Eng. Yariisow“Waxaa naga go’an in aan dhisno Hay’adihii Dawladda Hoose Si shacabka ay u helaan adeegyada ay uga baahanyihiin”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Yaaqshiid oo dib-u-dayactir lagu sameynayo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay dhismaha xarumaha dawladdaha Hoose ee Xamar, si loo fuliyo adeegyada loogu qabto bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in door kooda ay ka qaataan dhismaha xarumaha danta guud.

“Maamulka iyo Bulshadu haddii ay iskaashadaan waa ku guuleysan karaan Horumarinta degmada Yaaqshiid, waa in aad u istaagtaan ka qeyb galka dhismaha xarunta degmada, haddii aad dhisataan degmadiina waxaad tusaale u noqon doontaan degmooyinka kale ee gobolka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulka uu hoggaamiyo diyaar u yahay wax walba oo tabartooda ah si loo xaqiijiyo adeegyada ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Maamulka gobolka, kan degmada iyo dadweyne kale oo dhammaantood boggaadiyey isku tashiga iyo diiranaanta shacabka ku nool degmada Yaaqshiid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...