Home Blog Page 1367

ila 6 qof oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshi katirsan Shabaab oo lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday Shabeelada Hoose.

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn hor leh oo xagga circa ah xalay lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshi katirsan Alshabaab.

C/fataax Xaaji Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelada Hoose ayaa SONNA u xaqiijiyay sheegay in duqeyntaasi lagu dilay ilaa 6 qof oo katirsan Shabaab kuwaasi oo isugu jira horgoogayaal maleeshiyaad  oo Alshabaab katirsan.

Duqeynta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Iidow Jalaad oo khayaas ahaantii 30 KM u jira degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.

C/fataax Xaaji Cabdulle  ayaa sheegayaa in xiligii falka uu dhacayay Shabaabku ay saarnaayeen Mooto Bajaaj halkaasi ku safraysay,mana jirto faah faahin intaasi sii dheer.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaaa sheegaya in aanay jirin inta la ogyahay wax dhibaato ah oo ka soo gaartay dadka shacabka ah ee kunool deegaankaasi.

Dowlada Soomaaliya oo soo Bandhigtay Shan Ruux oo loo qabtay Qaraxii Soobe

0

Dowlada Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Magacyada shaqsiyaad ku lug yeeshay qaraxii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee 14-kii bishii la soo dhaafay Octoober ka dhacay magaalada Muqdisho, ka dib baaritaano dheeri ah oo ay sameeyeen Hay’adaha amaanka.

Wasiirka Amniga gudaha ee dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa waxayna kala yihiin

  1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
  2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado
  3. Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
  4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
  5. Abdullahi Abdi Warsame

Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji) –

 

Ciidamada NISA oo qabtay Raashin qurmay oo aan wali laga soo bixin dekada Muqdisho

0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Kumanaan Loor oo raashin qurmay ah, isla markaana aan wali laga soo bixin dekada magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha uu wehliyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqday goobaha lagu qarinayay raashinka dhacay oo la doonayay in magaalada la soo galiyo.

Howlgalkan sirdoonka ee guuleystay waxaa la wareegay hogaanka baarista ee HSNQ.

Ciidamada Nabad sugida ayaa dhowr jeer sidaan oo kale ugu guuleystay inay fashiliyaan raashin dhacay oo la doonayay in lasoo galiyo magaalada Muqdisho.

Tvgii Qaranka Zimbabwe oo lala wareegay iyo Militari ku wareegsan caasimadda

0

Haraare ee xarunta Dalka Zimbabwe,Ciidammo Militariga dalkaasi Zimbabwe ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen xarunta guud ee telefishinka qaranka ee magaciisa loo soo gaabiyo ZBC,xili ay jiraan xisado siyaasadeed.

Waxaa la maqlayaa Israsaasayn culus iyo dhawaqa gantaallo dhanka waqooyi, inkastoo aysan caddayn waxa ay xaaladdu ku sugan tahay,Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal hadal ah oo ka soo yeeray madaxweyne Robert Mugabe 93 jir ah,dadweynaha reer ZImbabawe ayaa aad u walaacsan

Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

Taliyaha ciidamada Militariga Dalka Zimbabwe Generaal Constantino Chiwenga ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe ka dib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii.

Safiirka Zimbabwe ee Koonfur Afrika Isaac Moyo wuxuu meesha ka saaray wax afgambi ah, wuxuuna sheegay in ay dawladdu wali shaqaynayso.

 

Xaaladdan ka sii daraysa ayaa timid ka dib markii xisbiga talada haya ee Zimbabwe uu taliyaha ciidammada ku eedeeyay “khiyaano qaran” ka dib markii uu ka digay in ay macquul tahay in milatarigu uu xaaladda soo farogaliyo.

Chiwenga ayaana sheegay in milatarigu uu u diyaarsan yahay in uu soo afjaro khilaafka xisbiga Zanu-PF

Xiisadduna waxay cirka isku sii shareertay Talaadadii markii gawaari qafilan lagu arkay iyaga oo ka boos qaadanaya duleedka wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Harare, inkastoo uusan caddayn ujeedadoodu.Milatari la wareegay telefishinka qaranka Zimbabwe.

