Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka oo Muqdisho kula kulmay Ururada Bulshada Rayidka.

Date:

Kullan ka dhacay Xafiiska Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dastuurka.

Kullanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Dalladda Ururada Bulshada rayidka ee (SOCHENCA) Diini Axmed Diini iyo PUNSAA ee Puntland Feysal Axmed Warsame iyo Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Ugu horeyn ayaa kullanka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ee PUNSAA Feysal Axmed Warsame,wuxuuna sheegay iney muhiim tahay in la tashi lala sameeyo Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Diini Maxamed Diini,Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka (SOCHENCA) ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in dhaqaalaha ku baxaya dastuurka ay bixiso .

Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Ururada Bulshada rayidka uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha dastuurka,isagoona sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan in howlaha dib u eegista dastuurka dhameystirmaan sanadka 2018-ka.

Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday la tashiyo ay la yeelanyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...