Home Blog Page 1368

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta safar dhulka ah ku maray magaalooyin kala ah Waaciye, Carmo, Ceel Daahir iyo Boosaaso.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga madaxweynaha safarka ku wehlinaya waxaa ka mid ah madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas,wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala Duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dad aad u fara badan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya,islamarkaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka Boosaaso.

Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lugta soo mariyay deegaanka Carmo ee Gobolka Bari,halkaasi oo dadweyne fara badan ay ku soo dhoweeyeen.

Amaanka magaalada Boosaaso ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana magaalada lagu dhex arkayaa Ciidamada amaanka oo feejigan.

Wasaaradda Waxbarada XFS oo tababar lagu baranayey Maamulka, Maareynta iyo Qorsheynta ku qabatay Muqdisho.

0

Tababarkaan, ayaa socday muddo Lix maalin ah, iyaddoo lagu baranayey Maamulka, Maareynta, Qorsheynta tayo dhowrka waxbarshada, kaasi oo la siinayay guddoonada  kormeerayaasha ka howgalo goboladda dalka, waxaana bixinayay Wasaaradda waxbarshada Soomaaliya oo sheegtay in ay qeyb ka tahay howlaha dar dargalinta leh oo ay waddo wasaaradaasi.

Qaar ka mid ah guddoonada qaatay tababarka ayaa wasaaradda waxbarshada dalka ugu mahad celiyay Siminaarka iyo muhiimada uu leeyahay,  waxayna sheegeen in caqabado badan ay ka jiraan gobollada oo ka mid yihin mushaar yari  iyo durruufa kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa  soo xiray tababarka isagoo sheegay in guddoonada looga baahanayahay in aqoontii ay kororsadeen ay u gudbiyaan goobihii ay ka yimaadeen, waxa  kale uu ka  warbixiyay hababka loo soo xulay.

Gabagabadii munaasabadda, ayaa waxaa shahaadooyin la guddoonsiyay guddoonada dhamestay tababarka, waana markii ugu horeysay ay wasaaradda waxbarshada tababar noocaan oo kale u qabato guddoonada waxbrashada ee ka howgalo Maamul goboleedyadda dalka.

Hogaamiyeyaasha Masar iyo Eretereeya oo isla eegay arimaha Gobolka xilli ay sii kordhayso mushkiladda webiga Nile.

0

Mogadishu, (SNTV)—Madaxweynaha Dalka Masar iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Qaahira maalintii isniintii iyagoo ka wadahadlay xiisadda circa iskusii shareeraysa ee udhaxeysa dalalka Suudaan iyo Itoobiya oo kuwajahan muranka soohdinta iyo dhismaha darbiga webiga Nile.

Masar ayaa cabsi ka qabta in haddii dhaqso loo soo afjaro howsha dhismaha darbiga ee dhinaca Itoobiya ay goosan doonto qayb kamid ah webiga Nile halkaasi oo inta badan ay ka yimaadaan biyaha nadiifka ah ee webiga.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa si ba’an isaga soo horjeeday iyagoo dabayaaqadii 1990-naadkii ku dagaalamay muran dhinaca biyo xireenka webiga.

Itoobiya ayaa iska fogeeysay eedeeymo loo soo jeediyay oo ku saabsan in ay damacsan tahay in ay goosato qaybta webiga oo ay leedahay Masar. Waxaana ay ku eedeeysaa Eritrea tababarka jabhadda si ay u fuliyaan weeraro ka dhan ah darbiga.

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi ayaa ku martisooray dhiggiisa madaxweynaha Isaias Afwerki qasriga madaxtooyada.“labada dhinaca ayaa ku heshiiyay iskaashiga ballaaran ee dhammaan arimihii ay ka wada hadleen oo ku aadan xaaladaha taagan kuwaasi oo ay ka mid yihiin taageerada amniga iyo xasiloonida gobolka, ” Bassam Radi oo ah Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Masar ayaa sheegay iyadoo loo eegaayo geeska Afrika iyo marin biyoodka Bab al-Mandab ee mara Badda Casa in ay yihiin labada meelood ee u baahan in xaaladahooda dhinaca amniga la xaqiijiyo.

