Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo abaalmarin gudoonsiiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Munaasabad kooban oo abaalmarin lagu gudoonsiinaya Dhame Axmed C/laahi “Bashane” ayaa waxaa ka qeybgalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, ku xigeenka koobaad ee xeer ilaaliyaha, Muuse Macalin Maxamed, ku xigeenka xeer ilaaliyaha Dr. Maxamed Xasan Nuur, gudoomiyaha maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida, G/le sare Xasan Cali Shuute, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bahda sharciga.

Ku xigeenka koobaad ee xeer ilaaliyaha guud Muuse Macalin oo ayaa sheegay in sarkalkani uu abaalmarintaasi ku muteeystay howlkarnimo iyo gudashada waajibaadka Qaranka.

Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa isaguna ka hadlay waxa uu sarkaalkaasi ku muteystay abaalmarinta uu siiyay xafiiska  xeer ilaalinta.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida G/le sare Xasan Cali Shuute, oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ula dhacsanyahay in abaalmarin noocan ah la gudoonsiiyay sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida oo muujiyay howlkarnimo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in taliyayaasha saldhigyada iyo baarayaashaba lagula xisaabtami doono shaqada ay u hayaan bulshada, isagoo shahaaddo sharaf gudoonsiiyay sarkaalkaasi.

Dhame Axmed C/laahi “Bashane” oo ah sarkaalka la gudoonsiiyay abaalmarinta ayaa ka hadlay sida uu u arko arrintaasi.

Waa marki ugu horeeysay oo xafiiska xeer ilaalinta qaranka uu abaalmarin gudoonsiiyo sarkaal ka tirsan ciidamada Qaran Soomaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...