Home Blog Page 1366

AKHRISO: Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo qaadanaya Saraakiil Cusub oo dhalinyaro ah

0

Muqdisho (SONNA)Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa soo bandhigay fursad ah in uu qaadanayo saraakiil cusub oo dhalinyaro ah, kuwaasi  oo tababar u gali doona kamid noqoshada Ciidankaasi, waxayna ka kala howl gali doonanaan qeybaha Ciidanka xoogga.

Tirada guud ee qaadanayo oo ah 130 Leyli sargaal, ayaa waxaa loo kala qeybiyey qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaddoona loo qeybiyey sidan:-

1- Qeybta 26aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed       20 Leyli Sargaal

2-Qeybta 54aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed      20 Leyli sargaal

3-Qeybta 21aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed       20 leyli Sargaal

4-Qeybta 12ka April ee Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed        30leyli Sargaal

5-Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed      20 Leyli Sargaal

6-Qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Sooamaliyeed      20 Leyli sargaal

 Sharruudaha laga doonayo qofka loo qaadanayo Leyliga sargaalnimo

1- waa in uu heystaa shahaado Dugsi sare ama Jaamacad.

2- waa in da’diisu ay u dhaxeysaa 18-25 sano jir.

3- waa in  caafimaadkiisa uu  Fiican yahay.

4-waa in luuqada English-ka uu si fiican u yaqaano.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka, ayaa  ku sheegay goobaha Shahaadooyinka lagu qabanayo inay kala yihiin Dugsiga ciidanka badda Soomaaliya iyo Garoonka Kooxda Horseed ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana muddada qabashada Shahaadooyinka ay ka bilaabaneysaa 15-11-2017 ilaa iyo 22-11-2017.

Warqada Ogeysiiska oo qeyb kamid ah uu soo gaaray Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa waxaa ku saxiixan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Xuseen Gorod.

W/D:- C/raxmaan Maxamed Gacan

Kulan looga hadlayo Falalka Argagaxisada iyo dhaqan xumada oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SONNA) Kulankan oo ay iskugu yimaadeen Imaamyada Masjidyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayay la dagaalanka Xaqjirnimada argagaxisada iyo dhaqan xumada, waxaana soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta oo ay wehlinayeen Xoghayaha joogtada wasaaradda iyo Agaasimaha Waaxda diinta iyo ku dhaqanka Sharaceeda Islaamka.

Xoghayaha joogtada wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Maxamed Qeyroow Aadan ayaa sheegay in wasaaradda diinta iyo Awqaafta aysan ogolaan doonin meelaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriye oo dhaqan xumada sababa, iyadoo la kaashan doona Ciidamada amaanka sidii looga hortagi lahaa.

“Wasaaraddu waxay uga digeysaa Mujtamaca Soomaaliyeed isticmaalka waxyaabaha maanka dooriye loona kaashandoono laamaha amaanka, iyadoo loo baahan yahay in bulshada laga ilaaliyo waxyaabaha dhaqan xumada, wacyi galin joogto ah ayaana laga sameyn doonaa”.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Dr.imaan Cabdulaahi Cali ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin Boqolkiiba boqol dad Islaam ah, loona baahan yahay in la iska kaashado wixii umadda Soomaaliyeed lagu badbaadinayo, wasaaraddana ay door wanaagsan ka qaadan doonto arintaasi

“dadkan dadka dilayo ee aan waxba galabsan hadane sheeganaayo Islaam iyo dhaqamada xun xun dhamaan waxyaabahaasi waa wax dhalan rog ah sidaan uga hortagi laheyna ayaa loo baahanyahay in laga fikiro”.

Daawo Sawiradda Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta gaaray Baraawe

0

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa qoraal kooban uu bartiisa Twitter soo galiyay goordhow wuxuu ku sheegay in Hawlo shaqo uu u tagay Magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona kaga mahad celiyay Masuuliyiinta iyo shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida ay ugu soo dhaweeyeen.

 

Shirka horumarrinta magaallooyinka Africa oo Rome ka furmay+Sawirro

0

Roma (SONNA) Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome waxaa si rasmi ah uga furmay shirka horumarinta iyo Maalgashiga magaallooyinka Africa iyo Talyaaniga

Shirkan waxaa Soomaaliya ku matelaya guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Taabit Cabdi Maxamed, shirka inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa horumarrada ay sameeyeen magaalooyinka Africa iyo sida ay muhiim ugu tahay in maalgashi lagu sameysto, kuwa soo koraya iyo magaallooyinka burbursan ee dib u dhiska u baahan xilligaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa shirka ku wehlinaya safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga C/raxmaan Sheekh Ciise, khudbaddii lagu furayey shirka waxaa jeediyey wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda Talyaaniga oo sannadkaan marti-gelisay shirka.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa in uu ka jeediyo khudbad ka hadleysa horumarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo in ay u diyaar garowdey qaabilaadda Maalgashiga caalamka iyo arrimaha Dalxiiska.

