Doorashooyinka Baarlamanka Jabuuti oo Maanta Furmaya.

Date:

Waxaa Saaka oo Jimca ah Dalka Jabuuti looga dareeray goobaha cod-bixinta Baarlamaanka oo ay ku tartamayaan xisbiyada kala duwan ee Dalkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee Dalka Jabuuti Diini Maxamed Burhaan, ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay ayaa sheegay inay si hufan u kormeeri doonaan goobaha ay cod-bixintu ka socdaan.

Mr; ayaa meesha ka saaray inuu jiro tuhun ah in doorashada lagu Gacan bidxaynayo mucaaradka, wuxuuna sheegay inay taasi tahay kalsooni darro, isagoo intaa raaciyay in mucaarad iyo muxaafadba ay halkaasi u joogi doonaan wakiillo.

Baarlamanka Dalka Jabuuti oo ka kooban 65 Kursi ayaa 55 ka mid ahi waxaa ku fadhiya xisbiga talada Dalka haya ee UNB, halka 10 ka kalena ay haystaan xisbiyada mucaaradka.

Lixdii aroornimo ee Saakay ayay cod-bixintan si isku mid ah ugu billaabatay dhammaan Gobollada Dalkaas, iyadoo ay Kuraasta ugu badan oo ah 35 ay taallo Magaalada Caasimadda ah ee Jabuuti.

Doorashada Baarlamanka Dalka Jabuuti ayaa haddii uu ku guuleysto xisbiga talada haya ee UNB waxay fududeyn kartaa in markii Shanaad xilka Madaxtinimo loo doorto Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dalkaasi soo xukumayay tan iyo Sanaddii 1999-kii.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...