Waxaa sii xumaanaya cilaaqaadka Masar ay la wadaagto Suudaan, kaasi oo taageero lagu amaahiyay Suudaan iyo muran Itoobiya ee webiga Nile siiyay ayaa haa mid sii xumaanayay.

Suudaan ayaa todobaadkii hore u yeeratay danjiraheeda si ay ugala tashato arimahan, waxaana ay sheegtay in heshiiskii 2016-kii ee xadeeynta biyaha webiga oo dhaxmaray Masar iyo Sucuudiga Carabiya uu ku xad-gudbayo xuquuqda biyaha caalamiga ah “(infringes on its territorial waters)”.

Biyaha ay su’aasha ka taagan tahay ayaa ah kuwa ka baxsan xeebta ee soohdinta gobolka ay dowladda Masar haysato kaasi oo ay sheeganayso dowldada Suudaan.

Warbaahainta ku hadasha afka dowladda Masar ayaa ku eedeeysay Suudaan in ay maleegayso Shirqool ka dhan ah Qaahira.

Itoobiya ayaa sheegtay in xiritaanka biyaha oo ay ku kacayso adduun dhan $5 billion uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalaha, iyadoo ay ugu badnaan tirade dadka 95-ka milyan gaaraya ay la’yihiin Koronto.

Darbiga biyaha Nile laga dhex dhisayo ayaa waxaa uu dhalin karaa dab gaarsiisan in ka badan 6,400 megawatts oo Koronto ah, kaasi oo ah mid kor loogu qaadaayo koboca hadda la damcsan yahay ee dhinaca awoodda wax soosaarka ballaaran ee korontada kaasi oo dhan 4,000 megawatts.

Dowladda Masar oo leh dad tiradoodu aysan ka yareeyn tirade dadka Itoobiya, ayaa noloshoodu waxa ay ku xiran tahay qaybta ay kuleeyihiin biyaha webiga, waxaana jiray heshiisyo dhexmaray labada wadan sanadihii 1929-kii iyo 1959-kii heshiiskaasi oo aysan wadamada kale ee webigan uu maro ay sheegayaan inuu ahaa mid ka fog cadaaladda islamarkaana layska indho tiraybaahiyaha ay webiga u qabaan qaybaha bulshooyinka soo koraya ee wadamada kale.

Waxaa Tarjumay diyaariyay: Hamdi//M.ednur Mucalim

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulmay Safiirka Turkiga u Jooga Soomaaliya.

0

Amb, Axmed Ciise Cawada  ayaa aqbalay u yeerid ammaan ku dheehantahay  oo uu ka helay safiirka Soomaaliya u joogo wadanka Turkiga Mr. Olgan Bekar, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa u muujiyay safiirka sida uu ugu faraxsanyahay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, waxa uu sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ka qabo in xiriirka labada dal uu sii socdo, horeyna ay u sii dhaqaajin doonaan si taxadir leh heshiisyada horumarineed ee labada dal ka dhexeeyo.

Wasiirka Cawad ayaasheegay in uu ku faani karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeyo labada dal iyo wada shaqeynta joogta ah ee sii kordheyso ee dhammaan dhinacyada horumrka ay ka caawinayaan Turkida dadka walaalahooda ah ee Soomaaliyeed.

Intii ay ku guda jireen wada hadalka labada dhinac ah ee u dhexeeyay safiirka iyo wasiirka  ayaa waxa ay ka wada hadleen danaha labada dal, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray  ganacsiga, dhaqaalaha iyo arrimaha nabad-gelyada,.

Sidoo kale kulanka waxaa ka qeyb gelay wasiiru dowlada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mr.Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi, qaar kamid ah agaasimayaasha wasaaradda  iyo la-taliyayaal sare.

