Home Blog Page 1373

Agaasimaha Guud ee HSJ oo Kormeeray xafiisyada Bixinta Baasaboorka & Kaarka Aqoonsiga ee Doolow iyo Beledxaawo

0

Col. Mohamed Adam Kofi Agasimaha Guud HSJ ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada Bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga ee Magaalooyinka Doolow iyo Balad Xaawo.

Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyadaas kula dardaarmay in ay bulshada si hufan ugu adeegaan isla markaana ay ilaaliyaan habka-ka lagu bixiyo Basaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga Soomaliya.

Col. Mohamed Adam Kofi Agasimaha Guud HSJ ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada ku yaala magaalooyinka Doolow iyo Balad xaawo waaxana ka mid ahaa xafiisyada uu agaasimaha kormeeray.

1) Xaafiiska Socdaalka xadka ee Beledxaawo.

2) Xaafiiska bixinta baasaboorka Dooloow.

3) Xaafiiska Socdaalka ee  xadka dooloow.

Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyadaas kula dardaarmay in ay bulshada si hufan ugu adeegaan isla markaana ay ilaaliyaan habka-ka lagu bixiyo Basaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga Soomaliya sidoo kale in ay si taxadar leh ula socdaan dadka isaga gudbaaya xadka labada dal ee Soomaliya iyo Kenya.

Wafdigii Dowladda Soomaaliya ay dirtay oo guda galay xal ka gaarista xaaladda Baladxaawo+Sawirro

0

Waxaa magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ka dhacay kulamo looga hadlayo xal u helida  xisadaha ka taagan degmadaasi,kadib markii Dowladda Kenya ay bilowday in derbi ay halkaasi ka dhisto,taasi oo keentay kacdoon ay sameeyaan dadka deegaanka ah.

Waxaa ka qeybgalaya kulamadaasi xaqiiqo raadinta ah  wafdi isugu jira Wasiirka Arrimaha gudaah XFS ,xildhibaano,Madaxda Dowlada Goboleedka Jubbaland,gudiga xuduudaha iyo guddiga Difaaca iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka socdaalkooda ee Gobolka Gedo.

“Waxaan meeshaan ku tagnay wafdi isugu jira Wasiiro,xildhibaano iyo Madaxda Jubbaland,ujeeda socdaalkayna wuxuu yahay sidii aan ugu kuurgali lahayn, xaaladaha ka taagan magaalada Baladxaawo,waxaan marka hore ka degnay Doolow si fiican ayaa nalaku soo dhaweeyey,hadana waxaan joognaa Baladxaawo,waxaan tagnay meesha derbiga laga dhisayo,arin kale ma ahan waa inta u dhexeysa labada magaalo,si farsamo ah ayaa lo galayaa xaqiiqda ayaa la ogaanayaa,waxaana jira guddi farsamo”, ayuu yiri Wasiir (Juxa)

Waxaa uu sheegay Wasiirka in rajo wanaagsan ay ka qabaan in arrintaasi xal laga gaaro,isagoo xusay in shacabkuna ay ku qanceen dadaalka xaqiiqo raadinta ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan degmada Baladxaawo waxaa ka dhacay banan baxyo rabshado watay,kuwaasi oo looga soo horjeedo derbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso inta u dhexeysa halkaasi,taasi oo soo dedejisay qeylo dhaanta shacabka iyo jawaabta ka soo baxday Dowladda Soomaaliya.

Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo iska dhiibaya deegaanada K/Galbeed

0

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaabka iyo horjoogayaashooda ayaa iska dhiibaya Maamulka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay,kadib markii ay ka soo goosteen argagixisada Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka Degmada Buur Hakaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn Saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa deeganada K/Galbeed.

Maxamed Ibraahim Aadan guddoomiyaha Degmada Buur hakaba ayaa intaasi ku daray in degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay ay iska soo dhiibayn Labo horjooge oo ka tirsanaa  Al-Shabaab,wuxuuna sheegay in ay haatan Gacanta ugu jiraan Ciidamada ammaanka Maamulka Degmada.

