Home Blog Page 1367

Degreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu magacaabey guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare ee maamulkaasi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee K/Galbeed oo markii ugu horeysay uu yeesho Dowlad Goboleedka K/Galbeed.

0

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Axmed Cali Muuse,kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax  oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Sidoo kale Degreetada xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ka soo baxday waxaa lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta Xilalka loo magaacaabey  ay xilkooda u gutaan si hufan, islamarkaana si Caddaalad iyo Sinnaan Ku Jirto Ugu Adeegaan, Adeegyada ay uga baahanyihiin bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka Wadatashiga Abaarihii ku dhuftey Somaaliya sannadihii 2016-2017 ayaa lagu qabtey Magallada Kismaayo ee Maamul Goballeedka Jubaland.

0

Shirkaani oo lagu daraasadeynayey abaarahii 2016-2017 oo lagu qabtey magaalada kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galey masuuliyiin ka Socotay Wasaaradda Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mamul Gobolled-yada dalka,  waxaa si wadajir ah la isugu raacay sidii looga hortagi lahaa  Raadadkii ay Reeben Abarahii Ku Dhuftey dalka, deegaannad ugu daran iyo in la helo macluumaadka xal u helidda iyo ka hortagga abaarta.

Wasaarada Qorsheynta Soomaaliya ayaa wadday muddooyinkii dambe uruurinta xogta la xiriirta saameynta abaarihii dalka ku dhuftay sannadkii dhammaadey iyo sannadkii ka sii horreeyey, si xal loogu helo sababaha ay abaarahaas u soo laa laabtaan, iyadoo lagu dabaqi doono sida looga hortagi karo abaarahaas.

Sidoo kale Daraasadka ayaa lagu qeexi doonaa Dhibaatatdii  ka dhalatey, waxaana wacyigelin loo sameyn doonaa dadkii ay saameynta xooggan ku reebtay abaarta.

Madaxweyne Farmaajo oo ka degay Gaalkacyo

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa la filayaa inay caawa ku hoydaan magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu  kula kulmo waxgaradka, bulshada dhinacyadii magaaladaan isku hayey iyo saraakiisha ciidanka amniga.

Waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maaamulka Gobolka Mudug ee labada dhinac iyo kumanaan dadweynaha magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu uga gudbo Gaalkacyo, deegaanada kale ee Galmudug, sida Cadaado, Caabudwaaq, Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiisyo iskaashi wada saxiixdey

0

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis wax is dhaafsi ganacsi oo dhinacyo badan leh, kaddib markii ay yeeshyeen shir ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa dowladda Turkiga u bandhigay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya iyo sidii iskaashiga labada dal u dhaxeeya loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa si rasmi ah heshiiska qalinka ugu duugay, waxanay tallaabadan fursad weyn u noqon doonta Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhiggiisa Turkiga u bandhiggay sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskan, isla markaana looga mira dhalin lahaa.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga, si ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia, Turkiga ayaa iyaguna qaadan doona Khayraadka dalkeenna, sida Kaluunka, dalagga Beeraha iyo xoolaha.

Shirka dib u eegista socdaalka oo ka furtay Cadaado

0

Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta ka furmay Shirka Wadatashiga Dib u eegita Shirciga Socdaalka Soomaliya, waaxana shirkani daahfuray la taliyaasha dhanka sharciga ee Hey’adda SOcdaalka iyo Jinsiyadda C/nasir Hashi iyo Safiya Shire.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka socotay xildhinaada iyo wasiirada Galmudug oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka, waxaana ay dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhax, balse hadda la qaatay nidaamka Federaalka.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa dhawaalahaanba ku jirtay dadaalo lagu doonayo in dib loo howgaliyo dhammaan xafiisyo ku kala yaal Gobolada Dalka iyo dib u eegista Sharciyada Socdaalka, iyadoo Agaasimaha Hey’addaasi uu dhawaan kormeer ku sameeyay Xafiisyada Hey’addaasi ku leedahay Magaalooyinka Dooloow, Beled Xaawo, Boosaaso iyo kuwa kale.

Galmudug Oo U Diyaarsan Soo Dhaweynta Madaxweynaha Dalka.

0

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)

Mudane Xaaf ayaa sheegay in maalinka Isniinta ah uu Madaxweynaha tegi doono Magaalada Cadaado, dhammaan shacabka Galmudugna ay si niyad sami ah ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta Farmaajo.

Wuxuu sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaannada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira dhulka Galmudug ee ay abaaruhu halakeeyeen iyo degaannada horumarinta u baahan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo ayaa Todobadii Bishan booqasho ku tegay Magaalada Garoowe iyo degaanno ka tirsan Puntland, isagoo dhawaan ugu sii gudbi doono Galmudug, wuxuuna socdaalkani yahay mid nabadeed oo laysugu soo dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Gaalkacyo oo laga hir-gelinayo Garsoor ciidan oo ka madax banana Maamulada Galmudug iyo Puntland….

0

Wafdi uu hugaaminayo taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  oo ay wehliyeen, xildhibaanada labada  aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadd Ciidamada Qalabka Sida  ee Soomaaliyeed  ayaa u joogo  Magaalada Gaalkacyo  dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi.

Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan  Qeybaha  21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah eey ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya isla markaana eey hadda heleen gunnooyin  iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya  ku wareejisay sida uu u sheegay SNV G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu u sheegay SNTV in ay la kulmeen dhammaan qeybaha bulshada oo ay kala hadleen sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa nabad gelyada.

