Home Blog Page 1373

Trump iyo KIm Jon Un oo qarka u saaran in ay fooda is daraan

0

Mareykanka(SONNA) Xukuumadda Pyongyang ayaa waxa ay soo saartay jawaabtii ugu horraysay ee ay ka bixisay booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya,gaar ahaan wadamada xulufada la ah Mareykanka.

War qoraala h oo ka soo baxay Madaxtooyada Waqooyiga Kuuriya waxaa gaashaanka loogu daruuray waxa ay ugu yeertay booqashada loogu durbaan tumayo dagaalka, taas oo aanan ka hor istaagi doonin Waqooyiga dhismaha barnaamijkeeda Nukliyeerka ee Dalka Kuyaala Assia ee Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweynaha Wadanka Mareykan ayaa  Dhanka kale bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu la yaaban yahay sababta hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u aflagaadeeyay kaddib markii uu yiri waa nin da’ ah, hasayeeshee uusan weligii cay ugu jawaabayn oo uusan oranayn waa “nin gaaban oo buuran”.

Bayaankeedii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee ay dowladda Kuuriyada Waqooyi ka bixiso booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya, ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga waxa ay ku sheegtay in ay booqashadan muujinayso inuu ku raadinayo dagaal dhanka nukliyeer ah.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Bayaankan in hadallada aan ka fiirsiga laheyn ee uu ku dhawaaqayo ninka da’da ah ay dalkaasi ku sii dhiirigelinayaan inuu sii wado dhismaha barnaamijkiisa nukliyeerka.

Donald Jey Trump oo ku sugan waddanka Vietnam ayaa bartiisa Twitter-ka ugu soo jawaabay hadalka Kuuriyada Waqooyi isagoo su’aal galiyay sababta uu u aflageedaynayo Kim Jong-un oo uu ugu yeerayo inuu yahay nin da’ ah, isagoo sheegay in uusan weligii ninkaasi ugu yeeri doonin inuu yahay nin gaaban oo buuran.

20.000 oo dollar oo la duldhigay horjooge Shabaab katirsan oo Kenya kusugan

0

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeyeey ay jirtay cabsi laga qabay in Alshabab ay weeraro ka geystaan dalka Kenya,ayaa waxaa soo baxaya digniino horleh waxaana jira lacago la duldhigay madax horjooge Shabaab katirsan.

Sida ay baahinayaan warbaahinta Dalka Kenya,Taliska Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa sheegay in  20.000  oo dollarka Mareykanka ah uu Mareykanku duldhigay madaxa horjooge kajirsan Alshabab,kaasi oo magaciis alagu soo koobay  Cali zira,wuxuuna qaabilsan yahay dhanka qaraxyada iyo dilal qorshesan oo ka dhacay xeebaha Kenya,oo cabsi badan ay kajirtay beryahan dambe.

War uu soo saarey Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in xoga ay heleen hay’adaha ammaanka Dalkaasi ay muujinayaan in horjoogayaasi uu ku biiray Alshabaab sanadka markii ahaa 2012kii,wuxuu Soomaaliya ku qaatay tababar kadibna uu ku laabtay Dalka Kenya,sidaasina waxaa laga soo xigtay Laamaha mmaanak dalkaasi.

Waxaa loo balanqaaday qofkasta oo kamid ah bulshada dalka Kenya lacag dhan 20,000 kun oo dollar hadii uu soo sheego xogaha ku saabsan Alshabaab,iyadoo ninkaasi uu ku eedeysan yahay in uu ka dambeeyeyweeraro iyo dilal kala duwan oo ka dhacay Xeebaha Dalka Kenya.

Waxaa heegan ballaaran la geliyay ciidamada ammaanka Dalkaasi Kenya,kuwaasi oo la doonayo in ay ka hortagaan hadii khatar horleh ay timaado.

Wasiir Oomaar”Waxaan Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Muqdisho Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol”.

0

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Amni daro ka jirto Garoonka Magaalada Muqdisho .

Mudane Maxamed C/laahi Salaad ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socdaan Howlaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ayna been abuur tahay warar  maalmahaan ay faafiyeen Qaar ka mid ah Hay’addo waxuuna sheegay in ay la xisaabtami doonaan kuwa Wararka been abuurka ah Faafiyay .