 

Waiirka arrimaha dibadda XFS oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa shalay ku qabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya H.E. Mr. Qin Jian, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Safiirka China ee Soomaaliya Amb.Qin Jian ayaa sheegay in Xisbiga Shuuciga ee China “CPC” shirkoodii qaran ee 19,aad ee October qabsoomay lagu go’aamiyay in Xisbiga uu dadaal ku bixiyo nooc cusub oo xiriir caalami ah oo ku dhisan xushmad isdhaafsi, cadaalad iyo iskaashi faaido u leh labada dhinac, isagoo caddeeyay in China ay taageereyso dadaalka Soomaaliya ay ku ilaalinayso madax banaanideeda qaran, badbaadada dhulkeeda, nabaddeeda, ammaankeeda iyo horumarkeeda, isagoo muujiyay in dowladdiisu danaynayso weji cusub oo xiriir labada dal ay yeeshaan si loo xoojiyo howlaha nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiir Yuusuf Garaad Cumar xmed ayaa yididiillo ballaaran ka muujiyay in xiriirka Soomaaliya-China uu galo waa cusub oo dana wadaag ah, isagoo boggaagiyay guulaha laga gaaray shirka Qaran ee 19,aad ee Xisbiga Shuuciga ee China “CPC”, waxa uuna ka mahadceliyay taageerada China ay u fidiso Soomaaliya, isagoo sheegay in mashaariicdii China ee hore uga fulay Soomaaliya ee weli muuqda ay yihiin wax caddeyn ugu filan xiriirka saaxiibtinimo ee qotada dheer ee labada dal iyo labada shacab ay wadaagaan.

Kulankan oo ku dhammaaday jawi guul xambaarsan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Asia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mr. Shirwa Abdullahi Ibrahim iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Muqdisho.

R/wasaare Kheyre “Siddeed bilood ayaa wada shaqeyneynaa Madaxweyne Farmaajo wali isma khilaafin, waa Taariikh cusub”

0

Muqdisho (SONNA), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa ka qeyb galay Caawa kulan loogu magac daray  Kacdoonka Nabadda oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarro Soomaaliyeed, kaasi oo loogu baroor diiqayey dadkii ku waxyeeloobay musiibaddii ka dhacday isgooyka 14ka Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa sidoo kale waxaa ka  qeyb galey masuuliyiin  Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka tirsan, dhalinyaro iyo qaar kamid ah Ururada bulshada rayidka ah.

Qaar kamid ah kooxaha fanka, ayaa Munaasabadda ka qaaday heeso wadani ah oo u badnaa kuwa lagu baraarujinayo bulshada, gaar ahaan dhalinyaradda oo ku saabsan siddii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadda  dalka iyo sidoo kale  iska xoreynta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, ayaa munsaabaddaasi ka sheegay in isbadal dhanka horumarka ah Soomaaliya ay hiigsaneyso, isagoo xusay in dhalinyararadda Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa dhalinyaraddii soo qaban qaabisay munaasabadda Kacdoonka Nabadda uga mahad celiyey doorkooda ku aadan Isxilqaanka ay muujiyeen, waxaana dhalinyaradda uu ku boggaadiyey sida ay u muujiyeen darreenkooda ku aadan musiibadii Zoobe iyo siddii ay uga fal celiyeen, waxaana uu carabaabay in Dhalinyaradda hadda ay usoo jiisteen midnimada dalka.

R/wasaare kheyre, ayaa sheegay in Xafiiska uu joogo muddo dhan Siddeed bilood isaga iyo Madaxweynahana wali  aysan is khilaafin, muranna uu soo kala dhex gelin, arrintaas ayuuna ku tilmaamay in ay tahay mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, maadaama horey ay u arki jireen Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo arrimo siyaasadeed isku haya.

Ugu dambeyntii R/wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in miisanada 2018 ee maanta Golaha wasiiradda XFS  ay ansixiyeen  markii ugu horreeysay lagu soo daray lacago loo qoondeeyey Tayeynta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Afka Soomaaliya, waxaana uu xusay in 2018 Dowladda ay dhisi doonto Akadheemiyad Afka Soomaaliga ugaar ah, laguna dhisi doono lacag shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn

0

Muqdisho (SONNA), 14 November 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka , iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo furay shirka ayaa ku boggaadiyey dhinacyada heshiiska wada gaaray iney fuliyeen, si loo helo dastuur dhameystiran oo loo wada dhan yahay.

Mudane Khayre ayaa ku ammaanay Wasaaradda arrimaha dastuurka sida ay uga go’an tahay in la dhameystiro dastuurka, isla markaana ay dhinacyada kala duwan ee ku howlan dib-u-eegista dastuurka u fududeyso gudasha waajibaadkooda.

Wasiirka Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeeya ay ka go’an tahay in howsha dib-u-eegista arrimaha dastuurka lagu dhameystiro waqtiga u qorsheysan iyo in ay xoogga saari doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa saddexda dhinac.