Guddoomiye Taabit ayaa yiri “ caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo dadkeeduba marnaba kama joogsan doonaan tallaabooyinka ay ku xaqiijinayaan in caasimaddu hiigsato caasimadaha  la mid ah, waxaa naga go’an inaan ku dedaalno sidii aan indhaha caalamka ugu soo jeedin lahayn Maalgelinta iyo ka qeyb-qaadashada dhismaha Muqdisho, si nolosha Muqdishaawiyiintu ay horey ugu socoto”.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo gaaray Magaalada Baraawe+Sawirro

0

Baraawe (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Masuuliyiin kale sida uu wakaalada SONNA u xaqiijiyay Masuul ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana ku sugan magaaladaasi Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Deeq Taakuleyn ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Militariga+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Munaasabad ka dhacday xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho ayaa Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed waxay ku wareejiyeen Taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya Cabdi weli Jaamac Xuseen Gorod Sahay fudud oo loogu tala galay Ciidamada xoogga dalka ee dagaalka dalka looga xureynayo kula jira Maleeshiyada Al shabaab.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in sahaydan isugu jirta Caano, Buskud iyo Timir laga soo aruuriyay haweenka Soomaaliyeed ee ku kala sugan gobolada dalka, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb qaadatay Marwada Madaxweynaha.

“Sahaydaan fudud waxaa laga soo aruuriyay haween ku nool gobolada dalka oo dhamaantood diyaar u ah inay ka qeyb qaataan taakuleynta loo sameynayo ciidamada xoogga dalka, dadkii ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Marwada Madaxweynaha, markasta waan garab taaganahay ciidanka xoogga, waana ku dhiiri galineynaa dagaalka ay kula jiraan cadowga umadda Soomaaliyeed, waana sii wadeynaa dadaalkeena inta dalka laga xureynayo”

Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kaga mahad celiyay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed talaabadan ay qaadeen, wuxuuna ku sheegay in dhiiri galin weyn iyo garab istaag ay u tahay ciidamada xoogga dalka, isagoo ugu baaqay raga Soomaaliyeed inay ku deysadaan haweenka oo ay ka qeyb qaataan Taakuleynta ciidamada.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Militariga wuxuu kormeer ku tagay Xarumaha Saadka ciidamada Militariga, isagoo la kulmay hogaanka Saadka uu ka dhageystay Warbixin, wuxuuna intaas ka dib mid mid u booqday Bakhaarada Raashinka, Dharka, Keydka Shidaalka iyo Warshad cusub oo dhawaan la hirgalinayo taasoo ciidamada u sameyn doonta dharka ay xirtaan.

Wafdi uu hoggaaminayo R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baraawe

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goor dhow u amba baxay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin kale

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadooo halkaasi ay kusugan yihiin mas’uuliyiinta maamulka Koonfurgalbeed iyo Guddoomiyaha Shabeelada Hoose,iyadoo ay soconayaan qaban qaabo lagu so dhaweynayo raiisul Wasaaraha.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday  Baraawe, waxaana ay shalay la wareegeen deegaano hoos-yimaado degmada Baraawe,sidoo kale waxaa bar bar socota duqeymo lagu beegsanayo arggagixisada Shabaab.

Madaxweyne Shariif Xasan oo Baraawe ka degay

0

Wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ,maamulka Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose kuwaasi oo horey ugu sugnaa magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa goor dhow Muqdisho ka amba baxday diyaarad  wada Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera kuwaasi o ku wajahan magaalada Baraawe.

Arrimaha  safarkooda ayaa la xiriira xoojinta iyo dhiiro gelinta howlgalada ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay Shabaab kaga saarayaan Dalka.

Waxaa sidoo kale lafilayaa in uu halkaasi gaaro maanta wafdi ballaaran oouu hogaaminayo raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, iyagoo u kuuragalay arrimaha ciidanka iyo bogaadinta howlgaladasi socda.

Qaban qabo xoogan ayaa haatan ka soconaysa magaalada Baraawe taasi o lagu soo dhaweynayo mas’uuliyiinta Dowladda.

Hey’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista dastuurka oo heshiis kala saxiixday

0

Muqdisho(SONNA)–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegusta dastuurka ee labada Aqal, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka ayaa shalay kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah si loo dar-dargeliyo Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Munaasabadii lagu kala saxiixday heshiiska waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare ahna Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in ay la shaqeeyso Guddiyada hawsha Qaran ay kala dhaxeeyso, waxa uuna ballanqaaday in heshiiskan ay Wasaaradda ku dhaqmi doonto.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan Avv Maxamed Cabdalla Saalax ayaa si wadajir ah dhankooda u ballanqaaday in ay heshiiska ku shaqayn doonaan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cusmaan, RW Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, RW Ku-Xigeenka Mahdi Gulleed Khadar, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari ayaa Wasaaradda iyo Guddiyada waxa ay ku bogaadiyeen sida ay u soo diyaariyeen heshiiska islamarkaana u ballanqaadeen in ay dhaqangelin doonaan.

Gabagabadii, heshiiskan ayaa waddada u xaari doona ka mira-dhalinta dadaalka lagu dhameeystirayo Dastuurka qabyada ah oo ay dawladda Soomaaaliya horay u ballanqaaday.

Ciidamada NISA oo qabtay Raashin qurmay oo aan wali laga soo bixin dekada Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Kumanaan Loor oo raashin qurmay ah, isla markaana aan wali laga soo bixin dekada magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha uu wehliyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqday goobaha lagu qarinayay raashinka dhacay oo la doonayay in magaalada la soo galiyo.

Howlgalkan sirdoonka ee guuleystay waxaa la wareegay hogaanka baarista ee HSNQ.

Ciidamada Amaanka ayaa dhowr jeer sidaan oo kale ugu guuleystay inay fashiliyaan raashin dhacay oo la doonayay in lasoo galiyo magaalada Muqdisho.