“Waxaa ay iska soo dhiibeen ragaan mel degmada Buur-hakaba u jirta Khayaas ahaantii 45 KM,way nala joogaan,waxayna ka soo bexeen fikradii khaldanayd ee shabaabka,runtii firxadka Shabaab,iyo howlgalada socda waxay waxbadan ka tareen amniga degmada iyo deegaanada hoostaga’, Ayuu yiri guddoomiyaha Buur-hakaba.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyadkan ay ku sugnaayeen dhulka Buuraha ah ee ku yaala deegaanada hoostaga Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay,waxayna ka faaidaysanayaan fursadaha ay siiyeen madaxda Dowladda Soomaaliya ee ah in ay ka soo laabtaan aragtida khaldan ee Xagjirnimada.

Tan ayaa u muuqata in ay ka dhigantahay in ay sii dabar go’ayaan maleeshiyada Alshabaab,iyadoo horeyna ay jireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo isku soo dhiibay Dowladda.

Ra’iisul wasaare Kheyre maamul wanaaga aan gaarnay waxay sababtay in dunidu usoo jeesato maalgashiga soomaaliya.

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay Hormarka ay ku talaabsatay Xukuumadda intii ay dhisneyd.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in mudada ay Xukuumadda dhisan tahay in ay muuqato rajo wanaagsan oo qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamaan shaqaalaha dowlada in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo.

“waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed anagu waxaan dalka joognaa in ka yar sanad, sanadka intii ka yareyd waxaa muuqata rajo ah in qof walbo oo Soomaaliyeed ay rajadiisa wanaagsanaan doonto Mustaqbalka,sanadka iyo intii ka yareyd aan joognay qof kasta Mushaarkiisa wuu qaatay, anagoo bixinay mushaarka oo dhan hadana dhaqaalo gaaraya 20 milyan ayaa dowlada u yaala”. Ayuu yiri Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida dunida diyaar ugu tahay inay xukuumada Soomaaliya kala shaqeyso hormarka dalka dhinac kasta, isagoo sheegay inay ku guuleysteen saxiixida Mashaariicyo waa weyn.

“Anagoo joogna sanad ka yar ayay dunida na leedahay waxaan idin kala shaqeyneynaa sidii dhaqaalaha loo kobcin lahaa, anagoo joogna sanad ka yar ayaa 200 oo Milyan la saxiixanay dowlada Qatar, anagoo joogna sanad ka yar ayaa dowlada Mareykanka la saxiixanay 300 oo Milyan, anagoo joogna sanad ka yar ayaa Midowga Yurub waxay nagu soo wareejiyeen inaan saxiixno heshiis kasta oo aan geli karno oo iyagu aanay go’aan inoo gaari Karin”.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la dagaalanka Musuq maasuqa uu yahay markasta ahmiyadooda koowaad, isagoo xusay in Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaanka sidoo kalena la sameynayo Guddi Madax banaan oo la dagaalanka Musuq maasuqa ah

“anaga ka xukuumad ahaan dowlada hada jirta la dagalaanka musuq maasuqa wuxuu inoo yahay sidaan idin sheegay Falsafadii koowaad sida Dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay midka koowaad ee laga fekero ayuu Musuq maasuqana u yahay in laga fekero, Baarlamaanka Soomaaliya ayaan u gudbinay sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa, hada waxaan rajeyneynaa haduu ilaah yiraahdo golaha markii ay dhameystireen in aqalka sare iyaguna ay soo dhameystiraan, hada waxaan xooga saareynaa inaan dhisno guddi madax banana oo la magac baxay guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa, Maalintii dhibibada loo taago guddigaas madaxa banaan oo xukuumada ka madax banaan oo isaga fuliya wax kasta uu u baahan yahay oo ka hor taga musuq maasuqa ah, waxaan aaminsanahay dalka inuu talaabo weyn hore u qaadayo”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay inay sii laba jibaaraan si hormar balaaran uu dalka u gaaro.

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle oo amar ku bixiyey Hawlgal lagu ciribtirayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

0

Degaano hoos taga gobolka Shabellaha hoose oo ay hawlgalo ka sameyeen Ciidaanka Xogga Dalka ayaa waxaa uu Dagaal ku dhexmaray Maleeyshiyaadka  Al-Shabaab.

