Munaasabad aqoon is wiidaarsi ah oo loga hadlaayey arimaha shaqalaha rayidka dowlada oo Muqdisho ka Furmey

Date:

Munaasabadan Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa shalay daah furay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha, mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, Xafiiska RW iyo madaxtooyada, in ka badan 150 shaqaalle oo laga soo diray hey’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka howlgalka mashruucan wajiga koowaad ee  tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda  loo idmaday.

Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa faah faahin iyo sharaxaad dheer ka bixiyay hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS  ayaa yiri ” wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriira sida go’aanka shaqaaleynta,”.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay jiraan Shirkad madax banaan oo ku guuleysatay  fulinta Barnaamijkan oo logu magacaabo ASAL oo kaashanaya Bank Aduunka WB.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  Bulshada  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa sheegay in hirgelinta  tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha hey’adaha  dawladda federaalka uu qeyb ka ahaa waajibaadka shaqo ee wasaaradda shaqada, waxuuna si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan u gudo gelaya waajibaadkii shaqo ee uu faray wasiirka.

“Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan,  waxaan maanta inoo bilaabmaya aqoon isweydaarsigii  lagu heli lahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda ”  Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda shaqada.

Wasiir Saalax ayaa guud ahaan Shaqaalaha hey’adaha Dawladda ugu bishaareeyey in dhawaan la soo dhisi doono hay’adda tababarka shaqaalaha oo uu  heshiis laba geesood ah dhex maray, lana rajeynayo in shaqaalaha aysan meel kale u aadin tababar, aqoontoodana kor loogu qaadayo dalka gudihiisa mooyee.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...