Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo soo dhawayeeyay howlgallo lagu baacsanayo xubno xiriir la leh Al-shabaab 

Date:

Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo shir guddoominayay kulan ay Maanta isugu yimaaddeen Golaha wasiirrada ee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka go’an tahay la dagaallanka Kooxaha Argagixisada iyo Dadka u adeega, isagoo Ciidamada ammaankana faray inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda.

Kulanka Golaha Wasiirrada Puntland ayaa dhanka kale laga soo saaray digniin la xiriirta in Dalka lasoo geliyo badeecoyinka dhacay ama aan tayada fiican lahayn, kuwaasoo halis ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed.

C/wali Xersi C/lle (Indha-guran) wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Puntland ayaa shirka ku sharraxay qaabka hubinta tayada iyo bad-qadka dhammaan baddeecadaha Dalka soo gelaya si looga ilaaliyo shacabka qatarta iyo waxyeelladooda.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambayn faray Wasaaradda ganacsiga in loo sameeyo shacabka iyo ganacsataduba  wacyigelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeellada badeecooyinka dhacay ama sumaysan ay u geysanayaan caafimaadka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...