Wasiirka Cadalaladda Xukumada Federalka Soomaliya oo xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Dowladda Talyaaniga u Fadhiyo soomaliya

Date:

Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya waxayna kawada hadleen arrimaha Cadaaladda,  intii uu kulankan  socday ayaa wasiirka iyo safiirka waxa ay kormeereen qeybaha kala duwan iyo Xafiisyada Wasaaradda

Wasiirka Caadaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka gacansineysa Tayeeynta iyo hormarinta Wasaaradda.

Dhanka kale Wasaaradda ayaa maantaTababar  lagu barandoono habraaca iyo sharci dejinta ee cadaalada dalka u furtay Shaqaalaha Wasaarada Cadaaladda iyo Wasaaradaha Caaladda Maamul Gobleedyada Xubnaha ka ah dowladda dhexe si loo helo shaqaale qibrad u leh qorista iyo shaci dejinta.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in tabababar dheeraad ah ay u baahanyihiin shaqalaaha  Wasaaradaha si loo xoojiyo xirfadooda aqoneed.

Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeyay waday qorshooyin lagu hormarinyo dhisida sharci dejinta iyo hormarinta cadaaladda  dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...