“Garoonka waxaan ku qabanaa maalin kasto oo Sabti ah Shir looga hadlayo Aminga,waxaan maalmahan jiray Warar sheegaya in Goroonka Amnigiisa uu xunyahay waa mid been ah oo aan sal iyo raad laheyn ,waxaana Umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in Garoonka Aadan Cadde Amaankiisu yahay Boqolkiiba Boqol, waxa loo sheegayo ay been yihiin wax isbadal ah oo dhanka Aminga Goroonka majiro maalinba maalinka ka dembeyso wuu sii Hagaagayaa”Ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka XFS

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad Oomaar ayaa ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed iyo Shirkadaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Dalka  in uu sugan yahay Amaanka Garoonka Aadan Cade uuna kamid yahay Garoomada ugu Nabad galyada Badan Gobolka.

Mareykanka oo faah faahiyay duqeymihi ugu dambeeyey ee Al Shabaab lagu beegsaday

0

War qoraal ah oo laga soo saarey xarunta taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee Africa u qaabilsan ayaa lagu faah faahiyay in Duqaynta Habeenkii Jimcaha ahaa laga fuliyay Gobolka Jubadda Hoose meel 20 Mile u jirta Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in deegaano dhowr ah ay ku duqeeyeen Shabaab sida deegaano katirsan Gobolada Bay iyo Shabeelooyinka iyo Jubada Hoose.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa Warka uu soo saaray ku sheegay in weerarkii uu dambeeyay ay isku xirkiisa la kaashadeen Dowladda Soomaaliya.

Ilaa 81 qof oo katirsan koxda Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe,taasi oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo kaashanaya xulufadooda,waxaana dowladda Soomaaliya ays heegtay in weerarkaasi khasaare xooggan uu ka soo gaarey Shabaab.

Weeraradda isadabajooga ah ee Al-shabaab lagu beegsanayo ayaa kordhay Maalmihii u dambeeyay, weerarardaasi waxaa ay kakala dhaceen Goboladda Shabeelaha Hoose, Shabeelaha dhexe Bay, iyo Jubadda dhexe.

Wixii ka dambeeyey 14kii October qarixii ka dhacay isgoyska Soobe ee Magaalaad Muqdisho waxaa sii kordhayay carada laga muujinayo dhibaatada Alshabaab ay u geysanayaan bulshada.

Wasiirka arrimaha Gudaha”Deegaanada Qaar Gole deegaan lagama hirgelinkaro sababo Amni”

0

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya shir ay hogaaminayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo shalay Muqdisho  Furtay Shir looga hadlayey dhisiadda Golaha Deegaanka ayna ka qeyb galeen Wasiiradda Arriamaha Gudaha Maamul Goboleedyadda iyo mamulka Gobolka Banaadir,iyadoo ay ka bilowdeen qeybo akmid ah gobolada Dalka.

Shirka oo wadatashi ah ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlaya dhismaha Golaha Deegaanka ee dhamaan Degmooyinka Gobolada Dalka,waxaaan barnaamijkani taageeraysa Hey’adaha  kashaqeeya Arrimaha Hormarinta Deegaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha ee Maamuleedyadda dalka ayaa sheegay in intooda badaan meel wanaagsan u marayo dhisitaanka Golaha Deegaanka iyo dhameystirka Sharciga Golaha Deegaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa  tilmaamay in deegaanadda qaar aysan suurto gal aheyn in laga sameeyo Gole Deegaanka Xaalad Amni awgeed balse Deeganada kale sida ugu dhaqsiyah badan looga hirgalin doono.

Wasiir Juxa waxaa kale oo uu sheegay in looga baahan yahay Maamul Goboleedyadda inay qeyb ka qaataan in lameel mariyo Sharciga Gobolaha Deegaanka si-dhaqso loo helo Gole Deegaan.

Hadda waxaa Golaha Deegaanka sameystay oo kaliya dhamaan Degmooyimka Soomaaliya Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool oo kaliya waxaana ay ka kooban yihiin 27 Qof.

Balse waxaa soconaya dadaalo ku aadan sidii gobolada kale loo gaarsiin lahaa dhismaha golayaasha deegaanka,taasi.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo la wareegtay daryeelka gabar saxafiyad ah oo ku dhaawacantay weerarkii Hotel Naasa Hablool laba+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)-Deeqo Cubeyd Maxamuud oo ah Wariye ka howlgaleysay Radio Afgooye islamarkaana ka mid aheyd dadki ku dhaawacmay weerarkii 28-kii bishi hore ka dhacay hoteelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda caafimaad ay soo hagaageysaa.