Gaalkacyo waxaa ka jiray ciidama beeleedyo, maleeshiyaad aan ka amar qaadan labada maamul ee halkaas ka jiro,  ka ganacsiga maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan oo laga keeno magaalada meel ka baxsan, waxaana arrimahaasi dhan oo is biirsaday ay sababeen isku dhacyada ciidamadaasi oo loo tiirin jiray qabiilada iyo maamulada halkaasi ka jiray balse taasi waa la sooafjaray oo cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada.

Maxkamad Ciidan oo  heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi ayaa laga hirgeliyay magaalada taasi oo la shaqeyn doonto ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda waxa ayna maxkamaddaasi qaadi doonto dacwad kasta oo hubeysan oo lid ku ah amniga magaalada sida uu  u sheegay SNTV G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaalkacyo ayaa la filayaa in ay marti geliso wafdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hugaaminayo oo socdaal loogu  magac daray socdaalka nabadda ku marayo deegaano badan oo ka tirsan goballada dhexe.

QM oo ugu baaqday Maamulada Somaliland iyo Puntland in ay ka wada hadlaan xasaradaha ka jira Gobalka Sool.

0

Ergeyga ugu sareeya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku baaqay daganaansho iyo wada hadal Somaliland iyo Puntland.

Isagoo joogo magaalada Hargaisa oo xarun u ah Somaliland  ayuu yiri Michael Keating “ waa in la yareeyaa xiisadaha lana kordhiyaa wada hadalka si dhakhso ah, waana in la cadeeya isfaham la’aanta jirto”.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ayuu uga hadlay kulankii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa degnaashaha iyo xasillnooda guud ee mandaqadda.

Horraantii toddobaadkan, waxaa jiray isku dhacyo dhexmaray ciidamada ammaanka gobolka Sool oo ah meelaha lagu muran san yahay.

Waxayaabaha  la isku soo qaaday waxaa ka mid ah haab dhismeedka iyo shaqooyinka hor yaalla golaha wasiirrada cusub, taas oo u baahan in la iska kaashado sidii loo dhaqaajin lahaa howlaha soo socda.

Ergayga QM ayaa sidoo kale la kulmay wasiirro dhowr ah oo ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland isagoo kala hadlay arrimaha waxbarashada, caafimaadka, amniga, saameynta abaarta iyo shaqada yarida sidii looga gudbi lahaa, iyadoo  Qaramada Midoobay taageero laga helayo.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda dhexe Ee Soomaaliya oo Booqday Xarumaha Hey’adda Ee Boosaaso.

0

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi, ayaa maanta gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri, isagoo kormeer howleed ku sameeyey qaar kamid ah xarumaha hay’adda halkaasi ay ku leedahay.

Agaasimaha, ayaa waxuu soo indha indheeyey sida ay u socdaan shaqooyinka xarumihii uu booqday ay Bulshadda Soomaaliyeed u hayaan, waxaana meelihii uu booqday kamid ah:-

-Qeybta socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

-Xaafiiska Socdaalka ee Dekadda Caalamiga ah ee Boosaaso.

-Xaafiiska Bixinta Baasaboorada ee degmadda Boosaaso.

-Dugsiga Tababarka ee HSJ ee Boosaaso.

Kormeerkan uu agaasimaha ku sameeyay xarumahan, ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa sidii loo sii dardargalin lahaa howlaha ay Hay’addu ka qabato Magaalada Boosaaso ee Xarunta Barri.

 

Shirka Golaha Wasiiradda XFS oo maanta looga hadlay Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka…

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre,  ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale,  waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka Golaha wasiiradda ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Golaha warbixinadii lasoo hordhigay ee Amniga ku saabsan ay kamid yihiin in Shaqsi 60 jir ah oo ku nool Gobolka Shabeellaha hoose uu la dagaalamay Maleeshiyaad Nabad diidka Alshabaab ka tirsan, kadib markii ay isku dayeen inay ka qaadaan Lacago baad ah, islamarkaana uu iska dhiciyey.

“Golaha waxay warbixino ku aadan xaaladda dalka uu marayo ka dhageysteen Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga, iyaggoo sheegay in ay socdaan dadaalo badan oo amniga ku saabsan, lana sii kordhin doono, Wasiirka Amniga waxuu uga mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeeyaan hay’addaha Amaanka iyo xogaha ay siiyaan, sidoo kale waxa uu xusay Shaqsi Lixdan jir ah oo jooga Gobolka Sh/hoose inuu la dagaalay Maleeshiyada Alshabaab, iskana dhiciyey, taasna waxay ku tusineysaa in Shacabka uu u istaagay in amnigooda ay ilaashadaan” ayuu yiri Wasiir Eng Yariisoow

Wasiirka oo sii hadlayey, ayaa sheegay in sidoo kale Golaha wasiiradda ay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, isaggoo golaha u sheegay in wasaaradda ay wado dadaalo dib u habeyn loogu sameynayo Wasaaradda Difaaca iyo howlaheeda.

” Wasiirka Gaashaandhigga waxuu ka hadlay dib u habeyn lagu sameynayo Wasaaradda gaashaandhigga iyo howlaheeda, ha noqoto qorshaha u degsan iyo Xeerka anshaxa Ciidanka Xoogga dalka oo isaguna si wanaagsan u socdo, intaas ka dib wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshadda ayaa waxuu soo hordhigay golaha Wasiiradda Sharciga shaqaallaha Rayidka ee Dowladda oo dib u habeyn lagu sameeyey” siddaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.