Wafdi uu hogaaminaayo raa’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turki oo soo gaarey Muqdisho

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Cawuşoglu ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho,waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu horkacayo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Garoonka diyaaradaha Adan cade ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga iyo Wafdiga uu hogaaminayo.

Hakan Jaush Ogolo raiisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo wafdigiisa oo uu wehliyo dhigiisa Soomaaliya ayaa booqday saldhigga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Mas’uuliyiintani ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay, iyagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalkaoo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.

Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay R/wasaare kuxigeenada Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo si weyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doono madaxda Dowladda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...