Wariye Deeqo oo marki ay dhaawcantay ka dib aan helin daryeelkii loo baahnaa ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada heysata waxa ay damaanad qaaday daaweynta wariyaha iyadoo hada la jiifiyay isbitaalka Sheekh Sayid ee Imaaraatka Carabta oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ ayaa booqday isibitaalka lagu daweynayo wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud iyagoo u kuur galayay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee wariyaha.
Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) sida uu isaga xil saaray ka warqabka xaalada caafimaad ee wariyaha dhaawaca ah.

“Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Warfaafinta waxaan mahadcelin ballaaran u jeedinayaa Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo kasoo jawaabtay codsigii Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow kaasoo ahaa in daryeel caafimaad loo fidiyo Deeqa Cubeyd oo dhaawac kasoo gaaay weerarkii 28 Oct ka dhacay magaalada Muqdisho, safaaradda aad ayay ugu mahadsantahay jawaabta dag dagga ah, manta oo sabti ah ayay noo suuragashay in Deeqa laga soo saaro cisbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Muqdisho, laguna soo wareejiyo Cisbtiaalka Sh Zaa’id ee magaalada Muqdisho si loogu daweeyo” sidaas ayuu yiri xiriiriyaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay Ismaaciil Muqtaar Cumar.

Agaasimaha Radio Afgooye Maxamed Muuse Cismaan ayaa amaanay sida Wasaaradda Warfaafintu ay dusha u saaratay daryeelka iyo ka warqabka xaaladda caafimaad ee Wariye Deeqo Cubeyd Maxamuud oo kamid aheyd dadkii ku daawacmay weerarkii 28-kii October ka dhacay hoteelka Naasa-hablood 2 ee magaalaga Muqdisho.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo muujiyay dadaal ballaaran oo la xiriira sidii loogu gurman lahaa gabadhaasi suxufiyadda ah ee ka howlgasha radio Afgooye oo ka howlgala dagmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

SONNA

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meelmariyay Hindise Sharciyeedka Biyaha

0

Muqdisho(SONNA)-Kalfadiga 2-aad kulankiisa 28-aad ee mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ugu horeyn warbixin looga dhageystay guddigii loo xil saaray in ay kasoo baaraan degaan qaraarkii Xukuumadda ee lixdii September, waxaana Xildhibaana Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu sheegay in ka guddi ahaan ay meel gaba gabo ah u mareyso warbixintaasi.
Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada Golaha u jeediyay in ay cod geliyaan Hindise Sharciyeedka biyaha oo ay Xildhibaanada horey uga doodeen waxaana ogolaatay 147, mudane, iyadoo saddex Mudane ay diideen sida uusheegay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sidoo kale ka codsaday gudiga kheyraadka dabiiciga ah ee golaha in uu ku lifaaqo warbixintiisa oo uu u gudbiyo Golaha Aqalka Sare si ay uga gutaan waajibkooda.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa u mahad celiyay guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddiga Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Shacabka dadaalkii ay geliyeen sharcigan.

Intaasi kaddib waxaa la guda galay warbixinta guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka ee ku aadan xisaab xirka 2015-ka iyo 2016-ka, waxaana guddiga uu gaba gabada warbixntiisa kaddib uu ku taliyay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in la fuliyo arrimaha uu Baarlamaanku go’aanada kasoo saaray ee ku lifaaqnaa ansixinta miisaaniyadda, gaar ahaan qarashaadaka ku saabsan nidaamka miisaaniyadda iyo bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo qaansheegatooyinka baaqiga ku ah Xukuumadda, iyadoo loo sameynayo qorshe cad oo waqtiyeysan meel marintooda, in mar kuuyimaado koror amaba is dhin miisaaniyadeed la sameeyo miisaaniyad ku celin xili munaasib ah sida uu qabo sharcigu iyo in Wasaaradda Maaliyadda ay qabsato shaqadeeda dakhli uruurin oo aysan cid kale u xilsaarin taasi oo sababtay hoos u dhac weyn oo dhinaca dakhliga ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta guddiga Maaliyadda ee ku aadan xisaab xirka 2015 iyo 2016-ka waxaana ugu dambeyn kulanka soo xiray Gudoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo xariga ka jaray xarrunta cusub ee Telefishinka Jubbaland.