Hawlgalkasi ayaa lagu so qabtay rag ka tirsaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee hataan naf laa cariga ah  ee ku ganbanya degaankasi.

Ciidaanka ayaa hataan wada siday ugaa sifayn lahayeen goobaha ay ka joogan Gobolka Shabellada  hoose Maleeshiyaadka cadaystay dhibateynta shacaabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Maamulka  Hirshabelle Maxamed Cabdi Awaare ayaa amaar ku bixiyay sidi lo soo afjari laha  haraadiga  Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qaska ka wadah  degaankasi hoostaga Maamul.  wareysi uu siyay Radio Muqdisha Guddoomiye ku xigeenka Amniga

iyo siyaasada Maamulka  Hirshabelle Abuular Aadan Caleey Balcad ayaa sheegay

in ay ku sii daba jiraan firxadka Argagixiisada Al-Shabaab ee ka caraaray hawlgalada ciidaanka Xogga Dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo daah furay qalab casri ah oo lagu soo kordhiyay Dekadda Muqdisho+Sawirro

0

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay qalab casri ah oo saaraya Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira.

Qalabkan cusub oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak Sami Erol,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay daah furaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac,ayaa tilmaantay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheynaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirta.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan,islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doonaan sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen.

Ugu danbeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Mareeyaha Dekadda ee Shirkadda Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay iney bilaabi doonaan nidaamka caro saarka ee Dekadda.

Qalabkaan casriga ah ee maanta la daah furay ayaa loo diyaariyay shaqaalo loo tababaray bixinta Maraakiibtii ku bur burtay dhowr iyo labaatan sano ka hor biyaha Badda Soomaaliya.

Guddoomiye Taabid oo dhiirogelin u sameeyey ciidamada sugaya amniga Caasimadda

0

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa uu ku meer ku tagay saldhigyo ay ka howlgalaan ciidamada ammaanka,kuwaasi oo baara gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa caasimadda,kuwaasi oo ku sugan  deegaanka siinka dheer ee duleedka Koonfureed ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mudadii uu ugua jiray booqshadiisa Guddoomiye Taabid waxaa uu ku amaanay ciidamada sugaya nabadgeliyada caasimadda,sida ay u muujinayaan dhabar adayd,kuwaasi oo ka hortaga dhagaraha argagixisadu ay u soo maleegeyso shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa markii halkaasi uu tagay wuxuu kulan la yeeshey saraakiisha ciidamada sugaya amniga caasimadda,isagoo balanqaaday in laga warhayn doono,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay la qeybsan doonto dadkaasi dhibaatada.

Talaabadan uu ku dhaqaaqay guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed aya dhiirogelinaysaa ciidamada sugaya amniga caasimadda,iyadoo ay in badan ku guuleysteen in ay fashiliyaan falal qaraxyo dhowr ah oo ay soo maleegeen maleeshiyada Alshabaab.

Isbedelo dhanka amniga ah ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho,tan iyo markii loo sameeyay magaalada ciidamo si gaar ah uga howlgala sugiidda nabadgeliyada.

 

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2018-ka

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018-ka qorsheyneyso iney ku talaabsato Horumaro la taaban karo oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Soomaaliya waa socotaa ee qof walba waa inuu horumarka jira sii xoojiyo si aan u wada gaarno doorashooyin shacabku doortaan Madaxdooda,”

Dhanka kale,Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda ay ku tallaabsatay horumar ballaaran Sanadkii dhamaaday ee 2017, iyadoo caqabadihii jireyna lagu xaliyey si Soomaalinimo iyo nidaamka dowliga ah.

“Horumarada la gaaray sanadkii tagay ee 2017 waxaa ka mid ah Amniga, Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka, Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah & G/Benaadir, isku xirka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka, ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, is-dhexgalka bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan baan ku guuleysanay 9kii bilood ee Xukuumadu jirtey (tan iyo 1da April 2017),” Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay Weerarkii Hoyga Senator C/Qeybdiid iyo darbiga Kenya dhiseyso+Sawirro

0

kulanka Gudiga Difaaca ee Golaha Shacabka uu maanta ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu kaga hadlay arinta ku saabsan derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arintaasi oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay ,waxaana Gudiga uu sheegay in arintaasi loo saari doono Guddi xaqiiqa raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee arintaasi.

