Home Blog Page 1366

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo la qaatey Masuuliyiinta iyo Shacabka Galmudug.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug kulamo kula Qaadanaayo  maamulka Galmudug iyo qeybaha kala Duwan ee bulshada.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray Magallada Dhuusamareeb Halkaasi oo ay ku Soo dhaweyeen shacabka galmudug oo ka kala yimid Deeganada Maamulkaasi.

iyadoo maanta lagu wado in uu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Galmudug,Nabadoonada,Ugaasyada iyo Bulshada Rayidka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ay ku sii qulqulayaan madaxda Dowlada Gobolledyada iyo wafuud caalami ah, kuwaasi oo qeyb ka noqonaayo Socdaalka Nabada.

Dhanka kale Caasimadda Galmudug ayaa waxaa saacadaha soo socda gaari doona Wafdi ka socda Beesha Caalamka Kuwaasi oo ka qeyb gali doona shirweynaha dhamaystirka heshiiiskii Galmudug iyo ahlusana.

Madaxweyne Farmaajo oo ku howlan dhammeystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna

0

Dhuusamareeb, 16 Jan, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda iyo dib u heshiisiinta ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud si loo dhameystiro heshiiskii Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo galinkii dambe ee maanta ka soo amba-baxay magaalada Cadaado, ayaa socdaal dhanka dhulka ah ku soo maray deegaannada Goodinlabe, Mareer Gur iyo Mirrig ee ka tirsan gobolka Gal-guduud.

Madaxweynaha ayaa si heer sare ah waxaa ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxa Golaha Xukuumadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Axmed (Bukhaari), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, Xildhibaanno heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay, isagoona ku ammaanay sida wadinayadda leh ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa madaxda heer Dowlad goboleed iyo heer degmo, culumada, duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka qayb galay Shir looga hadlayay Amniga Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka oo lagu gor-feynayay xaaladda amaan ee dalka, Xoojinta xiliga kala guurka iyo Wadashaqeynta hay’addaha amniga ee Beesha Caalamka.

Shirkan oo diiradda lagu saarayay qorshaha diyaarinta ciidankii la waregi lahaa amniga dalka , kuwaaso oo badeli doona ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika, dawladda Soomaaliyeedna ka caawiyay sidii ay dib ugu soo ceshen lahayd amaankeeda. Waxaana la isku af-gartay in howshan bilowga ah aysan noqon mid fadhiida.

Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, oo markii uu shirka dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu daba socdo shirki Afartii Bishii December ee sanadkii 2017 ka lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay amniga Qaranka. Waxuu kaloo tilmaamay in kulanku uu kusoo dhamaaday jawi isfahan, iyadoo ay beesha caalamka balan qaaday in ay bixin doonto dhaqalaha iyo qalabaynta ciidanka military ee Soomaaliya kuwaas oo la waregaya guud ahaan amaanka Soomaaliya.

Mudane Ducaale wuxuu kaloo sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamadda AMISOM, iyagoo kaashanay shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kalena waxuu tilmaamay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan shaqadii ay ciidanmadda Midowga Africa ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa ay u diyaar garowday sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga dalka, wuxuuna ka mahad celiyay doorkii ay Beesha Caalamka ka qaadatay sugida amniga dalka.
DHAMAAD

Xildhibaanno iyo maamulka G. shabeellada Hoose oo booqdey Qoryooley

0

Ujeedka socdaalka ayaa ahaa sidii loo xalin lahaa qilaaf soo dhax galay ciidanka Madiniga degmada qoryoley  iyo sidii ay  ciidamda madiniga iyo maamulka degmada loo dar dargelin lahaaa wada shaqeyn tooda.

Gudoomiyaha  gobolka  shabellaha hoose  ibraahim aadan cali najax ayaa sheegay in maamulka  gobolka iyo  masuuliyinta kale ay ku guulesteen  xalinta khilaaf soo kala dhex galay ciidanka Madinga degmada qoryooley .

Wasiirka wasarada arimaha gudaha dib uheshiisinta dowlada hoose ee KGS  maxamednuur madoowe nuunow ayaa tilmamay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeyo nabada iyo dib u heshiisinta Maamulka Konfur Galbeed.