0

iyadoo la fulinayo heshiiskii dhawaan magaalada Muqdisho ay kuwada saxiixdeen Agaasimaha TV-ga qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Agaasimaha TV-ga Jubbaland oo qeexayay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac ayaa maanta si rasmi ah loo furay xafiis Wasaarada Warfaafintu ay siisay TV-ga Jubbaland kaasi oo uu xariga ka jaray Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.
Agaasimaha Telefishinka qaranka Soomaaliyeed mudane Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in TV-ga qaranku uu si dhow ula shaqeyn doono muuqaal baahiyaha Jubbaland ,isagoona dhanka kale xusay in warbaahinta dowlad goboleedyada kale ay Wasaaradda Warfaafintu siin doonto xafiisyo ay ku shaqeeyaan.
Agaasimaha Telefishinka Jubbaland Yuusuf Xasan Cadaani ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya sida ay uga go’an tahay la shaqeynta warbaahinta dowlad goboleedyada iyo tan gaarka loo leeyahay arintaasi oo uu sheegay inay fududeyneyso wacyigalinta bulshada.
Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ka hadlay xarig ka jarka xarrunta Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Warfaafinta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ,wuxuuna si gaar ah u bogaadiyay Jubbaland TV oo marwaliba wada shaqeyn dhow laleh Telefisihinka Qaranka (SNTV)
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe ku howlaneed kor u qaadista xiriirka wada shaqeyneed ee Warbaahinta qaranka iyo warbaahinta dowlad goboleedyada iyadoo hadda Wasaraddu bilaawday in Telefishinada dowlad goboleedyada xafiisyo laga dhax siiyo xarrunta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-Guddoomiyey Shirka Amniga oo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.(SAWIRRO)

0

Muqdisho, 11 November 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey howlgalka ciidamada ee Shabeelooyinka ka socda iyadoo beesha caalamka ay goob joog ahaayeen.

Shirkan muhiimka u ah amniga ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Francisco Madiera, Safiirka Midowga Yurub Veronica Lorenzo, Safiirada UK, US, Uganda, Ethiopia, Italy, China, Kenya iyo Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Mudane Xuseen Carab Ciise iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo shirka furay ayaa khudbad ku aadan horumarka dhanka amniga halkaas ka jeediyey isagoo sheegay in shirkii London ee bishii May, dhammaan howlihii lagu heshiiyey ay Dawladda Federaalka sameysey welina wado qorshaha hubinta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qiimeyn lagu soo sameynayey bishii hore welina socota. Wasaarada Gaashaandhiga ayaa khubaro iyo Wasiir ku xigeenka u dirtay gobollada dalka oo lagu soo tiro koobayey ciidamada XDS laguna dhiirigelinayey howlgalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay soo celinta amniga iyo kala danbeynta, ugana mahadceliyey beesha caalamka doorkooda ku aadan xasilinta dalka.

RW Khayre ayaa ka codsaday beesha caalamka inay fursadan hadda jirta ee shacabka uu diyaarka u yahay in lala dagaalo kooxaha argagaxisada ah looga baahanyahay inay waxii kaalmo ah si deg-deg ah ula soo gaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM si loo dar-dargeliyo howlgalada lagu jihaadayo argagaxisada. RW Khayre ayaa u mahadceliyey wadmada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay kaalin mug leh uga qaataan dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah. RW Khayre ayaa sheegay booqashadii Madaxweynaha ee wadamada deriska ay ay madaxda dalalkaas isku raaceen in la dardargeliyo howlgalada military eek a dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

RW Khayre ayaa ugu danbeyntii sheegay in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ay isla meel dhigeen hirgelinta Istraatejiyada Amniga Qaranka oo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la isla meel dhigay dhammaan qorsheyaasha amniga dalka kuna heshiiyey in si adag looga wada qeyqaato howlgalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagaxisada ah.

Ciidamamda Soomaaliya oo burburiyey xaruntii Qaraxyada Al-shabaab

0

Muqdisho(SONNA):—Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgallda ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga fuliyay qaar ka mid ah Gobollada Dalka.

 
Wasiir Yariisow ayaa xusay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoos iyo Jubbooyinka ayna jiraan Khasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.

“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

 

Mudane Yariisow ayaa ayaa sidoo kale sheegay in Weerarradaasi ciidammada geesiyaasha ah ay qaadeen in lagu burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan  ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.

Howlgalladan  waxaa si taxadar leh u fuliyey ciidammada Soomaaliya oo si nabad ah ugu soo laabtay xarumihii ay ka tageen.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya ayaa markale uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan.