iyo Garoonka Diyaaradaha Dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay kormeerka ku guda jireen waxaa ay warbixino la xariira howlaha shaqo ka dhageeysteen howlwadeenada iyo masuuliyiinta garoomadaasi isagoo sidoo kalana indha indheeyn iyo qiimeeyn ku  ku sameeyay Tayada Garoomadaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa uu wax ka weydiiyay qaar ka mida duuliyayaasha wada diyaaradaha isticmaala garoomadaasi in ay jiraan dhibaatooyin ay kala kulmaanmarka ay kacayaan ama ay dagayaan diyaaradahoodu wadada ay diyaaraduhu ku dagaan kuwaasi oo sheegay in ay jiraan caqabado yar yar oo ubaahan in wax laga qabto maadaama lagu guda jiro xilli roobaad.

Kormeerkaan oo qaatay muddo dhowr maalmood ah ayaa markii usooidlaaday waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiirka wasaaradaGaadiidka Cirka iyo Dhulka  dowlada Galmudug C/laahi Maxamed Cali (C/llaahi Airpor) waxaana uu faah faahin dheer ka bixiyay ujeedka kormeerkooda iyo qorshayaasha Wasaarada ee ku aadan sare u qaadista howlaha shaqo iyo tayeeynta Garoomada diyaaradaha ku yaala guud ahaan Deegaanada Galmudug waxaana uu sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo laguna tayeeynayo howlaha shaqo ee garoomada  sidoo kalanaay dayactir ku sameeyn doonaan ka wasaarad ahaan Dhamaan Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala Galmudug.