Xildhibaan xassan qoryooley iyo  senatar cabdikaafi  macalin xasan ayaa bulshada degmada qoryooley iyo deeganda hoos yimaada ugu baaqay in ay ilaashadaan nabada lana dagaalamaan Nabaadiidka al- shabaab.

Maamulka gobolka shabellaha  hoose ayaa horay ugu guulestay in uu xaliyo khilaafyo soo kala dhex galay maamulada degmooyinka iyo bulshada ku dhaqan gobolka shabelaha hoose iyadoo iminka degmooyinka  gobolka shabellaha hoose ay ka socdaan mashaaric  hormarineed oo ay is ka kaashadeyn maamulka iyo shacabka deeganadaasi.

Madaxweyne Farmaajo “Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug”.

0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadatashiyo la leh madaxda iyo qeybaha bulshada ee Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay go’antahay nabadeynta Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo munaasabad soo dhaweyn ah u sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin socdaalka dib u heshiisiinta ee uu ku marayo Madaxweyne Farmaajo Gobollada dalka.

“Madaxweynaha inta uu nala joogay waxaan uga warbixinnay xaaladda guud ee gobollada, annagoona u gudbinay baahiyaha jira. Runtii muhiimad weyn ayuu noo leeyahay socdaalkaaga Madaxweynaha.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in socdaalka uu ku marayo gobollada Galmudug uu yahay mid uu ku xoojinayo nabadda iyo is dhex-galka Bulshada.

“Maadama aan cidna kali noolaan Karin waa in dhammaanteen aan danta dalka u mideysannahay. Dowladda Federaalka ah waxay dadaal dheer gelisay xasillinta deegannada Galmudug iyo sidii aan u mideyn laheyn shacabka ku dhaqan.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska dhawaan lagu mideeyey dhinacyada Galmudug uu ka tarjumayo hiigsiga Dowladda Federaalka ah ee ku aaddan Galmudug oo xasilloon ka jirto, dadkeeduna nabad iyo horumar gaareen.

Munaasabadda soo dhaweynta ah waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, Wasiirro, xildhibaanno heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ay wehelinayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa marti qaad ugu sameeyey goob beer ah oo 45 Km ka jirta waqooyiga magaalada Gaalkacayo waxa ayna halkaasi kula kulmeen Islaan Bshiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa marti qaadkan mid lamid ah u sameeyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdulqaadir.

Taabid oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiye Thaabit ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur,waxaana Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweyn ka dib Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo wafdigiisa ayaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud halkaasi oo Xildhibaano ka tirsan  labada Aqal ee Baarlamaanka kaga horeeyaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa inuu gaaro madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya halkaasi oo lagu qabanayo shir lagu dhaqan gelinayo heshiiskii ay wada gaareen maamulka Ahlu suna iyo Galmudug oo si rasmi ah la isugu darayo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyey geeridii Dalays

0

Geeridii ku timid allaha u Naxriistee Marxuumad  Khadiijo Cabdulaahi Camey Daleys oo aheyd  Fanaanad Qaran kana mid ahey gabdhihii ugu horeeyey  ee lagu aasaasey  Hoboladda Qaranka Waaberi ayaa ku geeriyootey dalka canada.

wasiirka warfaafinta Xukumada federalka somaliya aya hadalkiisa ku bilaawey.

INNAA LI LAAHI WANA INAA ILEYHI RAAJICUUN>>>>Waxaan Tacsi u dirayaa dhamaan Ummdda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan ,gaar ahaan waxan si gaar ah Tacsi Ugu dirayaa Bahda Fanka iyo Suugaanta  iyo Qoyskii iyo Eheladii ay ka Geeriyootey Allaha U naxariistee Marxuumad  KHadiijo Cabdullaahi Camey Daleys oo runtii  aheyd  fanaan weyn oo qaran qaali ku aheyd Ummadda Soomaaliyeed kuna  lahayd Sumcad, Karaamo iyo Sharaf.

geerida Waa xaq  Waxaan Eebbe ugu Baryayaa in uu Naxariistii Janno ka Waraabiyo Allaha Unaxariistee Marxuumad khadiijo Cabdulaahi Camey Daleys  waxay aheyd  Fanaanadii ugu Horeysay 1952  Raadiyo Muqdisho heeso  ka  qaada  iyadoo  Xilligaasi  aan  jirin Qalabka Duubista , Maalin walibane heesaheeda  si Toos u Qaadi jirtey, sidoo kale waxa ay aheyd  laf dhabarkii hoboladda Waaberi oo Fanka iyo Suugaanta Qeyb Weyn ka soo qaadatey Wacyi galinta iyo Hanuuninta Shacabka Soomaaliyeed.