Warka Caalamka 11.01.2018,,,,,,,,Hal qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa loo xiray dibadbaxyada ka soconaya Tuunisiya,,,,,

0

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Tuuniisiya, Yuusuf Shaahid, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay saameeyay ku dhawaad 20 magaalo oo waddankaasi ku yaal.

Waxa uu dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qalalaase salka ku haya oo aanan la aqbali karin, waxa uu sheegay in kuwo qaswadayaal ah ay isku dayayaan inay curyaamiyaan qaranka.

Magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo magaalada u dhaw ee Dhabirbah halkaas oo Isniintii uu ku dhintay qof dibadbax sameynayay, ayaa waxa ay dibadbaxyo ka dhacayeen habeenkii saddexaad oo xiriir ah booliskuna waxa ay dadkaasi la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dadka dibadbaxaya ayaa dalbanaya in lasoo afjaro gunti-giijiska dhaqaale

Dibadbaxyada cusub ee habeenkii la qabtay ayaa ka dhacay oo kaliya magaalooyinka Tuunis iyo Dhabirbah hasayeeshee magaalooyin kale ayaa waxa ay dadku gubeen taayiro sidoo kalana waxa ay tuurayeen bambooyin batrool laga sameeyay.

Mas’uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay isticmaalayaan carruur si ay wax u xadaan oo ay u boobaan.

Dhanka kale Riim Maxjuub oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waddankaasi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ay mudaharaadyada sharciga ah u isticmaalayaan inay ku gaystaan falal dambiyeed.

Iyadoo ay sii kordhayso carada dadweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa in Jimcaha la qabto isu soo baxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska.

Tuuniisiya ayaa udub dhexaad u aheyd dibadbaxyadii ku caan baxay Gu’gii Carabta kuwaas oo todoba sanno ka hor halkaasi ka bilowday, waana dalka kaliya ee guul dimuqraadiyadeed gaaray dibadbaxyada kaddib, hasayeeshee dhibaatooyinka dhaqaale gaar ahaan sare u kaca qiimaha nolosha iyo kororka canshuuraha ayaa ah kuwo Saro U kacey.

Waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya 04-10 Jan 2018.

0

Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka Iyo Dalxiiska

Xafiiska Wasiirka Warfaafinta

 Waxqabadka Xukuumadda

Mogadishu-10/01/2018 –

 Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)

ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay 04-10 Jan 2018.

 Guddoomiye Jawaari Oo Kullan Dhiira Gelin Ah La Qaatay Howlwadeenada Golaha Shacabka

04/01/2018-Ujeedka Kullanka Maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay Howlwadeenada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa waxaa uu ahaa dar dar gelinta howlaha shacabka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa. kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ayaa qaar ka mid ah howl wadeenada Golaha Shacabka oo kulanka ka hadlay waxa ay Gudoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyeen howlaha shacabka uu ummadda  u hayo, xaaladaha ay ku suganyihiin guud ahaan howl wadeenada Golaha Shacabka ,waxayna sidoo kale Guddoonka Golaha ay ku amaaneen hogaankiisa Wanaagsan.

 Wasiirka Waxbarashada Xfs Oo Tababar Aqoon Kororsi Ah Ufuray 25 Macalimiin

06/01/2018-Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda  Federaalka  Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa maanta Siminaar Socon doona shan malmood ugu  furay magaalada muqdisho 25 macalimiin oo ka kala yimiid Gobollada Dalka iyo gobolkan Banaadir. Siminaarkan ayaa lagu bixinayaa Casharo la Xariira Maamulka ,maareynta iyo qorsheynta tayo dhowrka Waxbarashada oo la siin doono guddoonada iyo kormeerayaasha Waxbarsho.

Wasaaradda Qorsheynta Oo Furtay Shirka Sahanka Caafimaadka Iyo Macluumaadka Dadka.