Sidoo kale Guddiga ayaa inta kulankiisa uu socday cambaareeyay weerarkii 30-kii bishan lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” oo ah mudane ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka.

Xoghaya Guud ee Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in Guddiga Difaaca uu si aad ah uga dooday weerarkii shalay lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo walaaca ka taagan darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Beledxaawo iyo Kenya.

Gaba gabadii Guddiga ayaa Magacaabay 5-Xubnood oo ay iska soo xuleen kuwaasi oo baaritaano ku sameynaya sababta ka dambeysay weerarka Hoyga Sanoter Cabdi Qeybdiid iyo cida weerartay intaba.

Hooyo Nasro oo Madaxda Qaranka iyo Bulshada ka codsatay in la caawiyo wiilkeeda oo aan lahayn meel uu ka saxaroodo {SAWIRRO}

0

Bashiir Maxamed Maxamuud oo ah Wiilkan yar Ee idiin muuqda kaas oo hal sano jir ah waxaa uu dhashey isagoo aan lahayn meel uu ka saxroodo, tan iyo markii uu dhashey ilaa hadda waxaa lagu sameeyey 3-Qaliin balse laguma guulaysan Qaliimadaas.

Wiilkaan yer oo ay  haysato dhibaato xanuun oo daran ayaa ka soo jeeda qoys danyer ah, waxaana ay hooyada dhashay noo sheegtay in ay ka keentay Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyadoo loo keenay si caafimaad uu uga helo caasimada dalka ee Muqdisho Balse waa lagu guul dareestay taana.

Nasro Xaashi Maxamuud oo ah hooyada dhashey Bashiir ayaa ka sheekeynaysa marxaladihii ay la soo martay wiilkeeda yar ee xanuunsanaya waxaana ay xustay in uu ku dhashay xaaladaan adag ee uu ku jiro.

Maama Nasra waxaa ay ka codsata Bulshada Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka in laga caawiyo caafimaad dibada ah oo wiilkeeda uu helo maadaama loo sheegay in aan dalka wax looga qaba karin .

“Mudo 11 bilood ah waxaan hadba meel kala dhacayay xaalada wiilkeyga yar oo aan caafimaad u raadinayay lix kale oo aan dhalay war kama hayo mudadaas aabahood iyo iyagaba waxaan ogahay kaliya in xoolihii aan dhaqaneynay abaartii ka dhacday dalka ay maratay ” ayay hadalkeeda sii raacisay Hooyo Nasro.

Bashiir Maxamed Maxamuud oo ah Wiilkan yar Ee idiin muuqda kaas oo hal sano jir ah waxaa uu dhashey isagoo aan lahayn meel uu ka saxroodo, tan iyo markii uu dhashey ilaa hadda waxaa lagu sameeyey 3-Qaliin balse laguma guulaysan Qaliimadaas.

Wiilkaan yer oo ay  haysato dhibaato xanuun oo daran ayaa ka soo jeeda qoys danyer ah, waxaana ay hooyada dhashay noo sheegtay in ay ka keentay Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyadoo loo keenay si caafimaad uu uga helo caasimada dalka ee Muqdisho Balse waa lagu guul dareestay taana.

Nasro Xaashi Maxamuud oo ah hooyada dhashey Bashiir ayaa ka sheekeynaysa marxaladihii ay la soo martay wiilkeeda yar ee xanuunsanaya waxaana ay xustay in uu ku dhashay xaaladaan adag ee uu ku jiro.

Maama Nasra waxaa ay ka codsata Bulshada Soomaaliyeed iyo madaxda Qaranka in laga caawiyo caafimaad dibada ah oo wiilkeeda uu helo maadaama loo sheegay in aan dalka wax looga qaba karin .

“Mudo 11 bilood ah waxaan hadba meel kala dhacayay xaalada wiilkeyga yar oo aan caafimaad u raadinayay lix kale oo aan dhalay war kama hayo mudadaas aabahood iyo iyagaba waxaan ogahay kaliya in xoolihii aan dhaqaneynay abaartii ka dhacday dalka ay maratay ” ayay hadalkeeda sii raacisay Hooyo Nasro.