Sammir iyo IImaan Saadiq allaha Ka siiyo Ummmada Soomaaliyeed Marxuumad Khadiijo Cabdulaahi Camey Daleys Waxaan Allah uga Baryeynaa Jannada Fardowsa in uu  Alle Ka Waraabiyo…

Aamiin…….Aamiin ……Aamiin….

INNaa   Lilaahi Wan Inaa Ileyhi Raajicuunn……….

Gabdho Ardey soomali ah oo Dalka Suudaan uga qeyb galey Bandhig Dhaqameed Haweenka Africa.

0

Bandhiga habeenka dhaqanka oo ay qabato Jaamicadda Axfaad ee Dalka Suudaan  ayaa loogu magac daray habeenkii dhaqanka.

waxaana ka qeyb galay Dalal  badan oo Ardaydoodu ay Wax ka bartaan Jaamicadaasi,  Soomaaliya ayaa wax ay ka mid aheed dalalka ka qayb galey ardaydooda Bandhigaasi.

Axfaad oo ah Jaamacad ay dhigtaan Haweenka oo kaliya ayaa Sanadkii mar waxaa  lagu qabtaa bandhig dhaqameed ay dhaqamadooda ku soo bandhigaan dhamaan Dowladaha ay ardaydoodu dhigtaan Jaamacaddaasi.

Bandhiga ayaa ka dhacayay Xarunta Jaamacadda Axfaad  waxaa ka soo qeyb galay dad weyna aad u fara badan iyo qaar ka midah Ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Suudaan iyo waliba madaxda Ururka Ardayda Soomaaliyeed.

Gabdhaha Soomaaliyeed ee dhigta jaamacadda Axfaad ayaa door la taaban karo ka ciyaaray mudadii uu socday bandhiga waxeyna goobta ku soo bandhigeen waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka u ah dadka Soomaaliyeed, taariikhda wadanka ,Cunooyanka u gaarka ah Soomaalida iyo waliba qaar ka mid ah Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Xoghayaha guud ee midowga ardayda Soomaaliyeed  Dalka Suudaan Cabdiraxmaan Maxamed Saciid iyo Maxamed Cismaan Cali “Mucjiso” ayaa aad u bogaadiyay Gabdhaha Soomaaliyeed doorka fiican ee ka qaateen bandhiga.

Dowladaha ka qeyb galey bandhigan ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u badnaa iyadoona Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay munaasabada lagu soo bandhigayay Bandhig Dhaqameedka ayaa aad ugu helay Dhaqanka Soomaalida, iyagoo waxbadan ka bartay dhaqamada Soomaalida iyo waliba Taariikhada Dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo Gaalkacayo ka dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed

0

Gaalkacayo, 14 Jan 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay nabadeynta Galkacyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noq-noqday ee ragaadiyey nolashooda.

“Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horumarineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoona faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku cool Galkacyo..

“Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culumada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka.

Fannaanaddii Qaranka Daleys oo ku geeriyootey Canada

0
Fannaanaddii Qaranka Khadiijo Cabdullaahi Daleys oo saacado ka hor ku geeriyootey dalka Canada, waxa ay aheyd gabadhii ugu horreysay ee Koonfur Soomaaliya hees ka qaadda, sannadkii 1952-kii ayaa heesteedii ugu horreysay looga qabtay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wixii ka dambeeye burburkii dalka waxa ay ku nooleyd dalka Canada, waxaana lagu xusuustaa in ay u ololeyn jirtay nabadda iyo Midnimada ummadda Soomaaliyeed.