“Ujeeddada Heshiiskani waa in la qeexo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Dib-u-Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Heshiiskani wuxuu ku qeexan yahay Dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobada 133 iyo 134 iyo sharci lambar Lr. 119 ee 3dii bishii Luulyo 2013.”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo tilmaamay in guddigu uu kala shaqeyn doono Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxa-banaan sidii loo dar-dargelin lahaa arrimaha dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.

 

–DHAMMAAD—-

Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Miisaaniyada 2018, hambalyana loo direy doorashooyinka Somaliland “Sawirro”

0

 

Muqdisho (SONNA), 14 November 2017 – Shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018 isla markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Guddiga ayaa warbixin dheer ka dib ay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in amniga caasimada la deegaameeyo oo barnaamijka dariseynta la dhaqangeliyo, in la diiwaangeliyo gaadiidka iyo guryaha, in taariko gaar ah loo sameeyo caasimada si gaadiidka soo galaya loo ogaado, in aaladaha casriga loo isticmaalo amniga iyo in wacyigelin buuxda bulshada loo sameeya si ay amniga kaalin buuxda uga qaataan. Golaha ayaa ka dooday oo su’aalo weydiiyey guddiga, ka dibna isku raacay in waxii tallooyin dheeri ah loo soo gudbiyo hay’adaha amniga si loo dardargeliyo barnaamijka xasilinta dalka.

Wasiirka Maaliyada ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyada 2018 oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka. Miisaaniyadan ayaa ah mid si casri ah loo soo diyaariyey kuna timid wadatashiyo lala sameeyey dhammaan hay’adaha dawliga ah oo ay ku jiraan dawlad goboleedyada, iyadoo diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey lagu xoojinayo afka Soomaaliga oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga. Sidoo kale waxaa miisaaniyadan ku jiro in la dhiso warshada dharka ciidamada, dhismaha hay’adaha horumarinta dhaqaalaha iyo miisaaniyad loo qoondooyey la dagaalanka musuqmaasuqa. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey miisaaniyada 2018 oo dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaarnaa ee doorashadii shalay ka horeysey. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood. Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.

 

Wasiirka Amniga gudaha XFS oo soo xiray shirkii amniga ee ka socday Magaaladda Kismaayo “Sawirro”

0

Kismaayo (SONNA),  Shirkaan oo socday muddo labo casho ah, ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga dowlad gobolledyada  iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siddii ay  iskaashi u yeelan lahaayeen, waxaana   kasoo ay kaqeyb galay shirkan  mas’uuliyiinta wasaaraddaha  amniga dowlad gobolleedyada dalka iyo wasiirka amniga gudaha dowladda Soomaaliya.

Inta uu shirka socday,  ayaa looga hadlay la dagaalanka cadowga ummadda  Soomaaliyeed  iyo siddii loo heli lahaa cudada mideysan oo ka hor tagta nabad diidka Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Shirka wasiiradda amniga dowlad gobollleeyada iyo wasaarad amniga gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo saaray 7 qodob oo muhiim u ah mideynta awoowahada iyo la dagaalanka aragagixisada Alshabaab.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa ahmiyada shirka la wadaagay warbaahinta, waxaana uu shirkaan ku tilmaamay midkii lagu tayeyn lahaa laamaha amniga dalka iyo isdhaafsiga xogaha ku saabsan argagixisada.


Wasiirka Amniga gudaha XFS oo soo xiray shirkii amniga ee ka socday Magaaladda Kismaayo

0

Shirkaan oo socday muddo labo casho ah, ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha amniga dowlad gobolledyada  iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo siddii ay  iskaashi u yeelan lahaayeen, waxaana   kasoo ay kaqeyb galay shirkan  mas’uuliyiinta wasaaraddaha  amniga dowlad gobolleedyada dalka iyo wasiirka amniga gudaha dowladda Soomaaliya.

Inta uu shirka socday,  ayaa looga hadlay la dagaalanka cadowga ummadda  Soomaaliyeed  iyo siddii loo heli lahaa cudada mideysan oo ka hor tagta nabad diidka Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Shirka wasiiradda amniga dowlad gobollleeyada iyo wasaarad amniga gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa laga soo saaray 7 qodob oo muhiim u ah mideynta awoowahada iyo la dagaalanka aragagixisada Alshabaab.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa ahmiyada shirka la wadaagay warbaahinta, waxaana uu shirkaan ku tilmaamay midkii lagu tayeyn lahaa laamaha amniga dalka iyo isdhaafsiga xogaha ku saabsan argagixisada.