Home Blog Page 1368

Ra’iisul wasaare Kheyre oo  daah furay Mashruuc shaqo loogu abuurayo dhalinyaradda Soomaaliyeed “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), R/wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,  Mudane Xassan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo masuuliyiin kale,  ayaa maanta daah furay Mashruuc shaqo abuur ah oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Aduunka.

Mashruucaan oo lagu magacaabo SCORE, waa mashruuc lagu maalgalinayo Ganisiga yar yar ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa shaqo la’aanta ay ku heyso.

Lacagta Mashuucaan ku baxeyso, ayaa lagu sheegay  $28 Milyan, Maaligalinta ugu badani waa $150,000 kun, kiisa ugu yarna waa $5,000 kun, iyadoo ilaa iyo hada maaligalin loo sameeyay 70 Ganacsiyo yar yar ah.

R/wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in qorsheyaasha Xukuumadda ugu weyn ay ka mid tahay in shaqo loo abuuri dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta ah, iyaddoo kaashaneysa saaxibadeeda Caalamka.

 

 

 

Guddoomiyaha G/banaadir oo Talyaaniga uga qeyb galaya shirka horumarinta magaallooyinka Africa “Sawirro”

0

Roma (SONNA),  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray magaaladda Rome ee caasimadda dalka Talyaaniga.

Wefdiga uu horkacayo Mudane Taabit Cabdi Maxamed ee tagay Talyaaniga , ayaa  waxaa soo dhoweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas,  Sheekh Ciise iyo saraakiil ka tirsan maamulka magaaladda Rome.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir,  ayaa Rome uga qeyb-galay shirka horumarinta magaallooyinka Africa oo sannadkaan ka dhacaya dalkaasi Talyaaniga, iyaddoo sidoo kale uu kulammo muhiim ah kula leeyahay Rome madaxda iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha JFS oo la kumay Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay  Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga guddigii dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadateen gurmadkii dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dhacdadii 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa  Culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo inay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto argagixisada, maadaama kooxdaasi ay ka been sheegeyso diinta Islaamka.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa  maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho,  waxaana ay sidoo kale la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Kheyre, iyaggoo Guddiga gurmad qaran  ku warreejiyey  $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

 

 

 

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2018

0

Kulan deg deg ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu gorfeeyey miisaaniyadda Dolwadda ee 2018 taasi oo tiro ahaan gaaraysa 274 Milyen oo dollar taasi oo ka badan miisaaniyaddii hore.

Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay lagu daray Miisaaniyadda ay yeelanayaan Akedemiyada cilmiga Fanka iyo Suugaan iyo Warshadda soo saarta dharka ciidanak qalabka sida.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale dhageystay talooyin ay soo gudbiyeen saraakiisha laamaha ammaanka,oo kamid ah in waddooyinka lagu xiro camero CC iyo in gaadiidka ka dhex shaqeeya Muqdisho loo sameeyo Taarigo lagu aqoonsado si loo ogaado gaadiidka banaanka ka imaanayo.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa soo dhaweeyey qaabka ay u dhacday doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday deegaanada Soomaaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga dib-u-eegista la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa-banaan ee Dastuurka oo gaaray heshiis is faham iyo wada shaqeyn

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Maxamed Axmed, ayaa ka qeyb galay kulan heshiis ay ku saxiixanayeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib-u-eegista ee Baarlamaaka iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka , iyadoo ay gaareen heshiis is af-faham oo la xiriira wada shaqeyn iyo hirgelinta geeddi-socodka dib-u-eegista arrimaha Dastuurka KMG,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo furay shirka ayaa ku boggaadiyey dhinacyada heshiiska wada gaaray iney fuliyeen, si loo helo dastuur dhameystiran oo loo wada dhan yahay.

Mudane Khayre ayaa ku ammaanay Wasaaradda arrimaha dastuurka sida ay uga go’an tahay in la dhameystiro dastuurka, isla markaana ay dhinacyada kala duwan ee ku howlan dib-u-eegista dastuurka u fududeyso gudasha waajibaadkooda.

Wasiirka Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeeya ay ka go’an tahay in howsha dib-u-eegista arrimaha dastuurka lagu dhameystiro waqtiga u qorsheysan iyo in ay xoogga saari doonaan wada shaqeynta ka dhaxeysa saddexda dhinac.

“Ujeeddada Heshiiskani waa in la qeexo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Dib-u-Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Heshiiskani wuxuu ku qeexan yahay Dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobada 133 iyo 134 iyo sharci lambar Lr. 119 ee 3dii bishii Luulyo 2013.”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo tilmaamay in guddigu uu kala shaqeyn doono Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo guddiga madaxa-banaan sidii loo dar-dargelin lahaa arrimaha dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.