07/01/2018-Sahanka Caafiimadka dalka iyo macluumaadka dadka Soomaaliyeed ayay Wasaaradda Qarsheynta dowladda Federaalka agaasinkeeda Xogaha Qaranka maanta ku qabtay magaalada Muqdisho. Shirkaasi oo ay ka qeybgaleen Masuulayiin ka socota Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo Hey’adaha hoos yimaada dowlada, waxaana goob joog ka ah Madaxa sare ee Wasaaradda Qorsheynta dowladda federaalka.

Wasiiradii La Magacaabay Oo Xilalkoodii Loo Dhaariyey.

07/01/2018-Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyaya sedexdii Wasiir oo u dhawaan magacaabay R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,kuwaasi oo lagu hor dhaariyay kulanka guddiga Joogtada aha ee Golaha Shacabka. Munaasbaadda dhaarinta ah waxaa goob joog ka ahaa guddoonka Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,waxaana lagula dardaarmay dhaarintooda ka dib in ay si hufan u gutaan waajibaadka qaran ee horyaala.

Madaxweynaha Jfs Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Daah-Furay Garoonka Garoowe.

08/01/2018- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlada goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si wada jir ah maanta oo Isniin ah u Daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe. Munaasabadda oo hadda si toos ah ugu socota Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madax ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ,puntland, Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale.

 Madaxweyne Farmaajo Oo Xarigga Ka Jaray Garoonka Caalimiga Ah Ee Garoowe.

08/01/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray Garoonka caalamiga ah Jeneraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe, kadib munaasabad ka dhacday Garoonka dhexdiisa. Munaasabadda lagu daahfurayey Garoonka cusub waxaa kasoo qeybgalay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Aqalka sare, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland, Wasiirro heer Federaal iyo kuwo Dowlad goboleed, marti, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

 Wasaaradda Caafimaadka Xfs Oo Soo Gabagabeysay Talaalka Caruurta Ee Cudurka Jadeecada.

09/01/2018-Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada garoowe ku soo gabgabeysay Olole muddo shan maalmood ah socday oo caruurta da’deedu u dhaxeyso 6- 10 Sano looga talaalayay cudurka dilaga ah ee Jadeecadda.Tirada Guud oo caruurta Soomaalida ee Cudurkan lagu daaweynayo ayaa lagu qiyaasay2-4 milyan oo ku kala baahsan Goboada dalka oo dhan.

 Wasiirka Gaashaandhigga Soaamaaliya Dadaal Weyn Uu Sameeyey Ka Dib Laguwareejiyey  Lix Gaari Oo Nooca Aan Xabada Karin Ah

09/01/2018- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta guddoomay 6 gaari oo  nooca aan Xabadda Karin ah, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu qabto howlaha Wasaaradda. Gaadiidkani ayaa Wasaaradda ugu deeqday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

 Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax Dhigay Waddo Laami Ah Oo Isku Xiri Doonta Dangoronyo & Eyl

10/01/2018- Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa si wadajir u dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal. Wadadan laamiga ah ayaa anfici doontaa shacabka Gobalka Nugaal oo baahi weyn u qabay, waxayna soo dhaweeyeen Talaabadan hormarka oo hore loo qaaday.

Wasiirka Warfaafinta Oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Tubta Toosan.

10/01/2018-Xafiiskan cusub oo uu wasiirka wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka iyo dalxiiska xariga ka jarey ayaa noqon doona mid ka shaqeeya wacyi galinta bulsha iyo sidii dadka soomaaliyeed si fudud baraha casriga ah ee bulshada loogu gaarsiin lahaa wararka iyo barnaamijiyada warbaahinta dowladu baahiso.Xafiiskan ayaa  loogu  magac daray Tubta toosan inuu Noqon doono mid ka shaqeeya Howlaha Warbaahinta Casriga ee Arrimaha Wacyigelinta Dhibaatada Xagjirnimada  iyada oo lagu bartilmaameedsanayo dhallinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana ka shaqeynaya dad loo soo xulay shaqadan oo xirfadyahano ah.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska

media@gov.so

 

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb-galay shirka qorsheynta dalalka Carabta.

0

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Xukumadda Federaalka Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan  oo safar shaqo ku jooga dalka Kuwait ayaa kulan la qaatay wasiirka  arrimaha Diiwaanka ee dalkaasi, isagoo gaarsiyay dhambaal uu ka siday madaxdwynaha Jamuuriyada mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan horumarka dalka ka jira siiyay Sheekh Cali Jaraax Al Sabaah wasiirka arrimaha diiwaanka ee Dalka Kuwait, sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sidii dowladda Kuwait ay qeyb mug leh uga qaadan lahayd horumarka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Maalgelinta iyo kaabidda dhaqaalaha dalka.

Sheekh Cali Jaraax Al Sabaah, ayaa ballan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona Amiirka dalka Kuwait, waxaa uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan mashaariicda badan oo dhanka horumarka ku saabsan, iyadoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya ayaa dalka Kuwait uga qeyb-galaya shirka qorsheynta waddamada Carabta.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray deegaanka Carmo ee gobolka Bari

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey madaxweynaha.

Socdaalka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku sii hakaday deegaanka Carmo, waxaa uu la kulmay qeybaha bulshada, odeyaasha deegaanka, Ganacsatada iyo maamulka deegaanka oo aad ugu faraxsanaa booqashada madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ka sii gudbi doona Carmo isla markaana ku wajahan magaalada Boosaaso oouu safarkiisa Puntland ku soo gabogabeyn doono.

 

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Ankara uga qeyb-galaya shirka horumarinta Ganacsiga.

0

wafdigaani oo uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi  Maxamed  Guuleed , Wasiirka Ganacsiga Iyo warshadaha wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, agaasimeyaal ka socda wasaradaha dowladda ayaa lagu soo dhoweeyey caasimadda Turkiga ee Ankara.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada la socda ayaa la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, waxaa laga wada hadlay sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Soomaaliya iyo in  la tababarro shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Shirka Horumarinta Ganacsiga ee Ankara ka furmaya ayaa socon doona muddo hal maalin ah, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii maalgashi loogu sameysan lahaa waddamada soo koraya, sida Soomaaliya oo kale.

Wasiirka Warfaafinta Oo xarigga Ka Jaray xarunta Tubta Toosan.

0

Xafiiskan cusub oo uu wasiirka wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka iyo dalxiiska xariga ka jarey ayaa noqon doona mid ka shaqeeya wacyi galinta bulsha iyo sidii dadka soomaaliyeed si fudud baraha casriga ah ee bulshada loogu gaarsiin lahaa wararka iyo barnaamijiyada warbaahinta dowladu baahiso
Agaasimaha telefishinka qaranka mudane libaan Cabdi cali ayaa sheegey xafiiskan oo magaciisu noqon doono Tubta toosan inuu Noqon doono mid ka shaqeeya Dowlada iyo qeybaha bulshada.

Agaasimaha guud ee wasaraada warfaafinta dowlada xukuumada soomaaliya mr Cabdiraxmaan yuusuf sheikh al cadaala ayaa shegeey tiro xirfad yahano ah iney ka howlagali doonaan xafiiskana oo lagu soo biiriyey wasaarasda
Wasiirka wasarada warafaafinta iyo dhaqanka iyo dalxiiska cabdiraxmaan cumar cismaan yariisow oo xariga ka jarey xaruntan ayaa sheegey wacyi galinta bulshada iney xooga saareyso wasarada warfaafinta iyo sidii dowlada soomaaliyeed shacabka isku xigkooda looga shaqeyn lahaa
Wasarada warfaafinta ayaa u taagan wacyi galinta bulshada soomaaliyeed iyo hanuuninta dadweynaha waxa uuna xafiskani joogteyn doonaan sidi wacyiga bulshada loo dhisi lahaa.

Sugaal Macalin.