wafdiga ka socdey dowlada turki oo booqdey xafiiska madaxweynaha dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Mudane Hakan Çavuşoğlu iyo wafdi uu hoggaaminayey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay mar walba la garab taagantahay Soomaaliya, waxa uuna ammaanay xiriirka walaaltinnimada leh ee kala dhexeeya Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa dhankiisa uga mahadceliyey sida diirran ee ay Dowladda Federaalka usoo dhaweysay isaga iyo wafdiga la socday, wuxuuna ammaanay dadaallada dib u heshiisiineed ee ay Dowladda Federaalka ka wado dalka iyo horumarka dhanka Siyaasadda ay ku tallaabsatay.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa caddeeyey in ay fulin doonaan heshiisyadii ay Soomaaliya ku kala saxiixdeen Ankara bishii Janaayo ee sannadkan, ayna ka bilaabayaan maalgashiga Kalluumaysiga Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga sidii loosii adkeyn lahaa loona horumarin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo maalgashiga, wuxuu Madaxweynuhu ku bogaadiyey Dowladda Turkiga tababaridda, tayaynta iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliyeed si ay uga xoreeyaan dalka argagaxisada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga ayaa sheegay in sannadkan ay kordhiyeen miisaaniyadda ay ku kabaan Dowladda Federaalka, sidoo kalena ay maalgashi ku samayn doonaan webiga Shabeelle si kor loogu qaado wax soo saarka Beeraha Soomaaliya.

Waxaa kulanka kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibedda Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr, Lataliyaha Madaxweynaha Arrimaha Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Dhinaca Turkiga waxaa kasoo qeyb galay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Olgan Bekar, Madaxa Hay’adda TIKA Mudane Serdar Çam, Xildhibaan Muhammed Müfit Aydın, Xildhibaan Halil Etyemez oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...