shirka Golaha wasiirada oo loga hadley arimaha amaanka dalka

Date:

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga dooday heshiiskii ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda la gashay haa’aaydda “MIGA” ee bankiga aduunka, Hirgalinta barnaamijka xakamaynta iyo qoondaynta ee dhaqaalaha dawladda, Ansixinta heshiisyadii hore ee loo gudbiyay Gollaha, Warbxin ku saabsan ceelasha biyaha, Amnigga iyo arrimo kale oo Muhiim ah.

Ugu horayn Wasiirka Amnigga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaal, ayaa laga dhagaystay warbxin soo koobaysa xaaladda guud ee amanigga dalka gaar ahaan amaanka Muqdisho. Waxuuna wasiirku cadeeyay in ay jiraan baabuur kuwa raaxda ah oo lagu soo xiray qalabka waxyaabaha qarxa ay ku jiraan si loogu dhibaateeyo bulshada, isagoona u digay shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan gaarigaas hadii ay arkaan ay ku soo wargaliyaan laamaha amnigga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Abdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa gollaha usoo bandhigay barnaamijka xakamaynta iyo qoondaynta dhaqaalaha dawladda (Commitmenta Control) kasoo ay dajisay xukuumaddu si loo ogaado dhaqaalaha soo gala iyo kan baxa dawladda Soomaaliya. Waxuuna tilmaaamay in dhaqan galinta barnaamjkan uu meel fiican marayo, dhammaan wasaaradihii ay khusaysana ay fuliyeen.

Wasiir Bayle ayaa intaas ku daray in ay Soomaaliya ka mid noqotay 10-ka dal ee uu soo wanaagsanaaday nidaamkooda maaliyadeed, isagoona taas u sababeeyay dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto la dagaalanka musuq maasuqa, sidoo kalena ay tahay guul usoo hoyotay dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka warbixiyay heshiis ay wasaaraddu la gashay hay’adda “MIGA” ee hoostimaada bankiga aduunka, taas oo maalgashiyo badan ka hirgalisay dalka. waxuuna tilmaamay in heshiiskan uu faa’iido wayn uu uleeyahay Soomaaliya. Waxuu kaloo sheegay wasiirku in heshiiskaas ay saxiixayn 82-wadan, aduunkuna uu isku raacay in ay Soomaaliya gaartay horumar wayn, ayna tahay in lala galo heshiiyo maalgashi oo caalami ah.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka warbixiyay howlgaladda ay ciidanka Soomaaliya ka wadaan dhammaan degmooyinka iyo goboladda dalka, waxuuna tilmaamay in ay meel fiican marayaan dhawaana Alshabaab laga sifayn doono guud ahaan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...