Eng. Yariisow“Waxaa naga go’an in aan dhisno Hay’adihii Dawladda Hoose Si shacabka ay u helaan adeegyada ay uga baahanyihiin”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Yaaqshiid oo dib-u-dayactir lagu sameynayo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay dhismaha xarumaha dawladdaha Hoose ee Xamar, si loo fuliyo adeegyada loogu qabto bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in door kooda ay ka qaataan dhismaha xarumaha danta guud.

“Maamulka iyo Bulshadu haddii ay iskaashadaan waa ku guuleysan karaan Horumarinta degmada Yaaqshiid, waa in aad u istaagtaan ka qeyb galka dhismaha xarunta degmada, haddii aad dhisataan degmadiina waxaad tusaale u noqon doontaan degmooyinka kale ee gobolka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulka uu hoggaamiyo diyaar u yahay wax walba oo tabartooda ah si loo xaqiijiyo adeegyada ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Maamulka gobolka, kan degmada iyo dadweyne kale oo dhammaantood boggaadiyey isku tashiga iyo diiranaanta shacabka ku nool degmada Yaaqshiid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey xeer-nidaamiyaha Xukuumadda 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Bandhigga Suuq-weynaha Muqdisho oo galay maalintii labaad

Bandhigga oo sanadkii 6-aad ka qabdoomay magaalada Muqdisho wayaa...

Soomaaliya iyo muritaaniya oo iska kaashanaya ka hortagga musiiboyinka 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane.Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo Iskaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...