–DHAMMAAD—-

R/wasaaraha Soomaaliya  oo furay shir looga hadlayey fududeynta habka canshuur bixinta 

0

 

Muqdisho (SONNA), R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya,  Mudane Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane C/raxmaan Bayle, ayaa si wada jir ah uga qeyb galay Shir gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay la qaadatay Ganacsatada Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay bixinta canshuurta iyo arrimo kale.

Shirkaan oo uu furay R/wasaare Kheyre, ayaa waxaa si gaar ah u wada fariistay Madaxda wasaaradda iyo Ganacsatada Magaalada, iyaddoona la falanqeeyay qaabka ugu fudud ee Canshuuraha ay u bixin karaan Ganacsatada.

“Waxaan diyaar u nahay inaan bixino waajibaadka Dowladda, balse waxaan doonaynaa inaan helno Xuquuqdeena” waxaa sidaasi yiri qaar kamid ah Ganacsatadii shirka ka hadashay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale, ayaa dhankiisa sheegay in Ganacsatada looga baahanyahay in ay Dowladda garabsiiyaan, isla markaana ay bixiyaan Canshuurta looga baahanyahay.

 


Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Miisaaniyada 2018, hambalyana loo direy doorashooyinka Somaliland

0

Shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018 isla markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Guddiga ayaa warbixin dheer ka dib ay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in amniga caasimada la deegaameeyo oo barnaamijka dariseynta la dhaqangeliyo, in la diiwaangeliyo gaadiidka iyo guryaha, in taariko gaar ah loo sameeyo caasimada si gaadiidka soo galaya loo ogaado, in aaladaha casriga loo isticmaalo amniga iyo in wacyigelin buuxda bulshada loo sameeya si ay amniga kaalin buuxda uga qaataan. Golaha ayaa ka dooday oo su’aalo weydiiyey guddiga, ka dibna isku raacay in waxii tallooyin dheeri ah loo soo gudbiyo hay’adaha amniga si loo dardargeliyo barnaamijka xasilinta dalka.

Wasiirka Maaliyada ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyada 2018 oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka. Miisaaniyadan ayaa ah mid si casri ah loo soo diyaariyey kuna timid wadatashiyo lala sameeyey dhammaan hay’adaha dawliga ah oo ay ku jiraan dawlad goboleedyada, iyadoo diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey lagu xoojinayo afka Soomaaliga oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga. Sidoo kale waxaa miisaaniyadan ku jiro in la dhiso warshada dharka ciidamada, dhismaha hay’adaha horumarinta dhaqaalaha iyo miisaaniyad loo qoondooyey la dagaalanka musuqmaasuqa. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey miisaaniyada 2018 oo dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaarnaa ee doorashadii shalay ka horeysey. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood. Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.

–DHAMMAAD—-

Ra’iisul Wasaare Khayre oo balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee Al-shabaab.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimaduna ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Wuxuuna ku baaqay in la qabto shir ay culimada Soomaaliyeed uga doodayaan fekerka qaldan ee kooxdan ay ku marin habaabineyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo sareynta diinta Islaamka, waxay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan, Dawladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbeyn, Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

—DHAMMAAD—-

Wasiirka arrimaha dibadda oo hortagay xubnaha Aqalka sare+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ugu horreyn mudaneyaasha Aqalka sare warbixin guud ka siiyey howl-qabadka wasaaradda ee dhinacyaa horumarka iyo dedaallada ay hadda ku howlan tahay oo uu si dheelitiran u uga warbixiyey, iyadoo kaddib mudaneyaasha golaha Aqalka sare ay u gudbeen su’aallo weydiin toos aheyd oo ku socotay wasiirka Arrimaha Dibedda, waxaana kulanka guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad Abshir Bukhaari.

Mudaneyaasha Aqalka sare ayaa su”aalo ay weydiiyeen wasiirka Arrimaha DIbedda  xoogga ku saaray arrimaha Maxabiista weli dalka dibeddiisa ku xiran, Safaaradaha dalalka Caalamka noogu yaalla iyo sida ay u shaqeeyaa, xiriirka Caalamiga ah, Baasaboorka Diblomaasiga iyo Arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa  uga mahadceliyey mudaneyaasha Aqalka sare Su’aallaha ay weydiiyeen, waxa uu tilaammooyin ka bixiyey dhammaan su’aalihi la weydiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha aqalka sare ahna ku simaha guddoomiyaha Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) in kulan kale la isugi imaan doono si loo dhammeystiro su’aallo weydiinta wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee Al-shabaab+(SAWIRRO)

0

Muqdisho, November 14, 2017– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimaduna ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Wuxuuna ku baaqay in la qabto shir ay culimada Soomaaliyeed uga doodayaan fekerka qaldan ee kooxdan ay ku marin habaabineyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo sareynta diinta Islaamka, waxay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan, Dawladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbeyn, Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.