Wasiirka Cadalaladda Xukumada Federalka Soomaliya oo xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Dowladda Talyaaniga u Fadhiyo soomaliya

Date:

Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya waxayna kawada hadleen arrimaha Cadaaladda,  intii uu kulankan  socday ayaa wasiirka iyo safiirka waxa ay kormeereen qeybaha kala duwan iyo Xafiisyada Wasaaradda

Wasiirka Caadaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka gacansineysa Tayeeynta iyo hormarinta Wasaaradda.

Dhanka kale Wasaaradda ayaa maantaTababar  lagu barandoono habraaca iyo sharci dejinta ee cadaalada dalka u furtay Shaqaalaha Wasaarada Cadaaladda iyo Wasaaradaha Caaladda Maamul Gobleedyada Xubnaha ka ah dowladda dhexe si loo helo shaqaale qibrad u leh qorista iyo shaci dejinta.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in tabababar dheeraad ah ay u baahanyihiin shaqalaaha  Wasaaradaha si loo xoojiyo xirfadooda aqoneed.

Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeyay waday qorshooyin lagu hormarinyo dhisida sharci dejinta iyo hormarinta cadaaladda  dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...