Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo soo dhawayeeyay howlgallo lagu baacsanayo xubno xiriir la leh Al-shabaab 

Date:

Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo shir guddoominayay kulan ay Maanta isugu yimaaddeen Golaha wasiirrada ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay la dagaallanka Kooxaha Argagixisada iyo Dadka u adeega, isagoo Ciidamada ammaankana faray inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda.

Kulanka Golaha Wasiirrada Puntland ayaa dhanka kale laga soo saaray digniin la xiriirta in Dalka lasoo geliyo badeecoyinka dhacay ama aan tayada fiican lahayn, kuwaasoo halis ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed.

C/wali Xersi C/lle (Indha-guran) wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Puntland ayaa shirka ku sharraxay qaabka hubinta tayada iyo bad-qadka dhammaan baddeecadaha Dalka soo gelaya si looga ilaaliyo shacabka qatarta iyo waxyeelladooda.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambayn faray Wasaaradda ganacsiga in loo sameeyo shacabka iyo ganacsataduba  wacyigelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeellada badeecooyinka dhacay ama sumaysan ay u geysanayaan caafimaadka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...